CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI part 2

0
Friday February 08, 2013 - 10:50:46 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 20432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI part 2

    CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI iyo la kulankiisi Qaysar............... part 2

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI iyo la kulankiisi Qaysar............... part 2 ....... . La kulankii C/llaahi ee Qaysar: Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay. Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo". Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood. Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo?ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado. Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido. Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip