qissah :Nasiixadii Gabadheyda yareed : Allah Ka cabso Aaabe

5
Sunday August 10, 2014 - 23:56:24 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 4515
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 6 0
  • Share via Social Media

    qissah :Nasiixadii Gabadheyda yareed : Allah Ka cabso Aaabe

    أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّـهِ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّـهِ








 
Maalin Maalmaha ka mid ah , waxa Jiray Nin ka mid ah Ragga Illahay Siiyay Lacag , nin taajir ayuu ahaa..Illahay ba siiyay Nicmooyin badn,.. Aaan u dhaafno Qisadan ninkii ku dhacday sheekadiisa, waxuu dhahay :
Waxaa Ahaa Mid la saaxibay dad xun xun , asxaab jidka Alle ka leexday ayaa la saaxib ahaa ,, ehelkeygine iguma ogeen wax xumaanto ah oo xakooda marka la joogo waxaa uga muuqday nin ehlu diin ah oo wanaagsan . Illahay ba igu irzaaqay xaas wanaagsan saalixat ah diinta ku fiican ahlu salaad ah kuna dhagan Sunnadii Nabigeena muxamed csw... Waxaana ku helay zawjadan wanaagsan sababto ah dadka hortooda waxaa uga muuqday nin wanaagsan oo garta sii deystay mar walba caday watta , aan hadal badneen , oo qofkii i arko is dhahaayo ninkaan waa shiekh ama nin saalix ah daahirkiisa ... Lakin ma oga inaan aniga waligey u sujuudin Rabbigey oo salaad u istaagin si ikhlaas ku jirto iyo Niyad, oo xitta bisha ramadan aanan soomin intaas waxaa kuu dheer waxaa habeenkii la soo baashaali jiray asxaabteyda oo iyaka ayaa la socon jiray mar walba habeenkii asxaabtaasne waxee ahaayeen kuwa xunxun.. mana jirto habeen aan banaanka isku raacno asxabtaas illa aan Rabbi ku caasino oo xumaan la imaano.
Habeen Habeenada ka mid ah waxaa i soo wacay asxabteydi oo i dhaheen hebelow maxa kugu dhacay caaway mana raaceysid miyaa ? waxaa ugu jawaabay maya caaway idinma raaci karo ma awoodo,, Waxee igu dheheen ok hadii na raaceynin caway hadaba caway saan kuguma deyneeno illa aan xaafadaada kugu keeno CD halkaaga ku baashaal markee seexdaan xaaskaaga iyo gabadhaada yar .. (ilaahay ayaa isiiyay Gabar yar , gabadheydi marke gaartay 7 sano waxe eheed mid xifidda quranka iyo adkaarta subaxdi iyo habeenkii,, xaaskeyga qeyr Allah siiyee waxee gabadheydi bartay sida lo tukato sida lo soomo , quranka iyo adkaarta , aad bey ugu dadaashay ).
Aan Qisadda dib ugu laabtee ,, Asxaabteydi CD kii wey ii keenen, habeen habeenada ka mid ah , Markii aan hubsaday xaaskeyga iyo gabadheyda Inee seexdeen ayaa Qolkii fadhiga aaday si aan u daawado filmantii xumaa ee CD ku duubnaa, Video ga aya galiyay kursigane waa isku kala baxshay si aan u daawado filmaantaas ,Saacaddane xiligaas waa 2 am , ama 2 saac kadib habeen barkii .. waxaana daawanay filmaan xun oo qofka awoodin inuu ku daawado dadka hortooda filimaan xitta dadka xunxunka aktooda lagu dawan karin ayee ahaayeen, xoogaha markii aan daawanaayay oo meel xun ii mareysay ayaa hal mar iridda la soo fuuray , 

waxaana ka soo galay Albaabka oo soo furay Gabadheydi yareed , maanan ka filaneynin xiligaan iney soo kaceyso gabadheyda oo qolka so galeyso , maanan ka filaneynin gabadheyda inee xitta so galeyso qol iyado idin weydiisanin oo soo kar karaacin qolka, sababto ah waxe eheed gabar la soo baray edebta iyo idin weydiisiga marka qol la so galaayo .. Lakin waxaa is dhahy mindha waxe aragtay furaha qolka oo meel iska yalo waxee is dhahday aabe furayashi wuu hilmaamay qolka iska xir ,, Markee soo furtay qolka oo soo gashay , waxaa indhaheyda qabtay Tv ga aan daawanaayay iyo Xumaanta aan daawanaayay ,, markaas ayee i soo fiirisay hadane Tv ga fiirsay , Markaas ayee hal mar tiri iyadoo oyneysaa `'' Allah Ka cabso Aaabe ,, Allah Ka cabso Aaabe ,, Allah ka cabsi Aaabe'' , Markii aan maqlay codka gabadheydii ayaa halmar soo booday dhidid weyn aya iga yimid aad baa u naxay , sababto ah gabadheyda iyo xaaskeyba aktooda waxaa ka ahaa aabo wanaagsan zowj saalix ah ayaa dhankooda ka ahaa ... waa gariiray wax aan sameeyo baa aqoon wayay sheydanka ayaa sawiro i hor keenay bes waye hadda ayee gabadhada ku shegeysaa xaaskaga , bes waye waa ceebooday ayuu igu aqriyay , wax aan sameeyo aqoon waayay ehelkeyga hadee ogaadan sheekada wa fadeexoobay ... ma awoodin kursiga ka kaco naxdin daraadeed , waa danshay Tv gi cajalkii waa ka soo baxshay ano rabo ina jajabiyo , markii aan albaabka furay ayaa dhahay Ya Allah Illahayoow ceebteyda astur ,

yaa Rabbi ceebteyda astur, qolka marka ka so baxay wax dhaqdhaq ah iyo shanqar man maqlin oo gabadheydii hooyadeed meesan kicinin , waxaa is dhahay gabadheyda wa gabar edeb leh oo waxa laga yaaba inee hadda iska seexatay berito markii la gaaro ee hooyadeed u sheegi doonto waxii dhacay .. Subxanallah yaa Rabbi Allow cebteyda astur Allow ceebteyda astur meeshi ayaa sujuud la dhacay oo waxaa dhahay yaa rabbi i astur yaa rabbi ceebteyda astur , wa soo Qubeystay 2bo rakcadood ayaa tukaday waa duceystay inuu rabbi i asturo ,, markii aan saladda ka baxay ayaa waxaa maqlay cod dhawaaqaayo ,, waa aadaankii salaadda Subax , waa baxay si salaadda masjidka ugu soo tukato waana markii iigu horeysay aan masjidka aado , intaa u sii socday masjidka walwal i heysay berito maxaa sameena hadee gabadha hoyadeed u shegto ,,, masjidka so gaaray saladi la galay , imaamka waxuu aqriyay aayadd aan is dhahay ayadan adiga lagu aqrinoya أَلَمْ يَأْنِ لِلَّذِينَ آمَنُوا أَن تَخْشَعَ قُلُوبُهُمْ لِذِكْرِ اللَّـهِ وَمَا نَزَلَ مِنَ الْحَقِّ وَلَا يَكُونُوا كَالَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلُ فَطَالَ عَلَيْهِمُ الْأَمَدُ فَقَسَتْ قُلُوبُهُمْ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ فَاسِقُونَ Miyayan u dhawaanin kuwa xaqa rumeeyay inay u khushuucdo quluubtoodu xusidda Eebe (Quraanka) iyo waxa xaqa ah ee dagi, oyna la mid noqonin kuwii Kitaabka la siiyay horay (Yahuud iyo Nasaaro) oo muddadu ku dheeraatay, markaas ay ingagtay Quluubtoodu, wax badan oo ka mid ahna waa Faasiqiin (ka baxay Xerada).

Oohin aad u daran ayaa ooyay , anno ku duceysanaayo Sujuudeyda Ya Rabbi i Astur yaa Rabbi I astur.. salaadi subax markii laga baxay , Gaarigeygi ayaa Qaatay Gurigane kuma laabanin oo Shaqadii ayaa Toos u aaday , waa ka xishooday ina guriga aado oo wajiga gabadheyda arko ama aan la kulmo xaaskeyga oo arinta ogatay..
Shaqadi ayaa aaday ,, markii xaafiiskii gaaray , waxaa ii soo galay Asxaabtii XunXunaa , iyako ileh manta waad soo dhaqsatay shaqada xili hore ayaa soo gashay , waxaa ku dhahay iga hor dhaqaaqa manta hadal ma rabo , waa istaagay waa soo weyseestay salaad ayaa u istaagay , 2 rakcadood Salaad Duxa tukaday, shaqadii ayaa iska watay salaadi duhur aya la gaaray waa baxay salaadda Jamaaca ku tukaday waxaa dareemay raaxo iyo firfircooni aan horey u dareemin , waqtigi shaqada laga baxayay markii la gaaray walwal daremay xaaskeyga iyo gabadheyda wajigee ku hortaga ... gaareygayga soo qaatay shaqada marka ka so baxay si guriga u aado ,, Guriga marka soo gaaray ayaa waxaa arkay xaaskeyga oo banaanka igu sugeysa ,waxaa is dhahy bes waye Hadda ayee kugu qeylineysaa hadda ayee dariska iyo qaraabada iskugu yeereysaa , Niyadda ayaa ducada ka si waday rabbiyow i astur .. gaariga marki aan ka so dagay ayaa salaamay assalaamu celykum weyna ii jawabtay wcs wr wb ,, ninkeygi wanaagsanaayo ,!! hadalkaas markee i dhahday ayaa dhahay bes hal mar ayee kugu qeylineysaa madaxeyga hoos u foorariyay ano dhulka fiirinaayo , waxee igu dhahday ninkygow kawaran hadii dariska alaab ee leeyihin oo ka soo qaadatay hade ku dhahan soo celi miyaad u diideysaa? , waxaa ku jawaabay maya, markaas ayee dhahday samir iyo iiman Allah siiyo Gabadhaadi Saakay ayee dhimatay,, Hadalkaas markee xaaskeyga igu tiri indhaheyga ilin soo buuxisay , sababto ah waxaa xasuustay Ducaadi aan sujuudda ku duceysanaayay oo eheed ,, Rabbiyow i Astur , Rabbiyow i Astur .. Astuuraateyda jawaabteeda waxee Noqotay inaa gabadheyda aan kaligeed dhalay aan waayo si eesan xittaa hooyadeeda ugu sheegi waxii dhacay .. Allah baa ila doonay astuuraad dhameestiran oo Cid aan Alle aheen dhimashada gabadheyda ma oga .. Aaad baa u ooyay ilaa zowjadeyda i dhahday Waxaa kugu aqaan wanaagaaga iyo sabarkaaga ee sabar ,, Iyada ma Oga sababta aan u ooynaayo , ma oga sababta ilintan zaidka niyadda ayaa ka dhahaayay yaa Rabbi jidka toosan ayaa qaada , waa toowbad keenaa ,, wajigeyga wa nuura , acmasha wanaagsan wa ku dadaalaa, si hadee gabadheyda i aragto maalinta Qiyaamo ee igu aragto wax Farax galiya eesan igu arkin maalinta qiyaamo wax murug galiya.. cibaada iyo taqwada ayaa ku dadaalaa...

Hadda waxaa ahay mid jid wanaagsan qaaday, waxaa ahay mid hanuunka raadsha , waxa ka mid ahay daaci ducaadda ka mid ah , waxaa intaas ii dheer sadaqo badan la baxaa kheyrka aad ugu daadala , zowjadeyda mar walba ee i aragto gacanta intee iga dhunkato ayee dhahdaa maanan arag nin kaa wanaagsan qeyrka jecel sidaado kale , anne mar walba ee saas dhahdo waa ooyaa , waxaana niyadda ka dhaha Allah baa Og..

Fiiro Gar ah: Dadka Hortooda oo Wanaag la isku muujiyo , Markii la kaliyoobone Xumaan oo dhan la sameeyo waxaa ka dhasha Ciqaab iyo khaatumo Xumo , Aaakhiro horteeda .. Allah Allah aan ka baqno oo Sirteyna iyo banaankeyna inta qarsoon iyo inta muuqda isku mid aan ka dhigno , aan acmaasha wanaagsan ku dadaalno iyo Ducadda ...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip