Towbadii Wiilkii Hooyadii Caasiyey

0
Friday December 21, 2012 - 04:45:03 in by Somali islamic
  • Visits: 2738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Towbadii Wiilkii Hooyadii Caasiyey

    Wuxuu hadal ku bilaabay wiilkani: Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxuu dhintay aniga oo yar hooyaday baa isoo korisay oo la rafaaday koriimadeyda, aniga keligeey beey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul si aan cil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu hadal ku bilaabay wiilkani: Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxuu dhintay aniga oo yar hooyaday baa isoo korisay oo la rafaaday koriimadeyda, aniga keligeey beey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul si aan cilmi u yeesho

kadib markaan weynaadayna waxay ii dirtay jaamacad wadamada galbeedka ah. Markaan sii baxayay beey ila dardaarantay oo ay i tiriwiilkeeygiiyoow ha i ilaawin, xiriirkana ha gooyn.Mudo ka dib markaan jaamacadayda soo dhamaystay baan wadankeygii kusoo laabtay. Waxaana aan lasoo laabtay dabeecad qalafsan oo aan raxmad lahayn, waxaan noqday mid un oo ka dambeeyo nolosha aduunka iyo qayaaligeeda.

Waxaan helay shaqo aad u heeersareeysa, kadibna waxaan bilaabay inaan raadiyo mid aan nolosha la wadaago. Hooyaday baa ii tilmaantay gabar dhowrsan oo diin leh, laakiin waan ka diiday oo waxaan rabay gabar xadaarada (ilbaxnimada) la socota "waa siday yiraahdaanee"oo quruxna leh. Waxaan guursaday gabar noocaan doon doonayay ah.

Lix bilood markaan is qabno beey xaaskeeygii biloowday inay hooyaday caaydo aayna karahsato, taasina waxay keentay inaan anigana hooyadeeydii karahsado maadaama ay marwalbo xaaskeyga isku xun yihiin. Maalin maalmaha ka mid ah baan imid xaaskeeyga oo ooyneeysa, markaan weydiiyay waxa ay la ooyneeyso waxay tiri; Ma u adkeeysan karo ama hooyadaa raac ama aniga. Waan xanaaqay oo aan hooyaday ku iri iiga tag gurigeeyga .

Weey ooyday waxayna tiri markay sii baxaysay; wiilkeygiiyoow Alle hakuu gargaaro. Saacado kadib markii uu xanaaqii iga dagay baan raadiyay laakiin waan waayay, kadibna gurigeeygiibaan isaga soo laabtay. Xaaskeeygiibaa isku deyday inay i hilmaansiiso hooyadeydii qaaliga ahayd, anigana caqli yaradeydii sidii baan ku ilaaway oo maan deydeyin.

Sidaabuuna xiriirkiina ku kala go'ay. Waxaa kasoo wareegatay mudo waan xanuunsaday jiro xun oo aan isbitaal lagalo. Hooyaday baa ogaatay inaan isbitaal galay, weey isoo booqatay laakiin inteeysan iisoo gelin baa xaaskeygii albaabka ka celisay oo ku tiri ku noqo meeshaad ka timid. Hooyadeyna sidii beey ku laabatay. Isbitaalkiibaan kasoo baxay xaalad nafsi ahna waan u xanuunsaday. Shaqadeydii baa la iga taqalusay, deymo badan baa laigu yeeshay gurigeygiibaa la igala tgay. Intaasina waa xaaskeeygii oo waxwalba dooneysa. Markaan kusoo baxay nin xanuunsan oo aan shilin haysan beey xaskeygii quruxda lahayd i tiri; maadaama aad shaqo la'aan noqotay, wax maal ahna aadan haysan, mujtamacana aadan meel ku lahayn hadaba ku doonimaaye iska keey fur!.

Madaxii baa i weeynaaday, naagtii aan hooyaday ka doortay sidaa beey maanta ii gashay. Waan furay, kadibna mugdigii aan ku jiray iyo hurdadii baan ka toosay.



Kadib waxaan doondoonay hooyaday waan helay inteesa ka helay. Waxaan arkay hooyaday oo kunool sadaqada lasiiyo. Waan usoo galay markay i aragtay beey ooyday, anigana lugaheedii baan qabsaday oo aan la dhacay oohin, labadeeniiba waxaan isla qabsanay oohin. Waxaan xaaladaa ku sugneyn mudo saacad ah.

Waan kasoo waday meesha ay joogtay oo aan keenay halkii aan deganaa. Maalintii wixii ka dambeeyayna hooyadeey ma caasin oo waxaan u noqday baari adeeca, iyo mid ku toosan Alle awaamirtiisa. Haddana waxa aan ku noolahay nolol raaxe leh iyo hooyo macaan, Alle dambigeeda ha dhaafe, Allena caafimaad ha ii siiyee..


Wabillaahi tawfiiq...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip