Fadliga ay toobada leedahay qoraal kooban

1 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 21816
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fadliga ay toobada leedahay qoraal kooban

    Fadliga ay toobada leedahay qoraal kooban.......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadliga ay toobada leedahay qoraal kooban.......

Ma dooneysaa in laguu kordhiyo maal caruur iyo barwaaqooyin kale

hadii [HAA] aad leedahay toobada u deg-deg allaah waxuu yiri

asagoo Nabi nuux caleyhi salam hadalkiisi noo shegayo

''waxaan ku iri Rabbigiin danbi dhaaf weydiista waa danbi dhaaf

badanee . (10 ) Cirka roob badan ha idiinka keene (11) Hana idiin

kordhiyee xoolo ( maal) iyo wiilal iyo beero hana idiin yeelo wabiyaal

''(12] [ suuratu nuux]

Ma dooneysaa in caafimaad allaah ku siiyo awoodna kuu yeelo

Hadii ay jawaabtuu [HAA] tahay dhageyso allaah waxuu leeyahay

asagoo nabi huud caleysi salaam warkii uu ku yiri qoomkiisii caad

noo sheegayo waxuu yiri

'' Qoomkeygoow danbi dhaaf weydiista allaah una toobad keena

Ha soo diro samada (roobab) Korkiina si badan hana idiin ku kordhiyo

xoog xoogiinii (hore) hana jeedsanina adinkoo danbiilayaal ah''

(52 suuratu huud)

Ma dooneysa in lagaa nabad giliyo balaayooyinka iyo halaaga

Hadii ay jawaabtaadu [haa] tahay wan filayaa iney tahayee iga

dhageyso allaah waxuu yiri

''allaah ma ahan ( nabi muxamedoow) mid cadaabo (umadaada)

adoo dhex joogo Mana ahan mid cadaabo ayagoo danbi dhaaf

weydiisan '' (33 anfaal)

Ma dooneysaa inaad raaxo ku noolaato aduunka iyo aakhiradaba

hadii ay jawaabtaada [HAA] tahay dhageyso allaah waxuu yiri

''dambi dhaaf warsada allaah una toobad keena wuxuu idiinku

raaxayn nolol wanaagsan'' (huud aayada 3)

Waxuu kaloo allaah yiri asagoo hammi weyn innaga gilinaayo

naxariistiiisa si walbaan u danbaabno

''Waxaad dhahdaa Nabiyow addoomadayda ku xad gudbay

Naftoodow ha ka quusanina naxariista allaah,allaah waa dhaafa

danbiyada dhamaantood, waana dambi dhaaf badane naxariis

badane '' (suuratu Zumar aayada 53 aad )

Ma dooneysaa in hamigaaga aad hesho ciriiriga lagaa saaro risqi

waasic aad hesho ? hadii ay jawaabto [HAA] tahay dhageyso

Nabiga sallaahu caleyhi wasallim waxuu yiri

''Kii laasimaa istiqfaarta allaah waxuu ugu yeela hami walbo faraj,

cariiri walbana makhraj( wuu ka saara cariiriga) waxuuna ka irsaaqa

meel uusan filenyn'' { abuu daawuud ba wariyay }.

hadaba hadii danbiyadaada ay ka tira bateen ciida haka quusan

naxariista allaah , allaah waa uu ku sugaya si aad ugu laabato

asna kaaga toobad aqbalo ee maadan toobad keeneen

Sheydaanka yuusan ku kadin waqti ma heysatideeu deg-deg toobada

Wa billaahi tawfiiq



Hannaga ilaawina 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip