
Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Ghaashiyah*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
|
Suuratul Qaashiyah |
سورة الغاشية |
|
Waxaan ku Bilaabay Magaca Allaaha Naxariista Guud Naxariista iyo Mida Gaarka ahba |
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ |
|
Ma ku soo gaaray (Nabiyow) khiyaamada warkeedii. |
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ﴿١﴾ |
|
Wajiyaal maalintaas waa kuwa dulleeysan. |
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَاشِعَةٌ﴿٢﴾ |
|
Camal bay qabatay oo dhib badan. |
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ﴿٣﴾ |
|
Waxayna gali Naar kulul. |
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً﴿٤﴾ |
|
Waxaana laga waraabinaa il kuleyl daran. |
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ آنِيَةٍ﴿٥﴾ |
|
Umana sugnaanin cunto oon ahayn Geed qodxeed. |
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ﴿٦﴾ |
|
Kaasoon waxna cayilihayn Gaajana wax ka taraynin. |
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِي مِن جُوعٍ﴿٧﴾ |
|
Wajiyaalna maalintaas way Nimcaysan yihiin. |
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ﴿٨﴾ |
|
Camalkediina raali ayuu noqday. |
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ﴿٩﴾ |
|
Waxayna ku sugan tahay Janno sareesa. |
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ﴿١٠﴾ |
|
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro ah. |
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَاغِيَةً﴿١١﴾ |
|
Waxaana ah janada dhexdeeda il socota. |
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ﴿١٢﴾ |
|
Iyo sariiro la koryeelay. |
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ﴿١٣﴾ |
|
Iyo koobab la dhig dhigay. |
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ﴿١٤﴾ |
|
Iyo barkimooyin la safay. |
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ﴿١٥﴾ |
|
Iyo gogol la fidiyay. |
وَزَرَابِيُّ مَبْثُوثَةٌ﴿١٦﴾ |
|
Miyayna fiirineynin sida Geela loo abuuray. |
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ﴿١٧﴾ |
|
Iyo sida Samada loo koryeelay. |
وَإِلَى السَّمَاءِ كَيْفَ رُفِعَتْ﴿١٨﴾ |
|
Iyo sida Buuraha loo taagay. |
وَإِلَى الْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ﴿١٩﴾ |
|
Iyo sida dhulka loo fidiyay. |
وَإِلَى الْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ﴿٢٠﴾ |
|
(Nabiyoow) Dadka waani waxaad tahay waaniyee. |
فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنتَ مُذَكِّرٌ﴿٢١﴾ |
|
Mana tihid (Nabiyow) mid lagu qasbay |
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ﴿٢٢﴾ |
|
Marka laga reebo Ruuxii xaqa ka jeesta ee Gaalooba |
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ﴿٢٣﴾ |
|
Allaahna wuu Caddaabi Caddaabta ugu wayn |
فَيُعَذِّبُهُ اللَّـهُ الْعَذَابَ الْأَكْبَرَ﴿٢٤﴾ |
|
Xagganagayna usoo noqon (khalqiga) |
إِنَّ إِلَيْنَا إِيَابَهُمْ﴿٢٥﴾ |
|
Katibna korkeyna waxaa ahaaday Xisaabtooda. |
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم﴿٢٦﴾ |

0 

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul_Ghaashiyah*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah
Tafsiir suratu Al ghaashiyah oo dhan