Dhalinyarada ayagaa ah kuwa dhalinta kale dhumiya ama toosiya

0
Tuesday February 05, 2013 - 02:31:11 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 4249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada ayagaa ah kuwa dhalinta kale dhumiya ama toosiya

    allaah baa mahad dhamaanteed u sugnaatay nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato nabigeena Mohamed salla-allaahu caleyhi wa sallaam intaa ka dib asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu walaalayaal aqristayaal waxaan idin soo diyaarinay qoraal ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

allaah baa mahad dhamaanteed u sugnaatay nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato nabigeena Mohamed salla-allaahu caleyhi wa sallaam intaa ka dib asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu walaalayaal aqristayaal waxaan idin soo diyaarinay qoraal kooban misana ah qiso cajiib ah iyo toobad saalix ah wa qoraal ku aadan in dhalin yarada ah yihiin ayaga kuwa dhumiya dhalinyarada kale ama toosiya wa qiso ku bilaawaneesa sidatan,,,,

aqristood barri baa waxaa jiray saddex wiil oo dhalin yaro saaxibo ahaa


saddexdaan dhalinyaro waxey ahaayeen kuwa ka mid ah dhalinta


samaankaan luntay oo sheydaanka ka qaalib noqday waxey ahaayeen



kuwa isku caawiya xumaanta iyo dulmiga waxey ahaayeen kuwa reeba


wanaaga oo xumaantana fara Mudo waxey sidaa ku dhex jiraab buu


allaah la doonay midkood dhalinyaradii inuu hanuuniyo oo xaalkiisa


toosiyo Markii uu wiilkii allah hadeeyay buu asna uu la doonay labadiisii


saaxib toosnaan iyo hanuun iyo iney kheerka soo dhex galaan


waxuuna ku dadaali jiray labadooda illaa uu allah ku hanuuniyay


midkii labaad iyo sadaxaad. Ka dib waqti uu allah hadeeyay allaah


mahadiis waqti ay ahaan jireen furayaasha xumaanta oo dhan maanta


waxey noqdeen furayaasha kheerka kadib bey wacad adag ku galeen


dhalinyaradii iney intii waqtigii ay danbi ku soo Dhumiyeen ay ku


dadaalaan inta nolasha u dhiman iney siyaadiyaan acmaasha


wanaagsan iyo daacada allaah oo habeen walba mid gurigiisa loogu


cibaadeestaan xilliga uu allaah soo dago samada koowaad oo la aqbalo


wax walbo soona dagato naxariista allah . markaas buu allaah naadiya


asagoo leh ma jira mid toobad keenaayo aan ka aqbalee ma jira mid


wax i weydiista ma jiraa mid ii soo laabta xiligaas bey balameen si ay


allaah toobad weydiistaan habeenka xiligiisa danbe illa salaada subax


la gaaro ka dib bey aadi jireen masaajid-ka mid ah masaajidda si ay ugu


soo tukadan kali kali ama jamaaco siduu allah doono .waxeyna u


qeebsadeen sidaa bey ahaayeen illaa waqti . Habeen habeenada ka


mid ah baa midkii doorkiisa ah in gurigiisa lagu kulmo in uu maqnaaday


illaa ay 30 daqiiqo ka hadhay salaadii subbax waxey dooneen labadii


dhalinyaro kale iney ayaga ugu tagaan gurigiisa markii ay u


dhawaaden guriigisa guri xooga u jiro waxey maqleen muusik cod aad u


sareeyo lagu daaray gaarigii bey joojiyeen waxuuna gaarigii ku sigtay


inuu la qarxo codkii dheeraa ee musikada ahaa waxey is weydiiyeen


dhalinyaradii ma waxay moodayaan iney aheyn saacad mubaarag ah


saacadaas miyeyna ogeen kuwa musika shiday . Waxey is weydiiyeen


dhexdooda maan u galnaa dhalinyaradaan si uu allah u hadeeyo aanu


ugu duceeno weyna u galeen qolkii musikad aka daarneed .


markaas baa waxaa ka soo baxay wiil dhalinyara ah oo mooday iney


dagaal u soo galeen illeyn waa waqti danbe oo habeen ah.


markaas bey banaanka u soo baxeen asna wiilkii istaagay gaariga


agtiisa asagoo taxdiran markaas buu ku yiri maxaad dooneesan .


Markaas bey salaameen ayago leh ''


As-salaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh ''


markaasu is yiri wiilkii dhalinyarada aha kuwani salaanta ku hor maray


dagaal ma rabaan. Markaas bey ku dhaheen ma taqaan sacadaan


waxey tahay ? saacadaan waa saacada ducda la aqbalo toobad kii la


yimaadaana laga aqbalo wa saacadaha saacadda ugu weyn taasoo


allah ducada aan soo celin miyeeyna aheen agtaada xaajo aad rabto


inaad allaah weydiisato. waxuu yiri wiilkii


Ma taqaanaan kumaan ahay aniga ? waxan fila inaadan i garareen


qufkaan ahay aniga waxey dhaheen kumaa tahay adiga ?


Aniga waxaan ahay Xassaan XASSAANKAASOO aan naarta loo


abaarin illaa aniga mooyee inaan galo baa naarta loo abuuray !!!


waxey ku dhaheen allah ka baq albaabada naxariista allaaha


waa waasic allahna wa aqbalaa


waxey wiilashii saddaxda ahaa bilaaween iney xasuusiyaan weynida


naxariista allah ayagoo leh allah waa yiri


(aniga waan u dhaafa kii ii toobad keeno ee i rumeeya ka dibna toosnaada )


allah waa ku yiri xadiis qudsi ]]]


((ina aadamoow hadaad i tuugto ina rajeeso wan kuu dhaafa


waxaad danbiga aad leedahay, ina aadamoow hadii ay danbiyadaada


gaaraan dhirikooda samada kadibna ii toobad keento waan ku dhaafa ,


ina aadamoow hadaad iila timaado dhulka mugiis oo buuxo oo banbiyo


ah adoon i shariig yeelin waxaan kuula imaan intaad iila timid mugood


oo danbi dhaaf ah ))


allah waa kii yiri


(( kii toobad keenaa oo rumeeya oo falaa camal saalix ah kuwaas


waa kuwa loogu badalo xumaantoodii xasanaad allaah waa mid dhaafa


misana naxariista )))


allah waa naxariis badane u anxariista kan u imaada allah waa dhaafe


u dhaafa kan u toobad keena ee xassaanoow garaac albaabka toobada


oo allah u laabo markaas buu xasaan bilaawy inuu ooyo oo yiraahdo


ma i aqbalayaa allaah ka dib intaan sameeya sidaa iyo sidaa


wuxuu bilaabay inuu xuso wixii xumaan uu sameeyay ma jirto albaab


xumaan illaa haduu jiray waan galay ma jirto albaab musiibo illaa aan


sameyay ka dib allah ma i aqbalayaa ? sidaa waxaa yiri xassaan


markaas bey dhaheen HAA HAA waliba ku badalayaa allaah xumaanta


wanaag. waxuu yiri xasaan hadda aniga waxaan ahay saqraan .


ka dib wey wadeen waxeyna geeyeen guri u dhawaa kadib ayuu


qabeestay uu labistay dhar wanagsan si uu u xaadiro salaadiisii ugu


horeesay sanado badan ka dib wuxuu leeyahay wiilkaan sanado badan


maan aqaanin allaah maan u tukan allah rakcad kali ah sanado badan


hadaba xasaan wuxuu ballan qaaday ballan toobad ah Salaadi subax


baa la galay imaamkii salaada tujinayay baa ku dhawaqay asagoo


aqrinaaya aayada ugu rajada badan quraanka ee ah


'' ku dheh (Nabiyoow ) adoomankeyga ku xadgudbay nafyaashooda


haka quusanina Naxariista allah. allah waa dhaafaa dunuubta


dhamaantood asaga allah waa mid dhaafa oo naxariista''


Markaas ba masaajidka ka dhex yeeray sawaxan qeylo ah iyo cod dheer


oo ooyin ah codkaasoo ka yimid xassaan Imaamka wuu aqrinayaa


aayadaha quraanka xassaana waxa u siyaadaya oohinta


XASSAAN WAA KII LAHAA NAARTA LOOMA UUMIN WAXAAN ANI AHEYN


Markuu imaankii salaada dhameeyay waxuu bilaaway inuu ka heekeeyo


nolashiisii waxuu ku daray hadalkiisii waxaan leeyahay hooyo iyo aabo


waayeelo ah maan arag labadoodaba in mudo bilooyiin ah


*Aqristoow maxey hooyada iyo aabahaas uga baahnaayeen wiilkooda


oo xaajo ahaa inuu garabkooda istaago markuu weynaaday ?


xasaan waxuu leeyahay asagoo sii wato hadalkiisii Hadda waxaan


doonaya inaan arko aabaheey, aabaheey waxuu ku tukada salaada


subax masajid hebel wuxuuna ku sugnaada masaajidka illaa qoraxda ka


soo baxdo. ka dib waxey aadeen masaajidka aabaha lagu sheegay.


markii ay gaareen meesha waxaa joogay oday waayeel ah aan si


waanaagsan wax u arkin wey u yimaaden oo salameen kuna dhaheen


waxa nala socdo xasaaan . aabihii markii uumaqlay magaca xassan


wuxuu bilaaway inoo yiraahdo XASSAAN allaha ku gubo wajigaaga


naarta Xassaanoow !! allaha kuu cadaabo sidaad ii cadaabtay


xasaanoow :( waxuu bilaaway xassaan inuu ooyo , saddaxdii dhalinyaro


ee la socotay xassaan waxey ku dhaheen odaygii xassan


wuxuu kuu yimid assagoo toobad keenay oo hogaansan u laabtay allaah


wuxuu yiri aabihii xassaan maa toobad keenay waxey dhaheen Haa


wuxuu ku soo tugaday salaadii subbax jamaaco wuuna badalay


nolashiisi hore. subxanallah aabihii wuxuu bilaaway inuu asna ooyo


farxad darteed hadalkooda waxa kalaa ooyay saddax kaloo goobjoog


ahaa farxadda toobadiisa darteed kadib wey baxeen waxeyna u


sheegeen xassaan hooyadiis toobad wiilkeeda illaa ay oosay oohin


daran laakin aqristoow waxaan leenahay dhamaan farxadooda


waxaa ka farxad badan kana weyn farxada allah uu ku farxay toobadiisa.


xasaan wuxuu bilaaway inuu masajida allaah quraanka ka barto


saladahana ku tukado wuxuu gaaray inu maalin walbo sii siyaadiyo


acmaashiisi illaa uu maalin naftiisa ku yiri waxaan leeyahay xumaan iyo


danbiyo badan waxaana maleenayaa in allah ii dhaafeyn waxaan


sameeyay oo danbiyo ahaa illaa aan nafteyda geeyo saaxada jihaadka


si la iigu dhaafo dhibic walboo dhiig iga baxdoy wixii danbi aan galay


illen nabiga S,C,W ayaa yiri


''shahiidka waxaa loo dhaafa wixii uu danbi wada galay dhibicda ugu


horeesa ee dhiiga oo ka baxda naftiisa illaa deenta mooyee''


markaas buu ku yiri aabihiis aabo waxan doonaya inaan u dhaqaaqo


saaxada jihaadka si aan ugu qaado kalimad aallah kor si aan ugu yeelo


kalimad allah korbuu ku cel-celiyay xassaaan.


aabihi baa yiri xassaanoow waxaan ku farixnay soo labashadaadii


iyo toobadaadii ee hanaga tagin hadda aaboow.


xasaan baa ku yiri aabihiiss hadaad i jeceshihiin ha-dhex galina


ani iyo u dirirka allah dartiis


markaas buu yiri aabihii waxaa kuu sugnaaday waxaad doonto hadee


ku fasaxdo hooyadaa. markaas buu u yimid xassaan hooyadiis oo uu ku


dhagay lugaheedii asagoo leh hooyo waxan doonaya inaan u dhaqaaqo


dhulka jihaadka ee i fasax illeen waxaa ii sugnaaday danbiyo badan aan


la dhaafeen illaa aan u daadiyo dhibic walbo oo dhiigeyga ah dar allaah


hooyadii baa tiri xassaanoow toobadadii baan ku faraxnay adna maad


naga tageesa xasaanoow hada ?


wuxu yiri hooyooy hadaad i jeceshihiin i daya aan tagee


waxey tiri hooyadii waayahee hal shardi baan kugu xerayaa waxeyna tiri


xassaan hoooyadii inaad noo noqto allaah agtiisa maalinta qiyaamo mid


inoo shafeco qaado hadaad shahiido markaas bey ballameen hooyadii


iyo wiilkeeda wuxuuna u baxay xassaan meeshii dagaalka iyo sharafta


iyo cisda islaamka meeshaas oo muslimka ku dareemo karaamada iyo


sharafta muslimka uu leeyahay dhalinyaro la socotay xassan ayaa ka


shekeenayo xaalka xassan siduu ahaa markuu tagay goobta dagaalka


ayagoo ku bilaaway sidatan ......


wuxuu ahaa geesi jir dhisan oo ad-adag waxaan ku aragnay arimo lala


yaabo oo cajiib ahaa


wuxuu ahaa mid soon badan waliba Habeenkii u istaaga salaatu leyl


misana qidmo badan waxey dhaheen dhalinyaradi la socotay xassan


waxaan joogan maalin Buur dhinaceed meesaas oo nalagu soo


weeraray weerar culus waliba cadawga ayagoo watay diyaarado dagaal


waxaan nagu bilaaway madaafiic iyo duqeymo ay na duqeeyeen


diyaarado dagaal Subxanallaah bartilmaameedkii duqeyntaa meysan


hilleelin illaa qofaan aheen xassan oo madaafiicdii duqeyta ku dhaceen


Xassaan. ka dib waxaan u cararnay xassaan xagiisa markaan gaarnay


xassaan agtiisa waxaan aragnay xassaan lafihiisii oo jajabeen


dhigiisiina dhinac walbo ka daadanayo markaase baan ku dhahnay


xassaaanoow sidee baa tahay? Markaas buu xassaan ku yiri saxibadiis


AAMUSA AAMUSA AAMUSA


wallaah wallaahi waxaan maqlayaa aniga Codka xuurul ceynta oo iiga


yeereesa buurta dhabarkeeda.


xassaan waa kii lahaa naarta looma abuurin waxaan ani aheen jannada


buu ka galayaa albaabkuu doono kadib waqti uu ahaan jiray mid maqla


yeeriytaankii sheydaaka maanta wuxuu maqlayaa xuurul ceynta -


yeerintaankeeda oo u yeereesa xasaan xuurul ceyntii oo ku faraxsan la


kulanka xassaan wey u xiistay xuurul ceyntii la kulanka xassaan


sababtoo ah xasaan waa uu toobad kenay xaalkii buu badalay


badalitaan wanagsan oo toosnaaday allaahna wuu ka aqbalay


toobadiisa wuuna u furay albaabadiisa wanagsanaa al-baabkii toobada


albaabkii naxariista iyo alaabkii shuhadada.


Hadaba Aqristoow hadan u yara laabano bilaawga qoraalka


toobada iyo toosnaanta xassaan allaah ka sokoow waxaa u sabab ahaa


dhalin yaro doontay iney walaalkood u naseexeeyaan allaahna ku sugay


dhalinyarada ayagaa ah kuwa dhalinta kale dhumiya ama toosiya


arinka waa in la is kaashadaa oo lagu samra daacada allaah lagana


samro xumaanta oo idil Wabillaahi tawfiiq...


BY:Akhuukum, SALMAAN CIISE



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip