Miyaadan ku Cibro qaadaneyn walaaleey

0
Friday February 01, 2013 - 22:11:09 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 3827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaadan ku Cibro qaadaneyn walaaleey

    Allaah baa mahad u sugnaatay mahad idilkeed allihii ina siiyay nimcooyin badan nabad galyo iyo naxariis ha ahato midkii ina tusay macaanka nolasha midkii aqoon yano naga dhigay jaahilnimadii inaga saray Muuhammed rasuulullaahi S,C,W.. inta ka dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah baa mahad u sugnaatay mahad idilkeed allihii ina siiyay nimcooyin badan nabad galyo iyo naxariis ha ahato midkii ina tusay macaanka nolasha midkii aqoon yano naga dhigay jaahilnimadii inaga saray Muuhammed rasuulullaahi S,C,W.. inta ka dib ikhwaatii fillah waxaanu idin soo diyaarinay qiso ku socoto gabdhaha dhamaantood waa qiso macaan cibro qaadasho mudan wa gabar adoo kale ah cimrigeeda wuxuu ahaa gabadhaas 20 sano labaatan jir bey aheyd waxey dhigan jirtay dugisa dhaxe Iyo kuliyad waxeyna ku tukan jirtay saladaheeda iskuulka dhxdiisawaxey asxaabteeda kula dhaqmi jirtay dhaqan wanaagsan waxeyna aheyd ardayad wanaagsan asxaabteeda wey jeclaayeen. side bey u jeclaan weynaayaan gabadhaas oo kale oo ah mid barakeesan oo quranaka xambaarsan side bey u jeclaan weynayaan gabadhaas oo kale ayadoo hadalkeeda oo idil qalbiga dhaqaajinaayo nafyaashana hurinaayo waxey jecleyd gabadhaasi kheerka hamigeeda iyo fikirkeeda wuxuu aha sidey saaxibyaasheed kheerka ugu yeeri laheyd Hamigeeda waxuu gaaray gabadhaas iney ka mid noqoto gabdhaha Jannada firdoosa dag. Hamigeyda wuxuu kaloo ahaa sidii ay diinta u faafin laheyd una gaarsiin laheyd asxaabteeda sidee bey ku toobad- keeni karan asxaabteyda wey wacdisaa oo u digtaa. gabadhaasi hadii ay soomantahay iyo hadii kale afkeeda kama daali jirin ku cel-celinta aqrinta quraanka gabadha hooyadeed waxey aheyd mid dhahda waa la yaab oo cajiib gabadheyda wallahi wax badan bey iga ooyisay gabahdeyda xilliyada aan gurgiga ku sugneen waxey aheyd gabadheyda mid xitaa qadada diida markii aan weydiiyayna waxey oran jirtay ayadoo ilmeeneesa Ma aqaano hooyo waxaan leeyahay maanta maan soo arag qof aan kheer u sheego saaxibadeena igama qaataan wanaaga sida baan u ooyayaa hooyooy bey tiri gabadhii, hooyadii ba ku tiri gabadheydii . samir hooyo waad arki toontaa dhaxalka iyo heerka dacwadaada ay gaarto miyaadan ogeyn allaah inuu hanuuniyo kii uu doono haka quusan Naxariista allaah samir oo kaliya gabadheydaay. Gabadheyda waxey aheyd wallaahi thumma wallaahi mid rabbaaniyad ah hammigeeda wuxuu ahaa dhanka allaah hadalkiida wuxuu ahaa dhanka allaah dhamaamteed waxey aheyd rabbaaniyad waxey tiri gabadha hooyadeed ma ilaawo habeenkaan xilli uu allah i soo kiciyay sida caadada ii aheyd haafka danbe ee habeenkii waxan maqlay cod waxan mooday iney quran iska aqrisaneeso Balse xaalku waa uu ka duwanaa sidaa oo markaan qolkeedii galay waa ayadoo taagan allaah hortiisa oo gacmaheeda kor u taagtay Taasi waxey aheyd caadada gabadha oo ma aysan cusbeen laakin waxa igu adkaaday oo la yaabay iguna cusbaa waa markaan maqlay ducada gabadheydii waa duco aan la yaabay wey ku celcelineesay ducadaas gabadheyda ayadoo waliba oyneeso '' ma taqaanaan walaalayaal maxey gabadha ku duceesaneesa hadaba qoraalka haka daalin sii aqri waa tanaa ducadeeda'' Rabiyood iiga dhig sabab hanuunka saaxibyaasheey iyo toobadooda gacanteyda ku keen Rabiyoow hadaan darajadaas mudneen maan ahaadeen daaciyad kulliyadeeda dhexdeeda Rabiyoow Ha u dib dhigin toobada saxibyaashee danbi ay galeen dartiis .. waxey leedahay gabadha waalidkeed sanadkii kaas xigay waxan u safarnay Magaalo kale intaan safarka ku dhex jirnay gaariga dushiisa booskii yaraa ay ka fadhisay gaabdheyda bay kala soo baxday kutubkeedii quraanka yaraa ay wadatay waxeyna bilaawday iney quraank aqriso sida caadadeeda aheyd si ay waqtigeeda ugu mashquuliso aqrinta quraanka ayadoo quraanka aqrineeyso baa allaah amarkiiis Gaarigii gadoomay dhamaanteen waan bad-baadnay illaa ayadii mooyee Hooayadii baa tiri waxaan raadinay gabadheydii Balse waxaanu helnay ayadoo meyd ah wajigeedana ka muuqato farxad waliba dhoola cadeeneesa kuna dhagan kutubkeedii quraanka ahaa ''' Maxaa ka nasiib wanagsan maxey kheerka is bartay gabadhaasi kheerna ku dhimatay waxaa u sugnaaday liiban iyo kheer liibaan maxaa u sugnaaday gabadhaas '' Shaleytadeeydaay maxaan u ahaan waayay la jirkeed si aan u liibaano jannada ugula farxo '' waxey gaartay booskii ay hamineesay waxey dhex gashay kuwii wanagsanaa keebaa ka wnaagsan mid ogaaday allaah in uu la jiro misana arkayo in allaah xaaladeyda la socdo iyo iney dhimaneeso bey ogeeyd liibaan maxaa u sugnaaday Gabadhaasi ''


Waxa u sugnaaday liibaan iyo raaxo waxey dhimatay ayadoo quraanka xifdisan liibaan ba u sugnaatay waxey dhimatay ayadoo dacwo xambaarsan . Ku cibro qaado mida ghaflada ku jirtooy mida heesaha dhageesata misana xafida ku tusaalo qaado gabadhaanna waxey dhimatay ayadoo quraanka aqrineysa adna waa sidee xaalkaaga miyaadan laheyn qalbi dhaqaaqa oo cibro qaadasho leh miyaadan aheyn mu'minad allaah la kulankiisa dooneesa waa maxay qalbigaan akaadya heesaha madooweeyeen . Kaligeed ma ahan gabadhaasi mid wanaagsan balse allah maahdiis waxaanu aragnaa gabdho badan oo dhoorsoon Rabbigood ka xishooda kana yaaba . adna walaasheeyaay miyaadan aheyn mid dooneesa iney allaah agtiisa wanaag ka hesho miyey ku kadisay nolashaan beenta ah miyaad ilaawday inaad marti tahay
Miyaadan ku cibro qaadaneen gabadhaani Waxaa la helay ayadoo meyd ah kutubka quraankana heyso waxey ku dul dhimatay quraanka ayadoo aqrineeso allaah ha geeyo firdoosadii ay hamineesay waxey muteesatay iney inoo noqoto tusaalo weyn misana quluubtannada dhaqaajiya waxey muteesatay in loo duceeyo allaah wuxuu soo dadajiyay gabadhaasi abaal marinta acmaashii ay sameen jritay nolasheedii markii ay dhiman rabtay oo kheerka ka horeeya baa la tusay waxey dhimatay ayadoo dhoola cadeeneesa

uKHTII FILLAAH wa dhanbaal aan adi dartaa u soo qoray waxaan Kaga baqanayaa wajiyadaan aan dar allaah u jeclahay iney naar taabato waxaan kaga baqaya wajiyadiina inuu mugdi noqdo maalinta qiyaamo aqriya quraanka gabdhoow si uu qiyaamo nuur u noqdo wajiyadiina ku dadaala cibaadada gabdhoow illeen naarta waxa u badan wa adinkee allaha idin badbaadiyo gabdhoow dhoorsanaada allah wa jecel yahay kuwa dhoorsoon

Akhwaatii fillaah waxaan idin dar-daarmaya inaadan ka quusan danbi dhaafka allaah sareeyee hadii aad intaad soo nooleed aad danbi sameeneesay toobad ken hadda allah wuu ku aqbalaya wuuna ku jeclaanayaa bi idinillaah wa billaahi tawfiiq


BY: اخوكم سلمان عيسى(SalmaN Ciise)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip