uthuul salaasa qaybta 2aad wiilasha

0
Saturday July 19, 2014 - 23:54:35 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 7650
  • (Rating 4.8/5 Stars) Total Votes: 23
  • 38 3
  • Share via Social Media

    uthuul salaasa qaybta 2aad wiilasha

    Bismillaah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaah

 

فَبَدَأَ بِالْعِلْمِ قَبْلَ القَوْلِ وَالعَمَلِ

Wuxuu ku bilaabay Alle cilmiga ka hor (hadalka *Qowlka* iyo camalka)

اعْلَمْ رَحِمَكَ اللهُ أَنَّه يَجِبُ عَلَى كُلِّ مُسْلِمٍ وَمُسْلِمَةٍ، تَعَلُّمُ هَذِهِ الثَّلاثِ مَسَائِل، والْعَمَلُ بِهِنَّ

Ogow Alle haku naxariiste, inay waajib ku tahay qof kastoo muslim ah iyo muslimad kasta. Barashada saddex daan qodob iyo ku camal falkooda.

الأُولَى: أَنَّ اللهَ خَلَقَنَا، وَرَزَقَنَا، وَلَمْ يَتْرُكْنَا هَمَلا، بَلْ أَرْسَلَ إِلَيْنَا رَسُولاً، فَمَنْ أَطَاعَهُ دَخَلَ الجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَاهُ دَخَلَ النَّارَ

Mas’alada kowaad: Ilaahay Wuu na abuuray. Wuuna na irsaaqay (na quudiyey). Mana inooga tegin ciyaar ciyaar ( Macno Daro). Balse Wuxuu inoo Soo direy rasuul. Ruuxii adeeca rasuulka (kuna dhinta adeecidiisa) januu gelayaa. Ruuxii casiya rasuulka (kuna dhinta caasinimadiisa) naar buu gelaya.

وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى: ﴿إِنَّا أَرْسَلْنَا إِلَيْكُمْ رَسُولاً شَاهِداً عَلَيْكُمْ كَمَا أَرْسَلْنَا إِلَى فِرْعَوْنَ رَسُولاً * فَعَصَى فِرْعَوْنُ الرَّسُولَ فَأَخَذْنَاهُ أَخْذاً وَبِيل﴾[المزمل: 15، 16].

Waxaana daliil u ah hadalkii alle sareeye. Waxaan idin soo direy rasuul idinku markhaati furi. Sidii aan fircoon ugu soo direy rasuul. Wuuse caasiyey fircoon rasuulkii, Waanuna qabanay fircoon qabasho adag.

الثَّانِيَةُ أَنَّ الله لا يَرْضَى أَنْ يُشْرَكَ مَعَهُ أَحَدُ فِي عِبَادَتِهِ

Mas’alada 2aad: In uusan Allaah raali ka ahayn, in lala wadaajiyo ruuxna cibaadadiisa.

لا مَلَكٌ مُقَرَّبٌ، وَلا نَبِيٌّ مُرْسَلٌ

Lalama wadaajin karo alle cibaadadiisa, Malik lasoo dhoweeyey. Iyo Rasuul lasoo direy midna.

وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى: ﴿وَأَنَّ الْمَسَاجِدَ لِلَّهِ فَلاَ تَدْعُوا مَعَ اللَّهِ أَحَداً ﴾[الجن: 18]

Daliilkuna waa qowlkii Alle kor ahaaye: Masaajidada Allah baa iska leh, ee hakula baryina alle la jirkiisa cidna.

الثَّالِثَةُ: أَنَّ مَنْ أَطَاعَ الرَّسُولَ، وَوَحَّدَ اللهَ لا يَجُوزُ لَهُ مُوَالاةُ مَنْ حَادَّ اللهَ وَرَسُولَهُ، وَلَوْ كَانَ أَقْرَبَ قَرِيبٍ؛

Mas’alada 3aad: In ruuxu adeeco rasuulka csw, Allena kelinimadiisa siiyo. Ruuxa uma banaana inuu jeclaado ama mawle ka dhigto, mid la coleytamay Alle iyo rasuulkiisa. Haba ahaado ruuxaasi kuwa u dhow kuwa ugu sii dhow.

وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى: ﴿ لاَ تَجِدُ قَوْماً يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلاَ إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴾[المجادلة: 22

Daliilkuna waa qowlkii alle kor ahaaye. Ma helaysid qolo rumaynaaya alle iyo maalinta abaal marinta (yowmul qiyaamah). Oo jecel cid la coleytantay Alle iyo rasuulkiisa. Haba ahaadeen cidaasi aabayaashooda, ama Wiilashooda, ama Walaalahooda, ama Qaraabadooda. Kuwaas Alle quluubtooda wuxuu ku qoray iiman. Wuxuuna Alle ku taageeray gargaar xagiisa ahaaday. Wuxuuna gelinayaa alle kuwaas janaat ay dureerayso hoosteeda webiyaal. Way ku waarayaan janooyinkaas dhexdooda. Allaah wuu ka raali noqday xagooda, iyaguna way ka raali noqdeen Alle xagiisa. Kuwaasi waa xizbiga Allaah. Hooy, xisbiga Allaah uun ayaa ah kuwo guuleysta.

اعْلَمْ أَرْشَدَكَ اللهُ لِطَاعَتِهِ، أَنَّ الْحَنِيفِيَّةَ مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ: أَنْ تَعْبُدَ اللهَ وَحْدَهُ، مُخْلِصًا لَهُ الدِّينَ. وَبِذَلِكَ أَمَرَ اللهُ جَمِيعَ النَّاسِ، وَخَلَقَهُمْ لَهَا؛

Ogoow Alle hakugu hanuuniyee (toosiye) daacadiisa. Diinta toosan ee ka leexsan baadilka in ay tahay diinta nebi Ibraahim cs. In aad caabudo Alle keligiisa. Adigoo u khaalis (gaar) yeelaya diinta(cibaadada)Alle keligiis. Arinkaas uuna Allaah amray dadkoo dhan. Uuna u abuuray darteeda (sababteeda).

كَمَا قَالَ تَعَالَى: ﴿ وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالإِنْسَ إِلاَّ لِيَعْبُدُونِ ﴾[ الذاريات: 56

Siduu yiri Alle kor ahaaye. Uma abuurin jini iyo insiba inay i caabudaan mooye.

وَمَعْنَى ﴿يَعْبُدُونِ﴾: يُوَحِّدُونِ، وَأَعْظَمُ مَا أَمَرَ اللهُ بِهِ التَّوْحيِدُ،

Way caabudayan! Macneheedu Waa: Keliyeyn *Alle loo keli yeelayo cibaadada*. Waxa ugu weyn ee Allah amrayna waa Al-tawxiid.

وَهُوَ: إِفْرَادُ اللهِ بِالْعِبَادَةِ

Tawxiidkuna waa in Allaah loo keli yeelo cibaadada.

وَأَعْظَمُ مَا نَهَى عَنْه الشِّركُ، وَهُوَ: دَعْوَةُ غَيْرِهِ مَعَهُ،

Waxa ugu weyn ee Allaah inaga reebay waa shirkiga. (In Alle cibaadadiisa cid kale lala wadajiyo)Shirkuguna waa in cid kale lala Wadaajiyo baryada  Allaah.

وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى ﴿وَاعْبُدُواْ اللّهَ وَلاَ تُشْرِكُواْ بِهِ شَيْئ﴾[النساء: 35

Daliilkuna waa qowlkii alle kor ahaye. Alle caabuda, hana la wadaajinina waxba.

فَإِذَا قِيلَ لَكَ مَا الأُصُولُ الثَّلاثَةُ التِي يَجِبُ عَلَى الإِنْسَانِ مَعْرِفَتُهَا؟

Marka lagu yiraahdo: Muxuu yahay saddexda usuul ee insaanka Waajibka ku ah ogaansheheeda ama garashadeeda?

فَقُلْ: مَعْرِفَةُ الْعَبْدِ رَبَّهُ، وَدِينَهُ، وَنَبِيَّهُ مُحَمَّدًا صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ

Dheh waa: Barashada uu adoonku baranayo rabigiisa, diintiisa, nebigiisa muxamad csw.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip