Axkaamta Idqaamka Iyo Iqlaabka

0
Thursday February 19, 2015 - 14:51:02 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3594
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 10 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Idqaamka Iyo Iqlaabka

    Oo Ku Qoran Afsoomali Uga Ciil Bax Afkaaga Hooyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oo Ku Qoran Afsoomali Uga Ciil Bax Afkaaga Hooyo




Bismilah Walxamdulilaah Wa nastaciinuhu


Axkaamta Nuunta Iyo Tanwiintu Leeyihiin waa 4

1.Idhaar horaan uga so hadalay
2 .Idqaam Isdhexgalin
3.Iqlaab rogid
4. Ikhfaa Qarin

Idqaam- Waa is dhexgalin xuruuftiisina waxa lagu kulmiya (يرملون) yarmaluna

Idqaamku Waa-Xarafkii hore ee nuuntii reebnayd ama tanwiintii waxa la dhex galinaya markay kadaba yimadaan 6dii xaraf ee(yarmaluuna) ayadoo la qunaynayo intii laba farood laga laabo.

Idqaamku 2Qaybood ayuu u qaybsamaa

Idqaam La Quneeyo waana 4 xaraf (w y m n) lagu kulmiyo yanmu) ama yuumin " ينمو " ama" يومن

Idqaam aan la qunayn wana 2xaraf laam iyo raa

Midka La quneeyo sharaxiisa

Tusaalayaal 4ta xaraf ee la quneeyo.

Ogsoonoow idqaamka la quneeyo ma noqdo ilaa laba kalmadood mahanee

1.Nuun reeban ay yaa xarakaysan kadaba yimid

:﴿مَن يَقُولُ Qunee

2.Nuun reeban uu nuun xarakaysan kadaba yimid

 ﴿مِن نِّعْمَةٍQunee

3. Nuun reeban uu miim xarakaysan kadaba yimid

 ، ﴿مِّن مَّلْجَأٍ ، Qunee

4. Nuun reeban uu waaw xarakaysan kadaba yimid

 ﴿مِن وَلِيٍّ ، Qunee

1. Tanwiin ay yaa xarakaysan kadaba yimid

 ﴿وَبَرْقٌ يَجْعَلُونَ Qunee

2. Tanwiin ay nuun xarakaysan kadaba yimid

 ، ﴿ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ﴾ Qunee 

3.Tanwiin ay yaa miim xarakaysan kadaba yimid Qunee

 ﴿عَذَابٌ مُّقِيمٌ Qunee

4. Tanwiin ay waaw xarakaysan kadaba yimid

 ﴿يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ...  Qunee

Idqaamka aan Qunada Lahayn ama Aan La Qunayn

Hadii Nuun reeban gadasgeeda Ay dhacaan laba Xaraf Laam Iyo Raa Waa Nuuntii 2labadaas xaraf aya la dhex galinaya ayadoon la qunayneeyn.

Tusaale

1.Nuun Reeban ka gadaal martay Laam xaarakaysan

منْ لَدنه ugu dhawaaq miladunhu

ومن لستمugu dhawaaq wamalastum

2.Nuun Reeban ka gadaal martay Raa xaarakaysan

منْ رَبِهم ugu dhawaaq mirabihim

1.Tanwiin gadaal martay Laam xaarakaysan

ويلٌ لكل همزة ugu dhawaaq waylulikuli

خيراً لكم ugu dhawaaq khayralahum

2.Tanwiin gadaal martay Raa xaarakaysan

غفورٌ رحيم ugu dhawaaq qafuururaxiim

 Fiiro gaara Hadii Hal Jumlo ay wada galaan nuun reban iyo 4xaraf waa la mujinaya wana la cadaynayaa

  ﴿دنيا Muuji nuunta dunyaa

﴿بُنْيَانًاmuuji nunta Bunyaanan

صِنْوَانٌ Muuji Sinwaanun

﴿قِنْوَانٌMuuji nunta QInwaanun


Iqlaaab.

 Iqlaabku Waa rogid ama gadin

Nuuntii reebanayd ama tanwiintii hadii hal xaraf ee Baa kadaba timaado waxaa loo badalayaa Miim

Xuruufta iqlaabku wa hal xaraf (B)

3sedex nooc ayaan u qaybinaynaa 

1.Nuun Reebaan baa xarakaysan kadaba timid  Nuuntii Miim u badal Waana Hal Kalmo.

أَنْبِئْهُمْ). ugu dhawaaq Ambi'hum

.Nuun Reebaan baa xarakaysan kadaba timid  Nuuntii Miim u badal Waana labo kalmo ay kala galen

(مِنْ بَيْنِهِمْ).ugu dhawaaq mimbaynihim

3 Tanwiin baa kadaba timid tanwintii miim u rog

 (عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ). ugu dhawaaq caliimumbidaati suduur

 

Casharka dhiman Ee ikhfaaga Gadaal ayaan ka keeni doona intaan sii dhuux allaha ku sahlee




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip