Uthuul Thalatha Wiilasha Qeybta 6aad

0
Tuesday September 02, 2014 - 23:57:28 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 5166
  • (Rating 4.3/5 Stars) Total Votes: 6
  • 16 0
  • Share via Social Media

    Uthuul Thalatha Wiilasha Qeybta 6aad

    UthuUl thalaatah Asalka Labaad qeybtiisa 2

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UthuUl thalaatah Asalka Labaad qeybtiisa 2





وَدِليلُ شَهَادَةِ أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ: قَوْلُهُ تَعَالَى





Daliilka in uu Nebi Moxammed rasuulkii Allah yahayna waa qowlkii allah kor ahaye:


﴿ لَقَدْ جَآءكُمْ رَسُولٌ مِّنْ أَنفُسِكُمْ عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيصٌ عَلَيْكُم بِالْمُؤْمِنِينَ رَؤُوفٌ رَّحِيمٌ ﴾[التوبة: 128


( Xaqiiqdii waxaa idiin yimid rasuul idinka mida, oyna dhibayso waxa idin dhiba,idinkuna dadaali 

inaad hanuuntaan, una turid iyo naxariis badan mu’miniinta) surah Al- tawba ayah 128


وَمَعْنَى شَهَادَة أَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ: طَاعَتُهُ فِيمَا أَمَرَ، وَتَصْدِيقُهُ فِيمَا أَخْبَرَ، واجْتِنَابُ مَا نَهَى عَنْهُ وَزَجَرَ


 وأَلا يُعْبَدَ اللهُ إِلا بِمَا شَرَعَ


Macnaha in la qiro in nebi Moxamed u yahay rasuulkii Allah waa: In lagu adeeco wuxuu amray,in laga 

rumaysto wuxuu sheegay,iyo in laga tago wuxuu dadka ka reebay kana eryey, iyo inaan Allaah lagu 

caabudin ilaa wuxuu sharciyeey maahe.


وَدَلِيلُ الصَّلاةِ، وَالزَّكَاةِ، وَتَفْسِيرُ التَّوْحِيدِ: قَوْلُهُ تَعَالَى


Daliilka salaada,iyo sakada iyo tafsiirka tawxiidka waa qowlkii Allah kor ahaye:


﴿وَمَا أُمِرُوا إِلاَّ لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُوا الصَّلاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ


 وَذَلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ ﴾[البينة: 5


( Dadka lama amrin waxan ahayn inay Allaah caabudaan mooye,Weliba iyagoo u baraxtiraya 

diinta, Iyagoona kasoo iilanaya shirkiga una soo iilanaya diinta saxda ah. Salaadana oogaya, 

sakadana bixinaya, taasina waa diinta toosan).


ودَلِيلُ الصِّيَامِ: قَوْلُهُ تَعَالَى


Daliilka soonkuna waa qowlkii Allah kor ahaye:


﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ﴾[البقرة: 183


( Kuwa xaqa remeeyeyoow waxaa lagu waajib yeelay korkiina soonka, sidii loogu waajibiyey 

kuwii idinka horeeyey, si aad Allah uga cabsatan). surah Al-baqara ayah 183


ودَلِيلُ الْحَجِّ: قَوْلُهُ تَعَالَى


Daliilka xajkuna waa qowlkii sareeyaha:


﴿وَلِلّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلاً وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ الله غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ ﴾[آل عمران: 97


( Allaahna wuxuu ku leeyahay dadka inay xajiyaan baytkiisa cidii awooda jidka,Cidii gaalowdana

 allah wuu ka deeqtoonyahay caalamka) surah Al-cimraan ayah 97


الْمَرْتَبَةُ الثَّانِيَةُ: الإِيمَانُ


Martabada labaadna waa : iimaanka.


وَهُوَ: بِضْعٌ وَسَبْعُونَ شُعْبَةً، فَأَعْلاهَا قَوْلُ لا إلٰه إِلا اللهُ، وَأَدْنَاهَا إِمَاطَةُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ، وَالْحَيَاءُ


 شُعْبَةٌ مِنْ الإِيمَانِ.


Iimankuna waa: Waana dhowr iyo todobaatan qaybood: Waxaana ugu sareeya qowlka ah« laa 

ilaaha ila laah» Waxaana ugu hooseeya in dariiqa laga leexiyo waxa dadka dhibaya.

Xishoodkuna waa qeyb ka mid ah iimanka.


وَأَرْكَانُهُ سِتَّةٌ: كما فى الحديث (أَنْ تُؤْمِنَ بِاللهِ، وَمَلائِكَتِهِ، وَكُتُبِهِ، وَرُسُلِهِ،


 وَالْيَوْمِ الآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ


Arkaantiisuna waa lix: sida xadiithku sheegay: In Allah la rumeeyo, iyo malaa’igtiisa, iyo kutubtiisa,

 iyo rasushiisa, iyo maalinta aakhiro, iyo in la rumeeyo qadarta allah tiisa wanagsan iyo tan xunba.


وَالدَّلِيلُ عَلَى هَذِهِ الأَرْكَانِ السِّتَةِ: قَوْلُهُ تَعَالَى


Daliilka arkaantan lixda ahna waa qowlkii sareeyaha:


﴿ لَّيْسَ الْبِرَّ أَن تُوَلُّواْ وُجُوهَكُمْ قِبَلَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَلَـكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللّهِ

 

وَالْيَوْمِ الآخِرِ وَالْمَلآئِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ﴾[البقرة: 177



( Samo falku maaha inaad wejigiina u jeedisaan qorax kaso baxa iyo qorax u dhaca, laakiin sama falku 

waa ruuxii ruumeeya allah, iyo maalinta aakhiro, Malaa’igtiisa, iyo kutubtiisa iyo nebiyadiisa…) 

Surah Al-baqara ayah 177


ودليل القدر: قَوْلُهُ تَعَالَى


Daliilka qadarkuna waa qowlkii sareeyaha:


﴿إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ ﴾[القمر: 49


( Wax kasta waxaan ku abuuray qadar) surah Al-qamar ayah 49



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip