Hanbalyo & Duco Ardadii-Altaqwa Banaat Ma'thuuraat & 8-Juz Masha Allaah, Tabaraka Allaah,

4
Monday March 10, 2014 - 04:06:47 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 5125
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Hanbalyo & Duco Ardadii-Altaqwa Banaat Ma'thuuraat & 8-Juz Masha Allaah, Tabaraka Allaah,

    بِسْـمِ اللهِ الرَّحْمـَنِ الرَّحِيـمِ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

بِسْـمِ اللهِ الرَّحْمـَنِ الرَّحِيـمِ

وَلَقَدْ يَسَّرْ‌نَا الْقُرْ‌آنَ لِلذِّكْرِ‌ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ‌ 


الف الف مبروووووووووووووك لكل الناجحات 

Farxad………..Farxad……….Farxad………….Farxad

 

Waxaa iska leh Mahad Allaah SWT noo sahlay aaladan internetka ee ruuxba si gooniya uga faa’iideysanayo. In aan uga faai’iideysano dhanka khayrka.Maanta oo ah maalin taariikhi ah, 70 gabdhood oo kala jooga dunida dacaladooda  ayaa dhameeyey 8 juz oo qur’aan ah. Kuwaas oo u bartay 8da juz qi’raa’a ahaan iyo tafsiirba.

 

Marka  waxaan leenahay hanbalyo, Gabdhaha Madarasatu Altaqwaa oo muujiyey karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay ku gaareen manta booska ay joogan. Waxaa leenahay guul ayaad gaarteen ilaahay ha idin barakeeyo, hana idinka dhigo kuwa ku dhaqma qowlka ilaahay ay barteen. Waa ilaahay mahadii in weli la helayo hooyo somaliyeed oo ka shaqaysanaysa gurigeeda oo raali gelinaysa zawjkeeda, xanaanaynaysa caruurteeda, isla markaana diyaar u ah barashada qur’aanka iyo diinta.

 

Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu unoolaado. Hadaan nahay dad islaam ahna, dastuurka nolosheenu waa Qur’aanka iyo sunada nebiga csw. Hadaba aan ku dadaalno barashadeeda. "Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahilnimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa”.



Hooyadu Waa tiirka uu ku taagan yahay guriga ama qoysku. Maahmaah Somaliyeed baa ah "Ninkii gabar wax baray, bulsho buu wax baray” Marka waxaan kula dardaarmaynaa hooyooyinka somaliyeed inay wax bartaan oo weliba ay bartaan diintooda taas baa badbaadada aduun iyo aakhiro ku jirtaa.

 

Ogaw aqoontu waa iftiin ama nuur, jahliguna waa mugdi inoo horseedaya meel aan wanagsanayn, marka aynu ku daadaalno barashada diinteena si aynu ugaarno hormar loo riyaaqo. Gabdhaha Somaliyeed ee walaaleheen ah khaasatan gabdhaha paltalk aan deriska ku nahay, fadlan nagala soo qayb gala barashada kalaamka alle.


Ugu dambeenti Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa inaan u mahad celiyo sheekheena sheikh Xanafi oo kasoo shaqayeeyey isu keenka walaalahan khayrka qaba, u guntaday inuu waxbaro walaalaha somaliyeed ee uu ka saaro jahliga, iyo walaalaha kale ee ka shaqaya dacwada Alle SWT ha u saaro musaanka xasanatka. Gabdhaha Altaqwaana waxaan leeyahanahay mar labaad hanbalyo, farxadiina Allaah ha idiin siyaadiyo, halkaana kasii wada dadaalka, ogaada waxaa idin saran xil ee ka bilaaba barida quraanka gurigiina, deriskiina, xaafadaha iyo magalaada aad degan tihiinba.

 

Waa dardaaran gooniya oo ku socda gabdhaha Madarasatu Alqawaa.

Galad eebe weeyoo

Guushiina doorka ah

Gabdhihii Altaqwoow

In badan waan sugayno

Qalbigaa ku diirsaday

Duco iyo salaam iyo

Hanbalyaan idin leenahay

Anagoo isku duuban

Dhaman waan ku faraxne

Waa dardaaran gooniya

Ehelkii Altaqwoow

Gabdhihii altaqwoow

Daaciyaal dumaroow

Ku  dadaala Diintoo

Damiirkiinana u sheega

inaad macalin dooroo

dulli idinka ilaashoo

Jahli idin kala diriroo

Aan daaleyn leedihiin.

Idinkuna dadaaloo

Waxbartoo dhamaantiin

cilmiga weeleeya.

(By Najla-114)

**Golaha Isbadalka Soomaaliyeed**


Fadlan Hambalyadaada, Ducadaada, Dhiiriglintaada, iyo wixii aad nagu soo biirineyso >> Hoos ku soo qor (qeybta Comments ka)






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip