Sharaxa Usuulu Thalatha Qaybtii Xalay

1
Thursday May 01, 2014 - 22:53:28 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 10158
  • (Rating 4.2/5 Stars) Total Votes: 9
  • 21 1
  • Share via Social Media

    Sharaxa Usuulu Thalatha Qaybtii Xalay

    Casjalka Deg Dega ayaad kala socon karta casharki xalay waana Sharaxaad muhiim u ah qofwalba raba in caqiidadiiso uu toosiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casjalka Deg Dega ayaad kala socon karta casharki xalay waana Sharaxaad muhiim u ah qofwalba raba in caqiidadiiso uu toosiyo

Casharkii Xalay  



araxaبِسْـمِ اللهِ الرَّحْمـَنِ الرَّحِيـمِ


Casharka 4aad Ee Kitabkeenii Usuuluthalaatha 

مَعْرِفَةُ دِينِ الإِسْلامِ بِالأَدِلَّةِ

Asalka 2aad: Waa garashada diinta islaamka, si daliil wadata in loo barto.

وَهُوَ: الاسْتِسْلامُ للهِ بِالتَّوْحِيدِ، وَالانْقِيَادُ لَهُ بِالطَّاعَةِ، وَالْبَرَاءَةُ مِنَ الشِّرْكِ وَأَهْلِهِ،

Islaamkuna waa: In Allaah loo hogaansamo adoo tawxiidka u keli yeelaya. Iyo u hogaansamid allaah adoo adeecaya. Iskana beri yeelaya shirkiga iyo ehelkiisa.

وَهُوَ ثَلاثُ مَرَاتِبَ: الإسْلامُ، وَالإِيمَانُ، وَالإِحْسَانُ. وَكُلُّ مَرْتَبَةٍ لَهَا أَرْكَانٌ

Islaamkuna waa saddex heer oo kala ah: Islaam, imaan iyo ixzaan. Heerkastana wuxu leeyahay arkaan.

المرتبة الأولى: الإسلام

Heerka kowaad: Waa islaam.

فَأَرْكَانُ الإِسْلامِ خَمْسَةٌ
Tiirarka Islaamku waa shan:

شَهَادَةُ أَن لا إلٰه إِلا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ،
In la qiro in uusan jirin Allaah xaq lagu caabudo Allah mooye, Muxamadna uu yahay rasuulkii Allaah (csw).

وَإِقَامُ الصَّلاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَصَوْمُ رَمَضَانَ، وَحَجُّ بَيْتِ اللهِ الْحَرَامِ

Salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, ramadaanka oo la soomo iyo baytka allaah ee xurmada leh oo la xajiyo.

فَدَلِيلُ الشَّهَادَةِ: قَوْلُهُ تَعَالَى

Daliilka shahaadada oo la qiraana waa qowlkii Allaah kor ahaye:

﴿ شَهِدَ اللّهُ أَنَّهُ لاَ إلٰه إِلاَّ هُوَ وَالْمَلاَئِكَةُ وَأُوْلُواْ الْعِلْمِ قَآئِمَاً بِالْقِسْطِ لاَ إلٰه إِلاَّ هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ﴾[آل عمران، 18].

(Allaah wuxuu qirey in uusan jirin Allaah xaq lagu caabudo isaga mooye, Malaa’igtuna way qiri, iyo kuwa kuwa cilmiga leh, Allaahna waa kan maamula cadaalad, Illaah xaq lagu caabuda ma jiro Allah mooye, waana adkaade falsan.)

وَمَعْنَاهَا: لا مَعْبُودَ بِحَقٍّ إلا اللهُ، وَحَدُّ النَّفْيِ مِنْ الإِثْبَاتِ

Macneheeduna waa: Ma jirto cid xaq lagu caabudo Allah mooye,

﴿لا إلٰه﴾ نَافِيًا جَمِيعَ مَا يُعْبَدُ مِنْ دُونِ اللهِ

«laa ilaaha» Waa diidmo la diidayo dhamaan waxyaalaha la caabudo oo kasoo haray Allah.

﴿إِلا اللهُ﴾ مُثْبِتًا الْعِبَادَةَ للهِ وَحْدَهُ لا شَرِيكَ لَهُ فِي عِبَادَتِهِ، كَمَا أَنَّهُ لَيْسَ لَهُ شَرِيكٌ فِي مُلْكِهِ.

«ila laaha» Waa sugid cibaadada loo sugaayo Allaah keligiisa. Cid la wadaagtana ma jirto cibaadadiisa, Sida aan cidna ula wadaagin mulkigiisa.

وَتَفْسِيرُهَا: الَّذِي يُوَضِّحُهَا قَوْلُهُ تَعَالَى

« laa ilaaha ila laah» tafsiirkeeda cadaynaya waa qowlkii Allah kor ahaaye.

﴿وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ لأَبِيهِ وَقَوْمِهِ إِنَّنِي بَرَآء مِّمَّا تَعْبُدُونَ * إِلاَّ الَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُ سَيَهْدِينِ * وَجَعَلَهَا كَلِمَةً بَاقِيَةً فِي عَقِبِهِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ ﴾[الزخرف: 26 ـ 28

( xus markuu ku yiri nebi ibraahim aabihiis iyo qoomkiisa anigu waxaan berik a ahay waxaad caabudeysaan).( Waxaanse caabudi eebaha i abuuray isagana i hanuunin).( Wuxuuna ka yeelay kelimada tawxiidka tii ku baaqi ah faraca ibraahim, waxay mudan yihiin inay xaqa u noqdaan). Surah sukhruf ayah 26- 28

وقَوْلُهُ تَعَالَى
Qowlkii Allah kor ahaye:

وقوله: ﴿ قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ

Waxaa kaloo Daliil u ah Qawlkii Allaah Kor ahaaye  : Waxaad dhahdaa (Nabiyaw) Ahli Kitaaboow

تَعَالَوْا إِلَى كَلِمَةٍ

u kaalaya Kalimad

سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ

aan u simanahay anaga iyo adinkaba oo ah

أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ

inaynaan caabudin Allaah mooyee,

وَلا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئاً

oo aynaan u shariik yeelin (Allaah) waxba,

وَلا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضاً أَرْبَاباً مِنْ دُونِ اللَّهِ

kana yeelanin qaarkeen qaarka kale Rabiyaalo Allaah sukadiisa,

فَإِنْ تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ ﴾ { آل عمران: 64}.

haday jeedsadaana waxaad dhahdaan marag ka ahaada inaan anaga Muslimiin nahnay) Aala-Cimraan aayda 64.

ودليل شهادة أن محمداً رسول الله قوله تعالى:

Daliilka Shahaadatu anna Muxammeda Rasuulullaah na waa Qawlkii Allaah Sareeyey:

 

﴿ لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مِنْ أَنْفُسِكُمْ

Xaqiiqee waxaa idin yimid Rasuul idinka mid ah

عَزِيزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ

ayna ku adagtahay waxa idin dhibaayo,

حَرِيصٌ عَلَيْكُمْ

idinkuna dadaalaayo (inaad hanuuntaan),

بِالْمُؤْمِنِينَ رَؤُوفٌ رَحِيمٌ ﴾ (التوبة:128) .

una turid iyo naxariis badan oo kaliya Mu,miniinta) Al-tawba aayada 128 aad.

ومعنى شهادة أن محمداً رسول الله:

Macnaha in la marag furo in Muxammed Rasuulkii Allaah hayana waa :

طاعته فيما أمر ،

in lagu adeeco wuxuu amray,

وتصديقه فيما أخبر ،

iyo in laga rumaysto wuxuu sheegay,

واجتناب ما عنه نهى وزجر،

iyo in laga fogaado wixii uu dadka uu ka reebay uuna ka eryay,

وأن لا يعبد الله إلا بما شرع

iyo inaan Allaah lagu caabudin wuxuu sharciyeeyay mooyaanee

ودليل الصلاة ، والزكاة ، وتفسير التوحيد قوله تعالى:

Daliilka Salaada, iyo Zakada, iyo Tafsiirka Tawxiidka waa Qawlkii Allaah Sareeyey :

﴿ وما أمروا إلا ليعبدوا الله

lama amrin(Dadkana) inay Allaah caabudaan mooyaanee

مخلصين له الدين

weliba ayagoo u barax tiraayo diinka (Cibaadada)

حنفاء

ayagoona ah kuwo shirkiga ka soo leexanaayo (oo xaga Tawxiidka u soo leexanayaan),

ويقيموا الصلواة ويؤتوا الزكاة

iyo in ay salaada oogaan, iyo inay bixiyaan Zakada,

وذلك دين القيمة ﴾ {سورة البينة، الآية: 5}

arinkaasina waa Diinta toosan)Suuratul-bayinah ayada 5aad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip