Labo Qiso oo Cajiib badan!!!

14 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 15725
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 4
  • 17 2
  • Share via Social Media

    Labo Qiso oo Cajiib badan!!!

    Allaaaaaaahu akbar Allaaaaaaaaahu Akbaaaar!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaaaaaaahu akbar Allaaaaaaaaahu Akbaaaar!!!

 

Mahad dhamaanteeda Allaah ayey u sugnaatay, ammaan iyo nabadgelyana nabigeenna muxammad ah dushiisa ha ahaato, iyo ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo intii wanaaga ku raacday ilaa qiyaamuhu ka oogmo.

 

Intaa kaddib nabigeenna sallalaahu calayhi wasallama waxaa uu xadiis ka sugnaaday ku yiri: «Alle wuxuu umaddan usoo,Saaraa qarnigii walba mar, qof diintooda u nooleeya».

 

Laga soo bilaabo qarnigii koowaad ee hijriyada ilaa iyo xilligan waxaa dunida islaamka soo maray culimo sida qorraxda u ifayey, hawshooduna ahayd noolaynta diinta islaamka, diintii ayey ifiyeen, iyaguna way ifeen, diintii ayey koryeeleen, iyagana diintii ayaa koryeeshay, waa halkii nabigeennu sallalaahu calayhi wasallama xadiis kale kaga yiri: "Allaah kitaabkan dad ayuu kor ugu qaadaa, qolo kalena hoos ayuu ugu dhigaa". Muslim ayaa weriye

 

Dhamaan walaalaha isticmaala aalada Paltalk, Waxaan  wada ognahay ama ka markhaati kacayna, in Qolka Altaqwa iyo walaalaha jooga ay yihiin, kuwo u taagan u shaqaynta diinta. Waxaan markhaati ka nahay hadii aanay jiri lahayn dacwa illaah, in walaalo badan iska dhex muquuran lahaayeen badweyn xumaana. Ku bishaaraysta Insha allah Altaqwa way sii wadi doonta dacwada, inta laga waayayo Qol paltalk ka mida oo ay ku jiraan walaalo somali ah oo samaynaya wax aan Alle iyo rasuulkiisa csw midna raali ka ahayn. Paltalk insha Allaah waxaan ka dhigi doona nadiif iyo meel lagu oogo kelimada tawxiidka.

Waxaan rabaa inaa idiin soo gudbiyo labo qiso oo cajiib badan. Wax badan waxaan akhrinay qisooyin ku qoran buugag, laga soo guuriyey qarniyadii hore ee tegey, iyo umado aynaan soo gaarin. Ma is leedahay reer Altaqwa dhexdooda waxaa ku duugan qisas iyo cibar. Si aad marka u ogaato qisaska dhexdeena ahaaday, Qoraalkan hoose waa labo qiso midina riyo tahay midna, dhab tahay oo gabadhaas iyadoo soo jeeda ducaysanaysa loo dhawaaqay in aanay khayrka ka fogaana lagula dardaarmay. Si fiican u akhri wixii faalo iyo dareenka ay kugu dhaliyaana nala wadaag akhristow. Qisooyin kale oo badana waan idinla wadaagi doona insha allaah.

 

«Ascwrbt ukhtii muddo badan ayaan raadinaayey,  Qolka altaqwa waxaan la xariiray ilwaad ayaan waxaan ku dhahay i caawi  dugsi baan rabaa, ka dib waxey igu xirtay Farhan.  Wuu i qoray si fiican uma aqoonin paltalk, wuxuu i dhahay sogal luuqa, Waxan dhahay ma aqaan walaal luuqa, wiil baa ii sameeyay paltalk balse  markaas cid i ag joogta ma jirin. Waan ka helay qeyrka  ka socda altaqwa waxaana aad ugu hamiyay wax ka socda in aan wax ka barto, Waase ii suuroobi weyday daruuf jirta awgeed, Tasoo ahayd xaga aqoon darada Paltalk, muddo badan iska ooyay ka dib rabi ayaan amuuraheyga u sheegtay, Waxaan aad ugu dheeraday in aaan helo qof degan xaafadeeyda igana caawiso dhibka i haayo iyo hamigaan u haayo altaqwa in aan Alla dartiis u barto waxna ka siyaad sado qeyrka Alle ee raali ka yahay.Maalin maalmaha ka mid ayaan galaas aan dhigto la keenay gabar ka mid ah reer altaqwa. Nasiib Wanaag waan isa soo raacnay ka dib waxaa noo bilowday, Gabadhii wada hadal, waxay igu tiri dugsi aan dhigaa wayna ila kaftantay, kama aan harin abaayo halkee ku dhigtaa? Baan waydiiyey! waan u baah nahay markaan ka hari waayey bay igu tiri waxaan dhigtaa dugsi altaqwa waan ku soo booday, anigoo aad ugu faraxsan hadalkeeda, abaayo waan kuugu duceestay, ee abaayo gurigada i geey oo i caawi mudo badan baan raadinayey. Waan ku faraxsanahay inaan maanta adi ku helo, Waana ku guuleestay rajadeeydiina waan helay. Ka dib gurigeygaan imid waan is celin waayay aad baan u ooyay farxad darteed,  Allaah baan u mahad celiyay ka dib waan tukaday, markaasna waan iska ducaystay, anigoo halka iska fadhiya oo ducadaydii wata ayaan dhawaaq maqlay oo la i dhahayo haka harin Altaqwa! Mar labaad ayaan dib u ooyay Alhamdulililaah. Hada dhamaan Walaalaha waxaan idiinka codsanayaa in aad ii soo duceeysan reer Altaqwa oo dhan ugu horeeya sheekh xanafi gabdhaha walaalheena ee waqtiga noo huray najla zunairah ilwaad iyo intii wax qabada oo dhan altaqwa inuu quraanka alle ii fududeeyo allena nagu kulmiyo janada fardowsa wabilaahi towfiiq».

 

Ascwrbt,  bismillah kitabka usuulka ayan qolka Altaqwa ka dhiganayey, wilkayga oo 11 years jiro ayan ubilaabay oo ku iri Hooyo waa in aan isla xifdinaa kitaabka usuulka.  Xifdigiisa ayan billawney anagoo marayno (أَنَّ الله لا يَرْضَى أَنْ يُشْرَكَ مَعَهُ أَحَدُ فِي عِبَادَتِهِ، لا مَلَكٌ مُقَرَّبٌ، وَلا نَبِيٌّ مُرْسَلٌ؛ وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى: ﴿وَأَنَّ الْمَسَاجِدَ لِلَّهِ فَلاَ تَدْعُوا مَعَ اللَّهِ أَحَداً [الجن: 18].) Dugsigana markaas asalka labad ayaa la marayey, Marka waan ka mashquulay waana iska ilaaway kitaabkii. Kumana aanan boorin wiilkayga inuu xifdiska sii wado.Habeen baan ku riyooday nin odey ah oo i cayrsanayo, aniga iyo dad badan. Dadkii waa kala yaacay meel aan ku socono ma garanaynin, Waxan markas arkey luuq yar oo laba derbi u dhexeeyo luuqi ayan galay, Si an iskaga qariyo ninkas oo dadka oo dhan kacabsanayen. Luuqa dhiniciisa  kale waxa fadhiyo koox libaaxyo ah, Gabar ordaysa ayaa igu timi luuqi, si iyaduna ay uga dhuumato ninkaas dadka dhan ka wada cabsanayaan,  Gabadhi ayan ku iri iga durug oo haygu oodin luuqan libaaxyada  ayaan kacabsanayaaye, Marka labada dhinacba cabsi baan ka qabna, dhan libaaxyadii baa naga jooga, dhana ninkii baanka dhuumaynaa.  Anagoo sidii dhuumasho ugu jira, ayaa waxa na arkay Ninki. Markas ayu wuxuu ku dhawaaqay meel manta lagu dhumanayo ma jirto. Baxsi majiro manta. waxa kali ah lagu baxsan karaa afarta masaa’il qofkii yaqano. Anagoo wareersan oo aan ku fikiraayo afarta masaa’il waxay yihiin ayan so xasuustey kitabka usuulka, Markas ayan iri ALLah waxaan ka xasuusta (anahu yujibu calayna tacalumu arbaca masaa’il).  Markas ayu yiri sax wad saxsantahay, Asagoo dhexda fadhiyo, oo dadku hareerihiisa fadhiyaan, Ayaan hurdadii ka kacay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip