Usuulu Thalaatha Li Banaat Mathuuraaat

0
Thursday May 22, 2014 - 09:22:49 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2466
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 3
  • Share via Social Media

    Usuulu Thalaatha Li Banaat Mathuuraaat

    Waxaa darsigaan iska leh Gabdhaha Mathuraat ee koobaad waxaan alaga rabaa malinka adaxada ah idan alle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa darsigaan iska leh Gabdhaha Mathuraat ee koobaad waxaan alaga rabaa malinka adaxada ah idan alle

وَالدَّلِيلُ مِنَ السُّنَّةِ

Daliilka sunada kusoo aroorayna waa: ( saddexda martabadood ee diinta islaamka).

حَدِيثُ جِبْرِيلَ الْمَشْهُورُ: عَنْ عُمَرَ بنِ الْخَطَّابِ ـ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ ـ قَالَ

Xadiithkii Jibriil cs ee caanka ah: cumar bin khadaab rc ka sugnaaday: wuxuu yiri

بَيْنَمَا نَحْنُ جُلُوسٌ عِنْدَ النَّبِيِّ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ

Anagoo fadhina nebiga ( csw) agtiisa:

إِذْ طَلَعَ عَلَيْنَا رَجُلٌ، شَدِيدُ بَيَاضِ الثِّيَابِ، شَدِيدُ سَوَادِ الشَّعْرِ،

Waxa nagu so baxay nin ay aad u daran tahay cadanta dharkiisa, ayna aad u darantahay madowga timihiisa.

لا يُرَى عَلَيْهِ أَثَرُ السَّفَرِ، وَلا يَعْرِفُهُ مِنَّا أَحَدٌ،

Aan lagu arkin korkiisa raad safar, qof naga mid ahna uuna garanayn.

فَجَلَسَ إِلَى النَّبِيِّ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ

Wuxuuna la fadhiistay Nebiga csw:

فَأَسْنَدَ رُكْبَتَيْهِ إِلَى رُكْبَتَيْهِ، وَوَضَعَ كَفَّيْهِ عَلَى فَخِذَيْهِ،

Wuxuu ku tiiriyey labadiisa jilib, labada jilib ee nebiga csw, Wuxuuna dhigey labadiisa gacmood bowdada rasuulka csw.

وَقَالَ: يَا مُحَمَّدُ أَخْبِرْنِي عَنِ الإِسْلامِ

Wuxuuna yiri: Yaa Muxamad iiga waran islaamka.

فَقَالَ: أَنْ تَشْهَدَ أَنْ لا إلٰه إِلا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ، وَتُقِيمَ الصَّلاةَ، وَتُؤْتِيَ الزَّكَاةَ، وَتَصُومَ رَمَضَانَ، وَتَحُجَّ الْبَيْتَ إِنْ اسْتَطَعْتَ إِلَيْهِ سَبِيلا

Wuxu yiri nebiga csw: Islaamku waa inaad qirto in uusan jirin Allah xaq lagu caabudo Allah mooye, iyo maxamedna inuu yahay rasuulkii Alle, iyo in salaada la oogo, iyo in sakada la bixiyo, iyo in la soomo ramadaanka, iyo in la xajiyo baytka Allaah, ruuxii awooda xaga jidka.

قَالَ: صَدَقْتَ. فَعَجِبْنَا لَهُ يَسْأَلُهُ وَيُصَدِّقُهُ

Wuxu yiri (jibriil) run baad sheegtay. Cumarna wuxuu yiri Waan la yaabnay ninkaas wuu waydiinaya hada wuxu leeyahay run baad sheegtay.

قَالَ: أَخْبِرْنِي عَنِ الإِيمَانِ

Wuxuu yiri (jibriil) iga waran iimanka.

قَالَ: أَنْ تُؤْمِنَ بِاللهِ، وَمَلائِكَتِهِ، وَكُتُبِهِ، وَرُسُلِهِ، وَالْيَوْمِ الآخِرِ، وَتُؤْمِنَ بِالْقَدَرِ خَيْرِهِ وَشَرِّهِ

Wuxuu yiri Nebigu csw: Inaad rumaysid Allah, iyo Mala’igtiisa, iyo Kutubtiisa, iyo Rusushiisa, iyo Maalinta aakhiro, iyo inaad rumayso qadarta Allah khayr iyo sharba.)

قَالَ: صَدَقْتَ

Wuxuu yiri (jibriil) run baad shegtay:

قَالَ: أَخْبِرْنِي عَنِ الإِحْسَانِ

Wuxu yiri (jibriil) iiga waran ixzaanka:

قَالَ: أَنْ تَعْبُدَ اللهَ كَأَنَّكَ تَرَاهُ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاكَ

Wuxuu yiri ( nebiga csw): Inaad Allah caabudid sidii adigoo arkaya, Hadii aadan ahayn mid arkaya, isaga Alle ku arkaya.

قَالَ: أَخْبِرْنِي عَنِ السَّاعَةِ

Wuxuu yiri (jibriil) iiga waran saacada qiyaamaha:

قَالَ: مَا الْمَسْؤُولُ عَنْهَا بِأَعْلَمَ مِنَ السَّائِلِ

Wuxuu yiri ( Nebiga csw) Ma ahan kan saacada la waydiinayo mid uga aqoon badan xageeda kan weydiinaya.

قَالَ: فَأَخْبِرْنِي عَنْ أَمَارَاتِهَا

Wuxuu yiri (jibriil) iga waran calaamadaheeda.

قَالَ: أَنْ تَلِدَ الأَمَةُ رَبَّتَهَا، وَأَنْ تَرَى الْحُفَاةَ الْعُرَاةَ الْعَالَةَ رِعَاءَ الشَّاءِ يَتَطَاوَلُونَ فِي الْبُنْيَانِ

Wuxu yiri Nebiga csw: Inay dhasho adoontu sayidkeeda, iyo inaad aragto kuwa kabaha la,a oo qaaqaawan,ee cayrta ah, ee ari jirta ah, oo u kala tartamaya dhismayaasha.

قَالَ: فَمَضَى، فَلَبِثْنَا مَلِيَّا،

Wuxuu yiri (cumar rc) wuu dhaqaaqay ninkii. Anaguna waan negaanay waxyar.

فَقَالَ: يَا عُمَرُ أَتَدْرُونَ مَنِ السَّائِلِ؟

Wuxuuna yiri Nebigu csw. Cumaroow ma garanaysaan qofkii su’aalaha i waydiinayey?

قُلْنَا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ،

Waxaanu niri: Allaah iyo rasuulkiisa og:

قَالَ: هَذَا جِبْرِيلُ أَتَاكُمْ يُعَلِّمُكُمْ أَمْرَ دِينِكُم

Wuxuu yiri Nebiga csw: Kaasi waa Jibriil csw oo idinku yimi inuu idin baro arinka diinkiina.

  Tip

  Tip