«Mala sheekaysata gabadhada?

0
Wednesday January 16, 2013 - 13:27:33 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3249
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    «Mala sheekaysata gabadhada?

    «Mala sheekaysata gabadhada?La sheekayso gabadhaada hooyo. Waa muhiim!» si aadan hadhow u barooran!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

«Mala sheekaysata gabadhada?La sheekayso gabadhaada hooyo. Waa muhiim!» si aadan hadhow u barooran!


Waxaan Maqli jirey in badan qof baa naftiisa diley,laakiin badanaa waxan ku tirin jirey hawshaas dilka nafta la iska qaadayo in ay ka dhacdo gaalada aan imanka lahayn allena rumaysnayn. Waxaase markhaati ka ahay oo aan soo taagnaa gabar muslimad ah oo ku fekertay qaadista nafteeda Alle swt uu hadyad ahaan ta u siiyey. Gabadhaasi ma xanuunsanayn, caafimaadkeeda taam buu ahaa. Balse shaydaan ayaa u qurxiyey inay haboontahay in naftaanba aanay ku fiicnayn sii joogista aduunkan. laakin waxay hilmaantay in Alle swt uu naf kasta ajal iyo wakhti magcaaban u sameeyey oo aanay nafina dhaafayn xiligii allah ugu talo galay inuu oofsado.

Subaxa subaxyada ka mida baan gabadha buss aan wada raaci jirey maalinkasta isku dhex aragnay. Waxan fiiriyey gabadha wejigeeda mise waa bedelan yahay wayna ilmaynaysaa, Waxan iri maxaa ku helay. Waxay igu jawaabtay Amal waxaan xalay laqay 20 xabo oo kiniin ah, xalayna hurdo indhaha isuma keenin, waxaan raba inaan iska dhinto oo aduunkan aan faaruqo, waana dhiman rabaa ee i saacid, waxaan iri hadaa dhimanayso anuu kaama celin karo geeri laakin allah baa og inaad dhimanaysee, istiqfarta badi. Busska intaan saarnayn gabadha waxay is lahayd tolow daqiiqadee bay nafta kaa baxaysaa, ileyn nolosheeda waxay ku samaysay wax ay ugu talo gashay inay ku dhimatee.gabadhaasi habeenkaas ay laqaysay 20 xabo kiniina waxay jogtay gurigooda hooyadeed iyo aabeheed wax wara kama aysan hayn laakiin waxay dhex meeraysanaysay iyadoo tirinaysa daqiiqadaha guriga dhexdiisa oo leh weli waad nooshehee maxaa dhacay? Meeyey hada dhiman lahayd? Nafteeda su,aalo badan bay waydiinaysay?

Waxaan tagnay schoolkii aan u soconay, sow gabadhu waxay lasii hadashay macalimiinta schoolka si ay u caawiyaan. Isla markiiba gabadhii waxaa la booday gaari waxaana loo kexeeyey dhanka dhakhtarka. Waxaan soo xasuustay hadal ay maalin igu tiri oo ahaa « Amal hadaa dhinto ma imanaysa qabrigayga?» waxaan ku iri maya. Waxay kaloo i tiri hadaa dhinto ma i oynaysaa? Waxan iri waa macquul hadaa dhimato inaan murugoodo, laakin geerida waa xaq oo waa wada dhimanaynaa. Isla habeenka ay kiniinka laqayso, waxay isoo dirtay sms ah sidan « Amal please ha ka tirin magacayga listga facebook gaaga hana hilmaamin inaad isoo ducayso, hada i waydo waayo waxaan jooga xili aan duco u baahanahay» anigu ma arkin sms ka habeenkii oo waxaan akhriyey subaxdii.

Gabadhaas waalidkeeda ma aysan ogaanin, waxaana dhakhtar geeyey macalimiinta, waxayna tiri yaana la i sheegin familkayga inay qisadan igu dhacday. Maxaad u malaynaysaa in ay qarsanayso gabaryar oo teenage ah oo hawshaas dhan ku kacday ama maxaa kalo ka filaysaa inay kaa qariso gabadhaada hadaa tahay hooyo? Waan ogahay anuu sababta gabadhaasi nafteeda saas ugu gelayso, waxaana fialaya hooya kasta inay fahmayso?

Maxaad u malaynaysaa walaal inuu ku sababay gabadhan yar inay sidaas dhan nafteeda u ciqaabto? Runtii waxaan ognahay waxyaalo badan oo ka dhaca qurbaha laakiin waxaan leeyahay waalidka somaliyeed fadlan ogaada ilmahiina uma baahna cuno keliya ee waxyaalo badan bay u bahan tahay gabar qaangaadhay kuna dhex jirta caalam fasahaaday oo aanay awoodin inay indheheeda laabto. Waxaana muhiim ah in ilmahaaga aad ku barbaariso diinteena macaan, si uu u ogaado waxyaalaha looga bahan yahay. Maxaan aragnay hooyo barooranaysa ka bacdi markay aragtay waxyaalaha gabadheeda ay samaynayso. Hooyadaas waxan oran lahaa ka hor baroorta si fiican u barbaari ilmahaaga. Allow tawfiiqda na waafaji, gabdhaha muslimaatka ahna dhamantooda xifdi meel kastay joogaan.



Golaha Isbadalka soomaaliyeed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip