Qisadii Mumtaas iyo Macalinkii Sports-ka

0
Friday January 04, 2013 - 18:51:12 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 3934
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii Mumtaas iyo Macalinkii Sports-ka

    Qisadii Mumtaas iyo Macalinkii Sports-ka Qisadaan waxaa inoo soo qorey walaalk ka mid ah gabdhaha Altaqwa waxeyna ku dhacdey ardey ka mid ah ardeydeeda diinta islaaamka ay barto,Mumtaas iyo Geesinimadeedi waxeyna ka dhacdey wadkana Sweden>>&

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qisadii Mumtaas iyo Macalinkii Sports-ka Qisadaan waxaa inoo soo qorey walaalk ka mid ah gabdhaha Altaqwa waxeyna ku dhacdey ardey ka mid ah ardeydeeda diinta islaaamka ay barto,Mumtaas iyo Geesinimadeedi waxeyna ka dhacdey wadkana Sweden>>>


Qisadaan waxay dhex martay ilaa 15 caruur ah oo iskugu jira somali iyo carab,maamule iskuul iyo macalinkoodii sportiska.
Mumtaas oo ah gabar yar oo hada 12jir ah, aadna u jecel barashada diinta, xiiso badana u qabta siiradii rasuulka scw ayaa maalin maalmahaka mid ah soo xaadirtay xiisadii sportiska 9:00 subaxnimo, taas oo ay dhamaan caruurta dhigta iskuulaadka gaaladu ay ku qasban yihiin ineey soo xaadiraan. Macalinkii xiisada lahaa ayaa wuxuu gudagalay inuu caruurtii isku qeeybiyo si ay iskula ciyaaraan,Mumtaas iyo will ayuu isku bixiyey si ay isku koox u noqdaan. Mumtaas ayaa macalinkii si toos ah ugu tiri macalin anigu wiil lama ciyaaraayo ee iga bedel oo gabar iigu bedel. Macalinkii ayaa wuxuu weeydiiyey sababta ayna wiilka ula ciyaari kareynin, waxay ku tiri diinteeyda ayaan ii ogoleeyn macalin, waayo muslimad ayaan ahay. Macalinkii ayaa wuxuu ku howlanaa intuu joojiyey usoo jeestey Mumtaas isagoo careeysan oo hadalka ku gubaya kuna yiri halkaan islaam iyo ilaah midna kama shaqeeyaan mana joogaan, anigaa ka taliya kana ilaah ah ee samee waxaan kuu diray.


Mumtaas naxdin iyo caro ayaa hal mar iskugu timid, macalinkii wuxuu ku hadlay wey maqashay laakiinse waxba kama sameeyn karto,inteey shandadeedii soo qaadatay ayay macalinkii hor timid kuna tiri ilaah koley aniga ma ii tihid,ilaahayna ma taqaanid waana kaaga baxayaa hoolka oo dhan, intaan noolahayna imaan maayo meel aad joogtid weyna ka dhaqaaqdey oo aadey xagii albaabka. waxaa ka daba cararay wiil ay isku fasal ahaayeen, oo somali ah, wuxuu arkay gabadhii oo ilmeeyneysa markaasu intuu naxay ku yiri muxuu ku yiri macalinku,maku ceeyriyey, waxay ugu jawaabtay maya anigaa meeshaan ilaah ka ah ayuu yiri, aniguna masii joogi karo meel uu joogo. willkii ayaa cararay oo u tagay wiilashii kale ee somalida ahaa una sheegey arinkii, halmar ayay shandadahoodii soo dafeen una soo dhaqaaqeen xagii albaabka. Mcalinkii ayaa ka daba qeeyliyey xagaad usocotaan? yaa idin fasaxay? hebel iyo hebel iyo hebel soo noqda, intuu mid mid u magacaabay. willashii midna uma jawaabin macalinkii,markii ay albaabka kasii baxi rabaan ayuu mid wiilashii ka mid ah gadaal usoo noqdey oo uu ku qeeyliyey asxaabtoodii carabta kuwoodii muslimiinta ahaa, oo aan iyagu qisada dhacdey la socon,wuxuu yiri ma waxaad la sii joogeeysaan nin ilaahnimo sheegtay,waar soo baxa, markeey maqleen ayey soo yaaceen iyagoo weeydiinaya maxaad tiri,maxaad tiri ?? kuligood waxay u yimaadeen Mumtaas oo fasalada iskuulka dhexdooda kuraas taala iska fariisatay oo ooyneeysa.

Wiilashii ayaa midba ra'yi la yimid sidii ay macalinkaas uga aargoosan lahaayeen, mid yiraahda gaariga aan ka jajabino,mid yiraahda aan halmar kuwada boodno oo dilno, midba meel ayuu arinkii la aadey, Mumtaasna wey dhegeeysaneeysaa oo ma hadlin weli. wiilkii ugu horeeyey ee Mumtaas kasoo dabacararay ayaa yiri maxaan sameeynaa Mumtaaseey, waxay ugu jawaabtay waa inaan ninkaan iskuulka oo dhan ka ceeyrino oo aan shaqo la'aan ku rido,laakiin beey tiri waa inaan sugnaa xiliga qadada oo aan dhamaan ardeydii Habo, ( waa macalimadooda diinta barta )is helnaa si aan u badano, carabta oo dhan waa inaan u sheegno, kadibna kuligeen isku raacno Rektorka=Maamulaha iskuulka. Maadaama ayna caruurta dhigata klaska 1aad ilaa 5aad isku waqti qadeeynin kuwa waaweyn ee dhigta 6aad ilaa 9aad, ayey waxay noqdeen 22 caruur ah, waxayna aadeen xafiiskii maamulahii iskuulka,iyagoo wiilkii ugu weeynaa xaga xooga uguna dheeraa u doortay inuu u hadlo. Laakiin waa caruuree markii uu maamulahii albaabka ka furay ayey kuligood hal mar wada hadleen ilaa uu ninkii wareeray oo uu miiska intuu garaacay dhawaaq dheer ku yiri mid mid u hadla aan idin fahmee.

Mumtaas ayaa fursadaas jaanis u heshay ineey ka faaiideeysato oo hadalkii qabsatay, waxayna tiri sidaan: Raali naga ahow inaan balan la'aan kuugu nimid,laakiin arin qatar ah oo nasoo gaartay awgeed ayaan u haleeli weyney inaan kula soo socodsiino inaan kuu imaaneeyno,,waxaan kuligeen dacwo ayaan ka nahay macalin hebel,kuwo kalena hadhow ayey kuu imaanayaan. Maamulahii naxdin awgeed ayuu istaagay, wuxuuna ka fekeray arin wadamada gaalada caado u ah ineey ka dhacday iskuukiisii,oo wuxuuba moodeyin intaan oo caruur ah uu macalinku faraxumeeyey. sideeybee wax u dhaceen ayuu lasoo boodey ? Mumtaas ayaa arinkii oo dhan u sheegtay , caruurtii kalena gadaal ayey uga nacam leeynayeen, Maamulahii neeftii ayaa hada kasoo baxdey oo arinku siduu moodaayey ma noqon, wuxuuna kusoo celcelinaayey ma intaas oo kaleyaa waxa dhacay. waxay caruurtii hal mar ku dhawaaqeen " Finns det något värre ??? = oo ma wax ka xun ayaa jiraa arinkaan ? Mumtaas ayaa sii raacisey waxaan ka jeclaan laheyn inuu kuligeen nafta naga qaado oo uu na dilo. ninkii ayaa aad ula yaabay caruurtii oo dhididay wajigiisiina casaan isku rogay. wuxuu yiri anigaa la hadlaya macalinkiina, hadal aa,,?? anaguba maan la hadalno muxuuse hadal noo taraayaa ayey Mumtaas tiri. macalinkaan banaanka anagaa ka aarsaneeyna, oo qof walbana u sheegeeyna wuxuu yiri maanta ee adiguna iskuulka ayaad leedahaye naga qabo,oo shaqada ka ceeyri-cajiib si toos ah ayey u tiri Mumtaas ereyadaas.xiisadii sportiskana qof muslim ah aadi maayo haduu isagu macalin sii ahaado, poliska iyo waalidkeenba waan u sheegeeynaa-intaasna waxaa raaciyey wiil carab ah. Maamulahii wuxuu yiri hada iska baxa anigaa idinku soo war celin doonee.

Maamulahii iskuulka wuxuu isla markiiba u yeeray macalinkii oo weeydiiyey sida ay wax u dhaceen, macalinkiina arinkii waxba kama bedelin oo siduu u dhacay ayuu sheegay. Maamulahii waxay ku qaadatay markii ay caruurtu u yimaadeen,iyo la kulankii macalinkii iyo casilidiisiiba- shaqada ka ceeyrintiisiibamudo 20 daqiiqo ah,,allaahu akbar. intaas kadib Maamulahii toos ayuu usoo aadey galaaskii-fasalkii Mumtaas ay dhiganeeysey, keligeed ayuuna u yeeray wuxuuna u sheegey inuu macalin hebel hada miiskiisii alaabtiisii ka guranayo- Mumtaas maba aysan sii sugin inuu hadalka dhameeystooo galaaskii ayaydib ugu carartay iyadoo leh allaahu akbar allaahu akbar " Vi har Vunnit " oo ay micnaheedu tahay" WAAN GUULEEYSANEY " Maamulahiina wuxuu macalinkii kusoo bedelay oo uu macalin sportiska ka dhigay macalin muslin ah oo u dhashay wadanka Lubnaan, oo ilaa hada iskuulkii maclin sportis u ah. isla maalinkaas ayey dhamaantood ii yimaadeen si ay qisada iigu sheegaan laakiin nasiib xumo guriga maan joogin,telefoon ayaa la iisoo diray la iigu sheegayo ineey ardeydii qaarkood guriga joogaan,oo ay arin weyn ii wadaan, waxaan howl uga sii dhigay ineey arinta iisii qoraan si aan u dhegeeysto,kadibna u akhristo, waa qoraalkoodii oo aan soomaali kusoo turjumay qoraalkaani.

Dhamaan walaalaha waxaan ka codsanayaa inaad Mumtaas iyo waalidkeedba iyo caruurta intooda kaleba usoo duceeysaan. Xaqiiqdii waxaan aaminsanahay insha allaah ineey Mumtaas meel sare kasoo baxayso xaga Diinteena sharafta leh.


By: adoontii_alaah-

Golaha Isbadelka Soomaaliyeed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip