Markaan arkay waan ilmeeyay “Qiso cajiib badan”

0
Wednesday February 06, 2013 - 11:54:01 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 4445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaan arkay waan ilmeeyay “Qiso cajiib badan”

    Qissadaan waxaa ka sheekeeyay Dr joogo xaruunta caafimadka , ...................

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qissadaan waxaa ka sheekeeyay Dr joogo xaruunta caafimadka , ................... Anigo jooga xaruun caafimaad oo aan aniga lee yahay,aya waxa ii soo galay Hooyo aan ku qiyaasay

Da’ahaan 60jir,waxana la socda wiilkeeda oo aan asigana ku qiyaasay inuu jiro 30jir

Waxan ka aqristay wajiga wiilkeeda jaceylka uu u qabo hooyadiis iyo sida naxariista badan uu hooyadiisa u daryeelaayo, mar xijaabka buu u toosiya ,marna cabitaan iyo raashiin buu afka u galiyaa.

Waxaan arkay iney hooyada madaxa looga jiro oo dhimirka la’dahay.

Waxan weeydiiyay gabadhi kalkaalisada ee daryeelka hooyadaan qaabilsaneed

Xaalada caafimaad ee hooyadan, kadib warbixinti markaan aqriyay,aad baan uga calool xumaaday

Waxa indhaheeyga sooo buux dhaafiyay ilmo xanuun leh.

Aniga oo dareenkeyga qarinaaya ayan si kaftan ah ku weeydiiyay wiilki

“walalal hooyo yaa daryeelo”??

Wuxu igu jawaabay:”aniga aya daryeelo”

Waxaan kalo weeydiiyay: Hooyo nadaafadeeda yaa daryeelo oo dharkeeda iyo jirkeeda daryeela?

“Aniga aya Suuliga geeya dharkeedana u soo diyaariya ,waxaan sugaa inta ey ka soo dhameeysaneeyso

Xaajadeeda iyo qubeeskeeda kadib na waxan meeyraa dharkeeda midka wasaqda ah

Waxaan u soo iibiya dharkeeda” asiga oo murug laga dheehan karo wajigiisa ayuu igu jawaab celiyay

Waxan su’aalay:” maxad gabar shaqaalo ugu keeni weeysay guriga si ay u daryeesho hooyo”?

“hooyadeey waa sida caruur oo kale ma sheegan karto dhibkeeda mana taqaano qofka wanaajiyo

Iyo kan xumeeya ba madaama ay dhimirka looga jiro”ayuu igu jawaabay

Waxan aad ula yaabay oo amakaak igu riday sida baarinimada leh uu wiilkaan hooyadiis u xanaaneeyay

Waxan su’aalay aniga oo layaaban xaalkiisa,

“adigu xaas maleedahay”?

Wuxu igu jawaabay:”haa! Waxana ii joogta 3caruur ah ilaah mahadiis ”

“Xaaskagu madaryeesho miya hooyada” ayan su’aalay

“haa xaaskeeygu kama gaabin wanaag waliba oo ay awoodo

Raashiinka bey u karisa aniga waxan jeclahay marwaliba inaan raashiinka la cuno hooyo

Maadaama ay qabto Sokorow & dhiikar si aan u ogaado raashiina hooyo cuneeyso aniga aya marwaliba raashiina ka la cuno” ayu igu jawaabay

Waan layaabay runtii wiilkaan xaaladiisa

Waxay indhaheeyga qabteen hooyada faraheeda,waxan arkay nadaafada ka muuqato cijiyaheeda way u jaran yihiin sidi qof miir qaba o kale isma oraneeysid qofkaan baa dhimir la’.

“Hooyo cijiyaha ya uu jaro”?! ayan si layaab leh u weeydiiyay

Wuxu igu jawaabay:” hooyo waa maskiin aniga aya u jara oo timahana u hagaajiya”.

Waxay hooyadi hal mar afka la furtay oo ay ku dhahday wiilkeedi

“Hooyo goorma ayad ii soo iibineeysa Mobile”?!

Wuxu ugu jawaabay:”hooyo hada ayan suuqa ku geenaya waxad rabto waan ku soo ii binaaya”.

Aad bey ugu farxday jawaabti uu ugu jawaabay wiilkeedi

Waxan la yaabay sida baarinimada leh uu ugu jawaabay wiilka hooyadiis

“Sidaan oo kale beey mar waliba wax ii weeyiisa hooyo,hadii aan awoodeeda leeyahay waan u soo iibiya” ayuu igu yiri.

Waxan ku dhahay:’ Hooyo caruur kale maysan dhalin miya?!”

Wuxu igu jawaabay:” hooyadeey marki ay I dhashay bil kadib ayeey shil gaari madaxa jug kagaartay

Kadib na aabe wuu furay hooyo”.

“Kadib aabe aya ku soo bar baariyay?!” ayan markale weeydiiyay.

“Maya ayeeyo aya isoo bar baarisay hooya na xanaaney jirtay, mudo 10sanoah kadib

Ayeeyo way geeriyootay”. ayuu igu jawaaba

Layaab iyo ama kaak aya iga soo haray.

“hooyo ma ku xanaaneeysay oo ma ku soo korisay kadib marki aad dhalatay?!!” ayan si

Naxariisi leh u weeydiiay wiilki

Wuxu igu jawaabay:” walaahi ditoore hooyadeey 20sano aniga aya xanaanen jiray oo daryeeli jiray

Yaraanteeydi waxan ku soo koray gacanta ayeeyo mana arag naxariista hooyo eey siiso caruurteeda

Waayo hooyadeey ayada ayaaba u baahneed daryeel”.

Waxaan niyada iska weeydiiyay su’aalo fara badan:” adiga hooyada waxay caloosha kugu siday 9bilood waxay har iyo habeen u soojeeday daryeelkaaga waxay la ilimeen jirtay farxadaada

Laakiin hooyadaan maskiinta ah wiilkeeda way dhashay oo kaliya,daryeel hooyo nasiib uma yeelan mudo 20sano asiga hooyadiisa daryeelaayay .

waxan isbar bar dhigay wiilkaas iyo aniga meesha aan taaganahay.

Waxan u qoray daawadi ay u baahneed hooyadi, waxaana ku dhahay kalkaalisadi:

isbuuc fasax ah ayan u baahanahay, waxan booqasho u aaday hooyadeey oo kunooleed baadiyaha

Waxana ilaah ka bariyay inuu hooyadeey ii xafido..

Waxan dhamaan aqristayaasha ka codsan laha in ay naftooda iyo ilaahey balan kula galaan

Ineey waalid kooda baari u noqdaan oo ayasan sameen wax ayaga cara galiya maxayeelay waalidka

Oo aad ka careeysiiso waxa kaga caroooda ilaahey, nabiga NNKH wuxu dhahay:”waxa hoogay qofkii labadiisa waalid da’nimo ku soo gaara oo aan janada na galin”



BY: Akhuukum SALMAAN CIISE


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip