Axad sharaxa muqadamada jazariyada

0
Sunday December 07, 2014 - 17:10:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7235
  • (Rating 4.4/5 Stars) Total Votes: 9
  • 13 1
  • Share via Social Media

    Axad sharaxa muqadamada jazariyada

    Ogaysiis Maalinka Axada Waa Laga Raba In Ay Ka BAxaan reer taqwa Alaha idin sahlo Casharka koobaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sorry: It seems that you don't have flash PlayerGet the Flash Player hereWith out flash Player you cannot watch our videos.

Ogaysiis Maalinka Axada Waa Laga Raba In Ay Ka BAxaan reer taqwa Alaha idin sahlo Casharka koobaad -Bismilaah raxmani raxiim alxmdulilaahi wa nastaciinuhuu


Qaab fasiradka hal sadar ee carabiga labo sadar oo somali ah ayu qatay hadaba 




lanbarkasta carabiga iyo somaliga ku qoran wa isku color lasoco dadalayow 



macalinka bariyow alaha ku sahlee ducadana hanaga ilawin


المقدمة

(1) يَقُـولُ رَاجـِي عَفْـوِ رَبٍّ سَـامِعِ**
* مُحَـمَّـدُ بْـنُ الْجَـزَرِىِّ الشَّافِـعِي

Wuxuu leyahay kii raajaynayay cafska rabiga waxkasta maqla

muxamed bin jazariy madhabka shafici u nsba sheganayay.


(2) الْـحَمْــدُ لِلَّـهِ وَصَـلَّـى اللّـَهُ***عَـلَـى نَبِـيِّـهِ وَمُـصْطــَفَـاهُ

mahad idilked alla leh naxariis allaha yeelo 

nabigiisii uu doortay

(3) مُـحَـمَّـدٍ وَآلِــهِ وَصَـحْـبِـه**
* وَمُقْـرِئِ الْقُــرْآنِ مَـعْ مُحـِـبِّه

muxamed iyo alikiisii iyo asxabtiisii allaha yelo

iyo mid walboo akhriya quranka asagoo jecel

(4) وَبَـعْــدُ إِنَّ هَــذِهِ مُـقَـدِّمَـه***فيـماَ عَـلَـى قَـارِئِـهِ أَنْ يَعْلَـمهْ

intaa kadib  midatan tii horaysa weye 

kii beey u tahay akhrinayay in uu ogaado

(5) إذْ وَاجِـبٌ عَلَـيْـهِـمُ مُحَـتّــمُ*** قَـبْـلَ الشُـرُوعِ أَوَّلاً أَنْ يَعْلـَمُوا

waxaa waajib ah korkooda oo qasab ku ah

intaysan billabin  qirada marka hore in ay bartaan

(6) مَـخَارِجَ الْحُـرُوفِ وَالـصِّـفَاتِ*** لِـيَـلْفِـظُوا بِأَفْـصَــحِ اللُغَـاتِ

boosaska xuruuftu ka so baxdo 

si ay ugu dhaqawaan luuqadaha mida ugu fasaxa badan

(7) مُحَررِي التَّـجْـوِيـدِ وَالمَوَاقِـف***وَما الَّـذِي رُسِّـمَ في المَصـاَحِـفِ

aygoo ah kuwa xaqiijinaya tajwiitka iyo melaha lagu istaago

iyo kii lagu qoray masaaxifta

(8) مِنْ كُـلِّ مَقْطُوعٍ وَمَوْصـُولٍ بِـهَا***وَتَـاءِ أُنْـثَى لَمْ تَـكُنْ تُكْتَـبْ بِـهَ

midkastoo kala go'an iyo mid walbo xiriirsan

iyo tadii dhadig taasoo aan ahayn mid la qoray oo ha ahan loo qoray.

 

مخارج الحروف Boosaska xuruufta

 

(9) **مَخَارِجُ الحُروفِ سَبْعَةَ عَشَرْ* عَلَى الْذِي يَخْتَارُهُ مَنِ اخْتَبَرْ

 


Boosaska xarfuhu ka so baxaan waa 17 boos

 


waana qawlkii uu dooranayo cid jaribtay


*(فَأَلِفُ الجَوُفِ وأُخْتَاهَا وَهى

 

()*حُرُوفُ مَدٍّ للْـهَوَاءِ تَنْتَهـي**


alifku wuxuu ka so baxaa jawfka

 


iyo walaheed oo ah xuruufta madka ee hawada ku dhamada

 

 


(11)**ثُمَّ لأَقْصَى الحَلْقِ هَمْزٌ هَاءُ* ثُمَّ لِـوَسْطِـهِ فَعَـيْنٌ حَـاءُ


kadib waxa ku xiga dhunta mesha u fog oo ka so baxan hamza iyo haa

 


kadib dhexda dhunta cayn iyo xaa ba ka so baxa


 

 

 

(12) أَدْنَـاهُ غَيْنٌ خَاؤُهَا والْقَـافُ***أَقْصَى اللِّسَانِ فَوْقُ ثُمَّ الْكَافُ***


meesha u sokaysa dhinta waxa ka so baxa qayn iyo khaa

qaafku wuxuu ka so baxa mesha u fog carabka iyo wixii ka sareeya (dhabxanaga( kadib kaafka ku xiga


(13) أَسْفَلُ وَالوَسْطُ فَجِيمُ الشِّينُ يـَا*** وَالضَّادُ مِنْ حَافَتِهِ إِذْ وَلِيَــا


xagisa hoose(qafka hostisa, bartanka carabka waxa ka so baxa jiim shin yaa


daadku wuxu ka so baxa xafada carabka haday gawshu la xiriiraan


(14) اَلأضْرَاسَ مِنْ أَيْسَرَ أَوْ يُمْنَاهَا*** وَالـلاَّمُ أَدْنـَاهَا لمُنْتَهَاهــَا

gawsaha bidix ama kuwa midig 

laamku carabka xafadisa u sikaysa ee uu ku dhamadu ka so baxaa


(15) وَالنُّونُ مِنْ طَرَفِهِ تَحْتُ اجْعَلُوا*** وَالرَّا يُدَانِيهِ لِظَهْرٍ أَدْخــَلُوا

nuunkuna darafka carabka laamka hootiisa yeela

raadu carabka darafkisay u dhawdaha ee duudkiisa galiya


(16) وَالطَّاءُ وَالدَّالُ وَتَا مِنْـهُ وَمِنْ*** عُلْيَا الثَّنَايَا والصَّفِيرُ مُسْتـَكِنْ

daa daal iyo taa ilka hoose korkooda yela thaa thaal iyo thaa carabka darafkisa uyo ilkaha sare yeel

xuruufta safiirkana weey dagan yihiin (sad siin zaay. 


(17) مِنْهُ وَمِنْ فَوْقِ الثَّنَايَا السُّفْلَـى*** وَالظـَّاءُ وَالذَّالُ وَثَا لِلْعُلْيــَا

darafka carabka iyo ilkaha sare iyo kuwa hose dhexdoday dhacaan

thaa thaaal  iyo thaa darafka carabka iyo  ilkaha saray  darafkoday dhacaan


(18) مِنْ طَرْفَيْهِما وَمِنْ بَطْنِ الشَّفَهْ*** فَالْفَا مَعَ اطْرافِ الثَّنَايَا المُشْرِفَهْ

bashimaha caloshoda waxa dhaca faa iyo fooda ilkaha sare


(19) للشَّـفَتَيْنِ الْـوَاوُ بَـاءٌ مِيـمُ*** وَغُنَّـةٌ مَخْرَجُهـَا الخَيْشـُومُ


bashimaha waxa dhaca u sugnaday waaw baa miim

qunuhuna wuxuu ka so baxa khayshuumka


cashar muhiim ah oo kooban




Makhaarijta xuruuftu ka so baxan waa 17

5 melood bey ka so kala baxaan

 1. jawfka wa hal makhraj  waxa ka so baxa 3 xaraf alif waw yaa xuruf madka 

 2. xaqiga  wa 3 makhraj waxa ka so baxa 6 xaraf hamza haa cayn xaa qayn khaa

 3 lisaanka 10 kharaj oo ka so kala baxaan 18 xaraf sharaxisa eeg.

 4. shafataynka  2makhraj ba ka so baxa iyo 4 xaraf baxa kobad. baa waw miim iyo faada oo makhraj ah 

5. khyshumka qunaha ka soo axa

sharaxa

1. jawfka waa daloolka u dhaxeeya dhuunta iyo afka waxa ka so baxa  hal makhraj  oo ay ka so baxaan 3 xuruufta hawada ama madka oo kala ah alif reban kor dhig ka horeeyo waw reeban godniin ka horeeyo iyo yaa reeban hoos dhig ka horeeyo
waxaa lagu naynaasaa xuruuf jawfiyah

mesha ama boska 2aad xaqi waxa lagu naynasa xuruuf xalqiyah

2. xalqiga ama hunguriga waxa ka soo baxa 3 makhraj makhrajka kobad wa dhinta mesha u shishysa aqsal xaqlqi hamza iyo haa
mkhrk=jk labad wa dhexda dhunta wasadul xaqli waxa ka so baxa cayn iyo xaa
kan 3aad waa mesha dhunta u sokaysa adnal xaqli waxa ka so baxa qayn iyo khaa

xubinta 3aad waa carabka

carabku waxa ka soo baxa 10 makhraj 18 xaraf ba ka so kala baxa 4 qaybod ayeeyna 18 makhraj ka so kala baxaan

mesha kobaad waa aqsal xaqlqi waxa ka so baxa labo makhraj oo ay ka soo kala ah qaaf iyo kaaf
waxaa lagu naynaasaa xuruuf lahwiyah


mesha labaad waa wasadul lisan bartankisa waxa ka so baxa hal makhraj waxa ka so wada baxa sedex xaraf jiim shiin iyo yaa madiyada mahan .waxaa lagu naynaasaa xuruuf shajariyah


mesha 3aad wa carabka xaafadiisa dhinacyadisa waxa ka so baxa laba makhraj oo ay ka soo kala ah daad iyo laaam

meesha 4aad waa darfu lisaan waxa ka so baxa 5 makhraj oo ay ka soo baxaan 11 xaraf aan fah faahino

makhrajka 1aad waxaa ka soo baxa nuun darfu lisaan
makhrajka laab waa raa darfu lisaan
laam raa nuun waxaa lagu magacaabaa xuruuf dalqiyah

makhrajka3aad waaللطاء و الَّدال والتاء
waxaa lagu naynaasaa xuruuf nadciyah


makhrajka4aad waaص – س – ز
waxaa lagu naynaasaa xuruuf asliyah


makhrajka 5aad waa( ظ – ذ – ث )
waxa lagu magacaba xuruuf lathawiyah

bashimaha waxaa ka soo baxa 2makhraj oo ay ka soo kala baxaan 4xaraf
waxaa lagu magacaabaa xuruuf shafiwiyah

makhrajka 1aad waxaa ka soo baxa 3xarafللباء و الميم و الواو

makhrajka 2aad ee bashimaha waa faa
( الفاء )


Booska ama xubinta u danbaysa waxa ka soo baxa hal makhraj -waa khayshuumka waxaana ka soo baxa qunaha laba xaraf ayaana qunuhu gala nuun iyo miiim qayb carabku ka so baxa qaybta kalana sanqaroorka



 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip