Muraajacadii Barashada Cilmiga Naxwaha Mustawaha 1aad Dhameestiran

0 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10508
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 6 3
  • Share via Social Media

    Muraajacadii Barashada Cilmiga Naxwaha Mustawaha 1aad Dhameestiran

    المستوى الاول في علوم النحو

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

المستوى الاول في علوم النحو




Barashada Cilmiga Naxwaha Mustawaha 1aad 


Tartiib Tartiib u dhuux qayba malin murajacee




Al Kalaam_
kalaam اللفظُ waa Hadal afka ka so baxay oo xuruuf la qori karo leh, المُرَكَّبُ ee la is saaray , المُفيدُ oo faaideynaaya ,, بالوَضْع Luqad carabi wax ku faideynaaya..

Kalaam waxuu u Qeybsama 3: اِسمٌ وفعلٌ، , وحَرفٌ جاءَ لمَعنى
1. Ism - Magac
2. Ficil - Fal
3. Xaraf - wa xaraf macna la yimid
Tusale: مررت بمحمد Ficil=مررت  Ism = محمد Xaraf=, ب  waa xaraf isku xiray ism iyo ficil oo macno la yimid.

Qeybta 1: Ism اِسمٌ
ism waaa magac naftiisa wax kaa tusaaya.

Ism waxaa lagu gartaa 4 Calaamadood:

1.بالخفض - Khafd wa Hoos Dhig ( Kalmada ugu Danbeya in la hoos dhigo)
Tusale: بِسْمِ اللَّـهِ , وَاللَّيْلِ, وَالنَّهَارِ , وَالشَّمْسِ - Ism inuu yahay waxa ku garatay Hoos dhiga xaraf ka ugu danbeya.

2.والتنوين ،- Tanwiin waa Labo xarakeyn ( labo godal , labo kordhig ama labo hoos dhig)
Tusale: سميعاً بصيراً , غفورٌ رحيمٌ , شيءٍ عليمٍ Ism inu yahay waxaa ku garatay Tanwiinta labo godal labo kor dhig iyo labo hoos dhig .

3.ودخول الألف واللام - Waxey (AL) gasho waa ism
Tusale: النُّورِ , الرجلُ , الرحمانُ , البيت - Dhaman wa Ism sababto ah waxaa ku garatay wa AL galitankeeda.

4.وحروف الخفض - waa Xuruuftii Khafd keyneesay, oo waxey horey ka gasho gadal aya laga khafdina (laga hoos dhiga) xuruftas wax kasta ee gasho waa Ism.
- Xuruuftaas waa مِنْ وإِلَى وعن وعلى وَفِي وَرُبّ وَالْبَاءُ والْكَافُ وَالَّلامُ ، وَحُرُوفُ الْقَسَمِ وَهِيَ الْوَاوُ وَالْبَاءُ وَالتَّاءُ.

Tusale: بكلِ شيءٍ . - بكلِ xarafka ugudanbya wa hoos dhiganyahay waxa hoos dhigay wa ب ka hormartay... بسمِ الله - Bismi xarafka ugu danbeysa wa hoos dhiganyahay ب aya hoos dhigay. مِنْ عِبَادِهِ ۚ - cibaadihi waa ism waxa ku gartay waxa ka hor martay xuruful Khafd oo ah Min.. إِلَى اللَّـهِ - Allahi waa ism waxa ku gartay waxa ka hor martay xuruful Khafd oo ah ila.
.. وَحُرُوفُ الْقَسَمِ - waa xuruufta lagu dhaarto oo ah الْوَاوُ وَالْبَاءُ وَالتَّاءُ.
Tusale: واللهِ باللهِ تاللهِ - Allah wa ism . meesha ee ka galaan xurufta lagu dhaarto oo ah woow ba iyo ta' waa la hoos dhiga.

Qeybta 2 :Ficil فعلٌ
Ficilku waa fal ama action am verb waa wax dhacaya ama dhici dona ama wixii laqabto ama laqaban dono
Ficilka iyo isimka waxaa lagu kala gartaa isimku oo magaca ah malahan wakhti laakin ficilku wuxuu u bahan yahay wakti.
والْفِعْلُ يُعْرَفُ ِبِقَدْ والسِّينْ وسَوْفَ وَتَاءِ التَّأنِيثِ السَّاكِنَةِ

Ficil waxaa lagu gartaa 4 calaamadood:

1. قَدْ - kalmad kasta oo قَدْ ay ka hormarto waa Ficil.
Tusale: قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ aflaxa wa Ficil waxa ku garatay waxa ka hormary Qad oo ka mid ah calamadaha ficil ka lagu garto.
قدْ قامَ سلمان - qaama wa ficil , waxaa ku garatay waxa ka hormary qad oo ah calamadaha ficilka lagu garto.

2. السِّينْ - Kalmada ee السِّينْ ay ka kormarto wa ficil-
Tusale: سَيَعْلَمُونَ -Yaclamuuna waa Ficil waxaa ku garatay waxa ka hormaray السِّينْ .
سَنُلقي - Nulqii wa Ficil waxa ku garatay waxa ka hormaray السِّينْ .

3. سَوْفَ - kalmada ee سَوْفَ ka hormarto wa Ficil.
Tusale: سَوْفَ تَعْلَمُونَ - Taclamuuna waa Ficil waxaa kugaratay waxa ka hormary سَوْفَ

4. تَاءِ التَّأنِيثِ السَّاكِنَةِ - Ta' reeban in ficilka loo danbeysiiyo. ta' reeban kalmada ugu danbeysa wa ficil
Tusale: ذَهَبَتْ قامتْ خرجتْ - waa ficil waxaa ku garatay Ta'da ugu danbeysa ee reeban..

4ta Calaamadood ee lagu garto ficliga 3 ka mid ah horey ayee ka galaan ficliga 1 ne gadaal ayee ka gashaa. 3da horey ka gasha waa قَدْ والسِّينْ وسَوْفَ . tan gadal wa gasha ficliga wa . تَاءِ التَّأنِيثِ السَّاكِنَةِ ...

Qeybta 3: Xaraf حَرفٌ
والْحَرْفُ مَا لا يَصْلُحُ مَعَهُ دَلِيلُ الاسْمِ ولا دَلِيلُ الْفِعْلِ.
Xaraf waxa lagu gartaa Calaamad aqbalid la'aan aya u calamad ah.. Ismiga calamadaha lagu so sheegay ma aqbalikarayo , sido kale Ficliga calamadahi lagu so shegay ma aqbali karayo.
Tusale : هَلْ - Calaamadaha ismiga iyo ficliga ma aqbalaayaan..
________________________________________________________________________________________________________________

Ficil wa maxay?

Ficilku waa fal ama action am verb waa wax dhacaya ama dhici dona ama wixii laqabto ama laqaban dono
Ficilka iyo isimka waxaa lagu kala gartaa isimku oo magaca ah malahan wakhti laakin ficilku wuxuu u bahan yahay wakti

>> Meeqo Ayuu U Qeybsamaa Ficilka? 

*Ficilka Waxuu u Qeybsama 3 qeybood.

1-Ficiltagay ماض
Tusale : كتب , اكل , فعل , ضرب , رجع
kataba, Akala, facala ,daraba, rajaca.
Icraab ضرب : Ficil maadi mabniyun calal fatxa laa-maxala lahu minal icraab.

2- Ficil أمر
Tusaale: إضرِبْ , إدخُلْ ,إصبِرْ ,إستَعِنْ , إسمَعْ
Wax hadal lagu amrayo.

3-Mudaaruc wax soo socda مضارع
*Ficilka mudaaric waxaa lagu gartaa oo ficilka so socda ah 4 erey
In midkood ka hor marto oo kala ah sidan أ- ن- ي- ت
Oo lagu jamciyo anaytu:
Tusale: ضرب wa ficil maadi markii ka hormarto xurufta anytu tusale أَضرِبُ , نَضرِبُ , يَضرِبُ, تَضرِبُ waxee noqotay Ficil Mudaric markii ka hormartay xurufta Anytu
Icraabta Yadribu
Ficil mudaaric marfuucun wacalaamatu rafcihii damatun dahiratun fii akhirihii.
Yadribu waa ficil mudaric macnaha soo socda marfuucun oo godan wacalamatu rafcihii calamada uu ku godan yahayna waa damo gadaal ka muuqata.
Ficil Mudaaric Waxuu Maraa 3 xaaladood mar waa la godaa( Marfuuc) marna waa la kor dhigaa (Mansuub) marna waa la reebaa ( Majzuum)..

1-Marka La godaaayo:
Ficil Mudaaric marka la godaayo waxaa la dhaha marfuuc waxu leeyahay 2 xaladood oo ah - dama iyo Nuun
**Ficil mudaric hadii gadaal aysan waxba ka raacin sida(و ا ي) waa la godayaa oo waxaa la dhahaa waa marfuuc.ficil mudaric hadeesan gadaal wax ka raacin waxaa lagu godaa Damma.
Tusaale: يسافر , يدخل , يَضرِبُ - Icraabta waxaa leedahay Ficil mudaaric marfuucun wacalaamatu rafcihii damatun dahiratun fii akhirihii.

2.Marka la kor dhigayo oo la dhoho mansuub:

Ficil Mudaaric marka la kor dhigayo waxa la dhaha mansuub waxuu leeyahay 2 xaaladood oo ah - fatxa iyo Xadfu Nuun
**ficil mudaric hadii lan (لن) ka hor marto oo gadaal waxne ka raacinin waxaa lagu kor dhigaa Fatxa.
Tusaale: لن يَضرِبَ, - Yadriba wa Ficil Mudaaric Mansuubun Bi-Lan, wacalamatu Nasbihi Fatxa Daahiratun Fi Akhirihi.
**Hadii Ficil Mudaaric Ka Hormato Lan wad kor dhigysaa oo fatxa ayaad ku kor dhigysaa hadii aysan gadaal waxba kala socon laakin hadii woow alif iyo ya ay kala socoto waa afcaashi 5ta waxa la jarayaa nuunta.
*((((.afcaalul khamsa_:
Afcaalul Khamsa waa ficil mudaaric oo alif woow ama yaa ka gadaal marto,
يفهم waa ficil mudaaric markii alif woow ama yaa ka gadaal marto sida يفهمان - تفهمان - تفهمين - يفهمون - تفهمون - waxaa La isku dhahaa Afcaalul Khamsa.
Hadaba Afcaalul khmasa waxaa lagu Godaa Thubuutu Nuun (ن ) sida aad tusalaha kore ku arkeysaan
Icraabta يفهمان - تفهمان - تفهمين - يفهمون - تفهمون - waxa leedahay ficil mudaaric oo marfuuc ah calaamada uu ku rafcisanyahayna waa nuunta ku sugan-
*Ficil mudaaric marfuucun wacalaamatu rafcihii thubuutu nuuni.. Li'anahu min afcaalul khamsa.

Tusale: انتم تفهمون الدرس Tafhamuun waxa racay Woow iyo Alif oo waa jamac (تفهمون -wey fahmeen) Tafhamuna .Ficil mudaaric marfuucun wacalaamatu rafcihii thubuutu nuuni..
:انتما تفهمان الدرس. - Tafhamaani sido kale Alif iyo Nuun aya raacay oo waxa dheheena tafhamani Ficil mudaaric marfuucun wacalaamatu rafcihii thubuutu nuuni..
*((( Marka Lan ka Hormarto Afcalul Khamsa:)))
ficil mudaaric hadii gadaal wax ka raaco sida Alif wooow iyo ya (و ا ي) oo Lan ama An ka hor marto Waxaa lagu kordhiga Xafdu Nuuni ..
Tusalaha aan kor ku soo sheegnay ee afcaalul khamsa Markii Lan ka hor marto waxa lagu nasbiya Xafdu nuun oo Waxaad ledahay waa ficil mudaaric mansuub wacalamatu nasbihii xadfu nuun macnaha wa ficil mudaaric oo kor dhigan calaamada uu ku kor dhigan yahayna waa nuunta maqan.
Tusaale:
- تفهمان - markii ee ka hor marto Lan waxee noqonee لن تفهما - Lan Tafhamaa .. Nuunkii waa la jaray madama ee Lan ka hor martay..
* - تفهمين - tafhamiin ya iyo Nun ugu danbeysa markii Lan ka hormarto waxee noqon لن تفهمي Nuunkii wa la jaray madama ee ka so hormartay - marka waxa dhehee Lan Tafhamii .. Lan- Xarfu Nafyi Wa Nasbi wa istiqbaal .. Tafhamii- Ficil Mudaaric Munsuubun Bi-Lan Wa calaamatu Nasbihi Xadfu Nuuni..
* يدرسون - Yadrisuun woow iyo Nuun ugu danbeysa marka Lan ka hormarto waxee noqon لن يدرسوا - Nuunki waa la cunay yaa cunay tolow ma adaa cunay nuun ka maqanee? Lanta ka hor martay baa cunay Nuunki..Icraabka waa Lan- Xarfu Nafyi wa Nasbi Wa istiqbaal.. Yadrusu- Ficil Mudaaric Mansuubun Bi-Lan Wa Calaamatu.

3: Marka waa la reebaa ( Majzuum):

Ficil Mudaaric marka la reebo waxa la dhaha Majzuum waxee leedahay 2 calaamadood : 1- Sukuun 2- Xadf
*((( Sukuun)))-
Ficil Mudaaric Hadii (lam) Ka hor marto oo Gadaal waxne ka raacinin sida Alif woow iyo yaa waxaa lagu reebaa Sukuun ..
Sukuun waa reebitanka yarka ( بْ ) calamadaas Ba 'da ka koreysa ayaa la dhaha Sukuun , sukuuna waxaa la sukuuna markii ka hor maraan Lam gadaalne eesan waxba ka raacin xarafkaas wa la reebaayaa tusaale -
لم يٌسافرْ - Yusaafir Ficil Mudaaric Majzuumun Bi-Lam , Wacalaamatu Jazmihii Assukuun.
لم يضربْ - Yadrib Ficil Mudaaric Majzuumun Bi-Lam , Wacalaamatu Jazmihii Assukuun.

*((( Xadf)))
Xuruuful Cillah - Xuruufta Jiran waa Alif wooow iyo yaa, sidii loogu tala galay aanan eheen
Tusaale : alif ka - يخشى , موسى, عيسى, يرى
woow- يؤمنوا , يدعوا ,يكونوا
yaa - يرمي عذابي عقابي
* Xuruufta Jiraan Hadii Lam ka hor marto waa la jaraayaa, Xarafka zaid ka ah oo ugu danbeya laga jaraa Tusaale: Alif ka - - يخشى hadii lam ka hor marto waa la jaraya xarafka jiran لم يخشَ Alifka ugu danbeesay wa la cunay markii Lam ka hormartay..
Tusale marka woow ugu danbeeyo , يدعوا Lam markii ka hormarto woow ga wa la jaraa wa xaraf jiran oo waxaa u qoree لم يدعُ- woow gii waa la cunay markii ka hor martay Lam.
Sido kale ya' - يرمي markii ka hor marto Lam ya'da ugu danbeysa wa la jaraa waxe ka mid tahay xurufta Jiran oo waxee isku badalee لم يرمِ ya'dii ugu danbeysay waa la cunay oo Lam aya cuntay madama ku ka mid yhaay xuruuful Cillah ama xuruufta jiran.

Icraabka:
لم يخشَ - Lam -Xarfu Nafyin , wa Jazmun, wa Qalbun...
-Yakhsha- Ficil Mudaaric Majzuumun Bi Lam, wacalaamatu Jazmihii Xadfu Xarful Cillah...
لم يدعُ - Lam- Xarfu Nafyin , wa Jazmun, wa Qalbun...
-Yadcu- Ficil Mudaaric Majzuumun Bi Lam, wacalaamatu Jazmihii Xadfu Xarful Cillah..
لم يرمِ - Lam- Xarfu Nafyin , wa Jazmun, wa Qalbun...
-Yarmi- Ficil Mudaaric Majzuumun Bi Lam, wacalaamatu Jazmihii Xadfu Xarful Cillah..

*(((.afcaalul khamsa)))
Afcaalul Khamsa waa ficil mudaaric oo alif woow ama yaa ka gadaal marto, tusale_
تفعلان يفعلان يفعلون تفعلون تفعلين
ficil mudaaric hadii gadaal wax ka raaco sida Alif wooow iyo ya (و ا ي) oo Lam ka hor marto Waxaa lagu jazmiya Xafdu Nuuni ..
لم تفعلا لم يفعلا لم يفعلو لم تفعلو لم تفعلين
Tusalaha aan kor ku soo sheegnay ee afcaalul khamsa Markii Lam ka hor marto waxa lagu Jazmiya Xafdu nuun oo Waxaad ledahay waa ficil mudaaric Majzuumun wacalamatu Jazmihii xadfu nuun niyabatu can sukuun Li'anahu min afcaalul khams.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip