Tuke, ku mahadsanid falcelintaada iyo fikraddaada gurracan ba" Xasan Sh. Xuseen Warfaa"

0
Saturday December 22, 2012 - 04:44:05 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 3717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuke, ku mahadsanid falcelintaada iyo fikraddaada gurracan ba" Xasan Sh. Xuseen Warfaa"

    Alsunnah Center:Sunday,June,24,2012 Haddii aan, sida aad rabto adigu, isku koobo Qur'aanka oo keli ah, aragtida aad ka hadashay waxa beeninaya isla Qur'aanka laftiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alsunnah Center:Sunday,June,24,2012 Haddii aan, sida aad rabto adigu, isku koobo Qur'aanka oo keli ah, aragtida aad ka hadashay waxa beeninaya isla Qur'aanka laftiisa

Waa run oo xadiisku waa soo-warin bani-aadan (marka laga tago asalkiisa oo Ilaahay ka yimid), sidoo kale Qur’aanku waa soo-warin bani-aadan (marka laga yimaaddo Jibriil oo asalkiisii ilaahay ka soo weriyey) ee ruux maanta nool oo uu waxyi ahaan ugu soo degay ma jiro. Sida xadiiska, ayaa Qur’aankana laabaha ragga iyo saamaha xoolaha lagu ilaaliyey oo facba fac u soo dhiibay. Qur’aanka waxa Ilaahay ballan qaaday in uu isagu dhowrayo, xadiiskuna taas wuu la qabaa. Akhri aayadda 3&4-aad ee suuradda An-Najm:"iskama hadaaqo Nebigu*waxa uu ku hadlaa waa waxyi loo soo waxyooday”.Waxa aynnu og nahay in Qur’aanku yahay waxyi, aayaddanina waxa ay inna tusaysaa in uu Xadiiskuna yahay waxyi. Sidaas ayuu ku ilaashan yahay.

 

Haddii xadiiska la deedafeeyo waxa soo baxaysa dhibta ugu weyn ee lagala kulmayo fahanka Qur’aanka. Tusaale ahaan rakcadaha salaadda, aminta mid kasta la tukanayo, waxa dhexdeeda la akhriyayo, sida khaladkeeda loo saxayo iwm waxa sheegi kara oo keli ah xadiiska ee aayad ka soo heli maysid. Sidoo kale sekada xilliga la bixinayo, inta la bixinayo iyo waxa lagu bixinayo ba xadiiska ayaa sharxa. Dhammaan shanta cibaado ee waaweyn ee muslimiintu muslimiin ku yihiin ba tafaasiishooda waxa lagala soo baxay xadiiska. Haddii aan xadiis jirin, waxa dhici lahayd muslimiin todan jeer maalintii tukata, ama sakada tobankii sanoba mar dhiibta, ama xajka bisha labaad tagta, ama bisha ramadaan habeen iyo maalin soonka isku darta oo 15 cisho ku dhammaysa ama…ama…ama. Waxa dhici lahaa muslimiin kala muslimiin ah oo aan isku ficil ahayn.

 

Akhri aayaddan: "waxa Nebigu idiinla yimaaddo qaata waxa uu idinka reebana ka hadha…” Suuradda Al-Xashr, aayadda 7-aad.Waxa uu innoola yimid waa in aan dhaqankiisa ku dayanno, hadalkiisa qaadanno waxa uu OK-gareeyona aqbalno. Waxa aad TUKOOW ii sheegtaa halka uu markaa shirki ku noqday? Miyaanad Qur’aanka ku qanacsanayn? Miyaanay aayaddaasi si cad amar ugu bixinayn in aad qaadato xadiiska?

 

Haddii aad tidhaa xadiiska ninbaa soo-weriyey oo laguma kalsoona…Qur’aanka yaa innoo keenay? Miyaanay rag ahayn (raggii diiwaangeliyey sida Cusmaan Binu Cafaan oo kale)? Miyaanay dunida jirin cid leh Qur’aanka waxa beddeshay Caa’isha iyo Xafsa oo badh bay la dhuunteen? Maxaad kaga duwan tahay haddii aad leedahay xadiisku kama imannin xagga Eebbe adiga oo akhriyaya aayadda odhanaysa: "waxa uu nebigu idiinla yimaaddo qaata waxa uu idinka reebona ka taga” iyo aayadda leh: "Nebigu iskama hadlo ee waxyi ayuu ku hadlaa”.



Eeg aayadahan: "haddii uu hadal aannaan lahayn naga samaysan lahaa* midigta ayaan ku qaban lahayn* markaasaan xawlal-mariidka jari lahayn!” Suuradda Al-Xaaqah, aayadda 44,45 & 46-aad.Dhammaan hadalkii ka soo baxay Nebiga scw, falkiisii iyo waxii uu qirayba waa muqaddas waana waxyi. Sida Qur’aanka ayaanu sharaf innooga mudan yahay. Waxa uu kaga duwan yahay keli ah waa isaga oo sooyaalkii dheeraa ee muslimiintu soo martay awgeed iyo cadawgii badnaa ee islaamku yeeshay dartii si ula kas ah loo dhex geliyey wax aan Nebiga scw ka soo bixin. Laakiin ogow tani keeni mayso in dhammaan la isla tuuro waxii saxda ahaa iyo waxii khaldanaa ba. Waxa uu garaadka suubbani sheegayaa in la kala hufo oo saxarka laga haadiyo. Sidaas ayaanay sameeyeen ragga ka shaqeeyey hadalka Nebiga scw. Ilaahay ha ka abaalmariyee.

 

Inta kale ee hadalkaaga runtii si wacan umaan fahmin waayo waa iska falsafad iyo hadal madhan oo aan meel uu cuskado lahayn. Tusaale ahaan sababta ay dumarku u tujin waayeen ragga oo kale, waa wax iska mala-awaal ah oo aan sugnayn. Tixraax iyo tolna aan lahayn. Aragtidaadu waa tii qolada la yidhaahdo Qur’aaniyiinta ama Quraanleyda, wax cusubna ma aha. Qormo ayaan ka samayn doonaa sheegashadiinna iyo qallooca aragtidiinna haddii Rabbi oggolaado



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip