Qiso wax ku qaadasho mudan.

0
Sunday January 13, 2013 - 13:55:24 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 5799
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso wax ku qaadasho mudan.

    Qisadan wa mid murugo ku dheehantahey, waa qiso wax ku qaadasho mudan , waxaa soo qorey gabadh ka mid ah gabdhaha qolka somali islamic altaqwa netwaork>>>

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qisadan wa mid murugo ku dheehantahey, waa qiso wax ku qaadasho mudan , waxaa soo qorey gabadh ka mid ah gabdhaha qolka somali islamic altaqwa netwaork>>>

Qiso wax ku qaadasho mudan.

Sidaa u noqonay dad qoxootiya, oo aduunka daafihiisa midba meel ka joogo. Waxaad arkaysaa famil aabihii joogo Somalia, hooyadiina kenya, wiilkiina south afrika, gabadhiina Europe. Waxaana laga yaaba mid kastoo ka midana in aanu haysan passport ama ducoment uu kusoo booqdo qofka kale. Ruux kastana waa ogyahay quruxda iyo qiimaha uu leeyahay familka iyo is jecaylka familka siiba marka ay wada joogan.

Waxaan aad uga murugooda mararka aan maqlo qisooyin badan oo ka dhaca qurbaha, dhib malaha xanuunka alle baa wax walba qadara qaadana keenana, ee murugta tan igu reebtey runtii waxaa waaye, qof aan ehel iyo qaraabo midna u joogin oo dhex jooga cusbataal gaalo subax kasta iska soo horkacayaan. Ma arkayo ruuxaasi naxariistii uu mudnaa in la tuso ama uu ka ehelo ehelkiisa markii dhib la soo deristo, waxaasoo dhana waxaa inoogu wacan wadankeena burburay, ilaahow wadankeena noo hagaaji, wax badan waxaa xasuus igu reeba markaan maqlo qisooyin badan oo aan ka maqlo walaalo ama aan meelo ka akhriyo.

Waxaa raad gooniya igu reebay labo qiso oo aan ka maqlay paltalk wiil walaal ah oo xanuunsan iyo gabar walaal ah oo xanuunsan iyadana, waxaa gabadha aan la hadlay gabar walaasheed muslimad ah oo la joogta oo i sheegtay qisadeeda runtiina markay ii sheegaysay oynaysay ana ay i daqantay oohintaasi.
Gabadhaas walaasha ah markay oynaysay, kama aysan oynayn xanuunka haya walaasheeda muslimada ah waayo waxayba ii sheegtay in ay walashaasi tahay saabirad ilalaaah oo aad u jecel allah iyo diintiisa, kuna qanacsan waxaa uu allah la kulan siiyey 2 dii sano ee ugu danbeeyey nolosheeda. Ee waxay ahayd murugteeda in aanay walaashaas muslimada helin booqasho, in badan baan walaalaha u weydiiya in ay u ducayaan bay tiri ana waan u ducayaaa insha allaah walaashaydaas, waxaana manta balan ku qaaday hadii aanan dhiman oo alle oofsan naftaydan daciifada ah oo aanan ka horeyn inaan xiriiriyo oo aan ka war hayo walaashaydaas.

Walaasheenas waxay ka mid tahay walaalaha kasoo fogaaday familkeeda oo ku nool yurub, oo ah walaasheen somaliyad muslimad ah. Waxaa ku dhacay xanuunka la dhaho kansarka, hadadse ogaato qisada walaashaas muslimada ah waad oynaysaa, runtiina waxay mudan tahay in wax lagu qaato. Waa walaal ehllu khayr ah jecel quraanka iyo sunada nebiga csw. Iyadoo sariir saaran walaashaas cunada aan cuni karayn,oo tuubo lagu siinayo, kama ay tegin salaadi, markii ay awood waydo fartay ka tukanaysaa, kitaabka quraanka ma qabsan karto oo barkin ii saara waan akhrisan bay leedahay. Bal ka waran walaashaasi ma hadli karayso marka ay gudanayso waajibaadkaas alle amray, bal ka waran ruux farta ku tukanaya walaal? Qiyaas xaalada ay ku jirto walaashaas iyo tan aad adi ku jirto.

Maanta dad badan oo caafimaad iyo nimco farabadan alle ugu deeqay baan inaba ha yaraate ka fa,ideysan wakhtigooda. Walaal adoo caafimaad qaba, cunaya,cabaya,seexanaya dhib la,aan, soo kacaya dhib la,aan, qoslaya,farxaya,hadlaya,wax maqlaya, wax arkaya dhib la,aan,jirkaaga iyo xubnahaaga alle ku dhamaystirey. Maxaa ka dhigay mid nimcada alle ku siiyey ka faa,ideysan waaya? Aduunkan cid ku waaraysa ma jirtee aan ka fa,ideysano wakhtiga walaalayaal. Waxaan idinka baryayaa inaad Fadlan fadlan u ducaysaan walaashaas muslimada ah.


By: Najla-114

Golaha Isbadelka Soomaaliyeed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip