
Tafsiru suratul buruuj
|
|
|
|
Suuratul Baruuj |
سورة البروج |
|
Allaah wuxuu ku dhaartay samada degmooyinka leh (Meel ay ku dhacaan xidigaha) |
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ﴿١﴾ |
|
Iyo maalinta laysku yaboohay.(Qiyaamada). |
وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ﴿٢﴾ |
|
Iyo mid marqaati ah iyo mid la xaadirayo (Maalinta jumcaha iyo Maalinta Carafo) |
وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ﴿٣﴾ |
|
Nacladi haku dhahdo kuwii Godka lahaa.<Mu’miniinta lagu cadaabay> |
قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ﴿٤﴾ |
|
Ee ahaa Dab holac u saaxiib ah. (olal leh) |
النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ﴿٥﴾ |
|
waqti ay <gaaladiina> korfadiyeen Godka. |
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ﴿٦﴾ |
|
Ayagoo daawanaya waxa lagu samaynaya Mu’miniinta. |
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ﴿٧﴾ |
|
Waxay ku neceen dadkaasna ma jiro oon ka ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo. |
وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّـهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ﴿٨﴾ |
|
Eebe waxaa u sugnaaday samooyinka iyo dhulka Xukunkooda Allahna wax walba waa u jeedaa. |
الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِۚوَاللَّـهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ﴿٩﴾ |
|
Kuwa Mu’miniinra Raga iyo Haweenba caddibay haddana aan tawbadkeenin waxay leeyihiin Cadaabka Jahannamo iyo Cadaab gubaya |
إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ﴿١٠﴾ |
|
Kuwa xaqa rumeeyey Camal fiicana falay waxay leeyihiin Jannooyin ay dureerayaan dhexdeeda Wabiyaal,taasina waa liibaan wayn. |
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُۚذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ﴿١١﴾ |
|
Qabashada Rabigaa way daran tahay (cadaabkiisa). |
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ﴿١٢﴾ |
|
Rabina asagaa bilaabay <Khalqiga> wuuna soo celin. |
إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ﴿١٣﴾ |
|
Waana danbi dhaaf badane jecel <kuwa addeeca> |
وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ﴿١٤﴾ |
|
Wuxuu leeyahay <Alle>Carshiga sharafta leh. |
ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ﴿١٥﴾ |
|
Wuxuuna sameeyaa wuxuu doono. |
فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ﴿١٦﴾ |
|
Ma ku soo gaaray warkii Januuddii (ciidamadii Gaalada) |
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ﴿١٧﴾ |
|
Fircoon iyo Thamuud. |
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ﴿١٨﴾ |
|
Hase yeeshe kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beeninta <Xaqa> |
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ﴿١٩﴾ |
|
Allaahna kadaashooda ayuu Koobay. |
وَاللَّـهُ مِن وَرَائِهِم مُّحِيطٌ﴿٢٠﴾ |
|
Waase quraan Sharaf leh. |
بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ﴿٢١﴾ |
|
Wuxuuna ku sugan yahay Loox la la ilaaliyay (Looxul Maxfuud). |
فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ﴿٢٢﴾ |
|
|
|

0 

Tafsiru suratul buruuj
tafsiirka suratu buruuj oo dhan ALlahu akbar SUuradu Macaan badanaa yaa allaah QIsasku cajibadanaa