Su'aalo Iyo Jawaabo (*(*Dahaarada Ku Saabsan)*) Li Sh Cabdulqaadir Boobe Xafidahullaah

1
Saturday January 25, 2014 - 14:23:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 14716
  • (Rating 4.3/5 Stars) Total Votes: 15
  • 22 1
  • Share via Social Media

    Su'aalo Iyo Jawaabo (*(*Dahaarada Ku Saabsan)*) Li Sh Cabdulqaadir Boobe Xafidahullaah

    Fatwa Dahaara sualo iyo jawaabo Li fadilatu Sheekh Cabdulqadir Maxamuud Cuthmaan Xafithahulah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fatwa Dahaara sualo iyo jawaabo Li fadilatu Sheekh Cabdulqadir Maxamuud Cuthmaan Xafithahulah Ka'faaidayso masaaishaan muhiimka ah oo dahaarada ku sabsan ardadanua ka soo qulaasaysay kitaabkii muxararka ee dhamday qaybta dahaarada

1- Maxaa daharo layidhaadaa dhanka sharciga ?
jawaaab .daharda macnaha waxa loo yaqaano waxa waaye ama xadas in la kor yeeeelo ama nijaaso in la suuliyo ayaa la yirahdaaa macnaha sharciga..
2- Waxa lagu daaharo qaato maxaa asal u ah ?
jawaaab ;wax yaabaha lagu dahaaro qaata waxa asal u ah biyaha ...allah subxanahu watacaaa waxu ku leyahay qoranka waxan xaga samda ka so dajinay biyo daahir ah naftooda bey daahir uyihiin qeyr koodana waa daahiriyaan o ku dahaarta qaataan ,, Allah subxanhu watacalaa waxo kaloo leyahy waxaa la idin idlaqay biyo hadeydan helin biyo waxad ku careysataan dhulka waxa ka koreeyaayadkaas waxey natusayaaan sheyka asalka u ah dahaarada in uu yahy biyaha oona laga marmaan uyahay dahaarda waxa asal uah biyaha wixii intaas ka so reebe ma ahanee dalilka ka soo reebay ma ahaneee
3- Goorma ayaa biyaha nijaaso lagu xukumaa dhanka sharciga ?
jawaab :biyaha waxa nijaaso lagu xukumaa marka lafiirsho dhanka sharciga hadii biyaha ey ku dhacdo nijaaaso sadaxdii tilmaamo ey lahaayeyn biyaha ey dhowriso waa dhadhankii waa urtii biyaha ey la haayeyn waa middabkii ey lahaayeyn markaas ayaaa nijaaso lagu xukumaa waxa loo dalilshadaa oo dalil u ah kitab iyo sunada iyo ijmaaaca iyo qiyaska ba afartaas baa loo daliil lagu tilmama macanha in ey biyahas ey nijaaso yihiin anan lagu daharo qadan karin jirkii dharkii alabtii iyo weylkii iyo mesha lagu dukanaaye midna anan lagu dahaarin akrin
4- Hadii biyaha shay nijaaso ah ku dhacdo anay biyihiina isbedelin maxaa lagu xukumayaa dhanka sharciga ?
jawaaab:hadii biyaha ha yaraadeyn ama ha badnaadeyn hadii tilmaha biyuhu uu lahaa unan wax iska badalin nijaasaba haku dhacdeebiyahaas waxaa lagu xukumayaaa in ey daahir yahiin laguna dahaaro qadan karo oo naftooda daahir uyahiin qerkoodana waa daahirin karaaan
5- Biyaha lagu dahaaro qaadan karo maxaa astaan u ah lagu garan karo ?
jawaab:biyaha lagu dahaaro qadan karo waa biyihii uu sharciga tilmaamay ee maagcii biyinimo loo dayay waxanaa la yirahdaa biyo mudlaq lama oran biyo cajin ah lama oran waa biyo baasin ah lama oran biyo nafta ah lama oran biyo wardi lkn waxa la yirahdaa biyo mudliq magacii biyinimo ey baaqi ku yihiin culumadana waxey yirahdeyn waa biyaha baaqi ku ah dhanka xaqiiqnimada iyo dhanka xukun ahaan ba ama biyaha ka maran in wax kale loo tiiriyo oo la yirahdo biyo noocas ah waa biyaha astanti allah ku abiiray baaqi ku ah ayaaa astanata lagu garan karo kamid ah astaanta lagu garan karo biyaha '
''6- Nijaasooyinka laysku waa faqsan yahay oo culimadu aanay isku khilaafin maxaa kamida ?
jawaaab :nijaaasoyinka waxey uqeybsamaa labo qeybood qeyb la isku khilafsanyahay iyo qeyb an la isku khilafsaneyn qeybta culumada isku waa faqsanyihiin waxaa ugu hoeeya saxarada bini adamka iyo kaadida ruuxa weyn leh oo waa la isku wa faqsanyahy oo waa nijaaso waxa kamid ah dhiiga haweynka ugu yimaada si caadi ah ama kan dhalmada waxa kaloo kamid ah nijaasooyinka la isku waa faqsanyahy eyga dhareyrkisa gowraca anan marin sharciga ee bananka ku dhinty am a briga waxa kaloo kamid ah hilinka khanzirka lixdas baan ku soo kobi karnaa nijaasonyinka la isku waa faqsanyahay
7- Dhiiga nifaasku ma xaydkuu laxukun yahay mise waxbay ku kaladuwanyihiin ?
jawaab :xaga sharciga marka la eego xaydka iyo nifaska wa isku xukun wax ey kukala duwanyihiin ma jiro marka la eego dhanka sharciga haweyneyda amrka ey dhasho kadib ku dhaca dhiiga xaga sharciga wa iskaga mid haweynda marka ey dhasho ma soo meyso oo ku dhacay dhiiga dhalmada ,haweyndii uu ku dhacay dhiiga dhalmada salada ma dukaneyso haweyndii uu ka dhacay dhiiga dhalmada ninkeyda lama kulmaayo oo xariir gogoleyda ma dhaxmaraayo ilaa marka ey ka qubeysato axkaam ahana waxa loogu qiyasqataa oo culumada isku waa fgaqsanyihiin xeydka in ey isku xukun yihiin camuumin dhiiga xeydka iyo kan nifaska waa isku xugun marka la ego dhanka sharciga
8- Gabadha hadii dhiigii dhalmada ama nifaaska uu ka go,ah iyadoo aan afartankii dhamaysan maxaa xaalkeedu noqonayaa ?
jawaaaaab :gabadha haduu uu ka go o dhiiga iyadoo anan dhameysan afartankii malmood tusale waxey heshay dhige dhalmada 20bari kadibna wuu ka go ay xukunka iyo cibraduba waxuu ku dhacayaaa dhiiga joogitankisa iyo jiritankiisaba inta dhiiga joogo gabadhas daahir ma ahan oo saladii iyo sonkii iyo xariirki gogoleydba oo ayada iyo ninkeyda dhax maraayay ma dhax mari karo lkn hadii uu dhiigiise go,o yanan la gaarin afartanbo cibrada iyo xukunka waa dhiiga haweyneydaa waxa loola tacaamulayaa sidii haweyney daahir ah oo saladii bey tukane wey soo meysa oo xarirkii gogoleyda buu la sameynayaa ninkeydii
9- Hadii qofku marka uu weyso qaato uu arko xubin jirkiisa ah oo qalalan ma weysadii dhamaan buu soo celin mise xubinkaasuu dhaqi ?
jawaaab:haduu ruuxa uu weysa qaato o kadib oo uu arko xubi jirkiisa kamid usan garin weysidiii oo qalalan uu arko labo xaladood baaa loo kala sarayaa isla meshi uu ku weysqaadanayaa buu wuxu ku arkay yacnii lugtiisa meyl qalalan oo anan gaarin biyihii in ey jirtay meshii lugta ey qalalanaa buu dhaqayaa oo sifiin buu udhaqayaa dhiqidii buu ku dhameystira marka hadiise asigoo meyshii ka tagay ama uu arko ayado waqti ka so warygatay amaba salaad uu ku dukado weysadii oo idil buu dib uso celinayaa saladii uu ku dukadayna dib buu uso celinayaa
10- Imisa qaab ayaa loo weysaytaa oo banana marka sharciga la eego ?
jawaab:markaan fiirino axaadithta nabiga scw ama an ku sameyno daba gal 4qaaab midkoodii baa loo weysa qadan karaa .qabka 1koowad waxa waye .in xubnahaagi ad dhaqeysay xubin walba in ad dhaqdo hal mar ayaa loo weyseysan karaa .qabka 2labaad waxa waaye oo loo weyseysan karo waxa waaye in xubinkasta ad dhaqdo 2jeer .qabka sadaxaad ee ugu kaamilsan oo weysa ugu kaamilsan waxaa waaye waa xubin walba in 3sadex jeyr la dhqao qabka 4afaradaa waa is weydaar xubin qaar la dhaqo 2labo xubi mid la dhaqo qaab is weydaar loo dhaqo lkn sadax lagama siyaaadin karo xubnaha dhaqitaankooda nabiga scw wuxu yiri ruuxii kasiyadshaa xubnaha dhaqitnkoodi 3 jeyr dhulmi iyo xadgudub buu galay salfkiina waxey oran jiriin 3jeyr ruux kama siyaadsho ilaa ruux ibtileysan maahane oo waswas iyo buufis qabaa moyaane
11- Halmar xubinkasta hadii la dhaqo iyadoo biyo yaraani aanay ku haynin ma banaantahay ?
jawaaab :qababka loo weysaysan karo waxan idin ku daro hal mar in lo weyseysan karo shardina ma ahan in ad biyo badan heysato aydoo nabiga scw uu usameynayo in ey banantahay ayuu nabiga scw xubin walba wuxu dhaqay halmar sas radteyd hadii nabiga scw uu sameyay sidaa nabiga scw waxaa idin ku sugnaatay ku dhayasho wnagsan marak biyaha hakuu badnaadeyn ama hakuu yaraadeynba in ad dhaqdo xubin walba hal mar waa shey banan oo nan ku xerneyn biyaha badnaasho ama yaransho
12- Imisa qaab ayaa jinaabada looga qobaysan karaa ?
jawaab :marka an eygno axadithta nabiga scw ka sugan gabdhihii nabiga scw lanoola ino soo gudbiyeyn sida aishah maymuunah umu salama qabkii nabiga scw uu ugu qubeynsanjiray janaabada oo ah misanka iyo halbeyga an ku salgoosaneyno 3sadax qeyb baa banan qabna ma banaana 3da qaab ey banan waxa weeye mida kowaad 1 ruuxu in uu weyso qaato weyso dhameystiran kadibna uu ka danbeysiiyo qubeys waa qaabka koowaaa .qabka labaadna waxaa weyye inuu weyso qaato weysa qadkii marku uu so gaaro lugaha oo markaa anan dhaqin lugihii oo markaa lugihii ey raacan qubeyska oo halmar qubeyska iyo lugaha la is raaciyo .qabka 3axaad waaxaa waaye in qubeys iyo weyso halmar laniyesto oo halmar biyihii la isku rogo sadaxdaas qaab waa bananyihiin qabka afarad oo an banaaneyn waxa waaye intuu so qubeysto oo markaa weyso ka danbeysiiyo weysada waxey taabici utahay qubeyska caishah rc waxa ka sugan xadithka ey warinayaa abuu da,ud i iyo ibnu maajah ee saxiixa ah nabiga scw qybeyska kadib ma weysa qaadan jirin markuu janaabada ka qubeysto saa darteyda cabdullahi ibnu cumar waxu oran jiray waate qubeyska iyo weysada so qubeyska ma caamsana afartaas qaab oo an bananeyn hal qaaaab 3adaxda kalane ey bananyihiin ayaa janaabada loogu qubeystaa dumarkiina nabiga scw lanoolaayna ridwanulalhi caleyhim sida bey no so guuriyeyn
13- Ninka iyo naagtiisuse mawada qobaysankaraan ?
jawaaaaaaab :in ninka iyo nagtiisa eey wada qubeystaan waxan ku so marnay kitabka muxararka caishah rc waxey leydahay waxanu aheyn kuwa qubeysta anaga iyo nabiga scw riwayad kalane wxey leydahay anagoo janaabo qabna markaasan biyaha wada darsaneynay waxana lahaa ii daa ireeeb anaa kaatimo badan iireb intaan sas aheyn mar hadii nabi muxamed scw iyo midi nolasha uu la qeybsaday oo dadka aduunka kunool uu ugu jaeclaa ey wada qubeysteyn iyo dumarkiisa waa shey banan in lawada qubeysatana waa sheyn uu sharciga uu tilmaayay mid banan oo ana ku so marnay kitabka wallahu aclam
14- Haduu doonayo ninku inuu jimaacii marlabaad ku laabto maxaa laga rabaa dhanka dahaarada ?
jawaaaab:haduu doonayo ninka in uu kulaabto marlabad xariirkii gogoleyd oo asiga iyo xaskiisa dhexmaraayay dhanka dhahaarada waxa laga rabaaa in uu weyso qaato nabiheynu scw wuxu yiri hadii uu midkiin uu lakulmo xaskiisa oo damac galo in uu mar labaad ku noqdo nabiga scw wuxu yiri ha weyso qaato marka maxa laga faaidayaaa in uu so weyso qaato labada kulan dhaxdooda waxa laga faaidayaa labo shey faaidada koowaad dahaarada oo janabadii baad iska kayara qafiifisay faidada labadna waxa waaye nabigaa scw aa tilmaamo oo wuxu yiri taas baaa ufirfircoon dhanka ku noqoshada oo karontada uso dhaceyso oo firfircooni siineyso in uu marlabad ku noqdo wallahu aclam
15- Ninka haweenaydu markay dhiiga qabto maxaa uga banana?
jawaaab:horta waxa lagaamarman ah in ad faahantaan in dinteynu ey tahay diin dhaxdhaxaad wuxu allah subxanahu watacalaa uu leyahay waxaanu idin ka yelnay umad dhexdhaxaad marka eynu leynahay dhaxdhaxad wuxu udhaxeyaa yahuud iyo nasaro yahuda markii ey dumarka dhiiga ku dhaxo wey karantiyeyn jiriin guryahana kuma eynan kulmi jirin dibada ey usaari jireyn dhanka kale nasarada dhiiga najaaso maba uyaqaanin oo dumarka ayagoo dhiiga qabo bey ugalmoon sas bey sameynayan marka labadaas dhexdooda beynu nahay anaga nabiga scw wuxu yiri haweyneydii qabta dhiiga ku sameyaa waxad rabtaa ilaaa galmo ma ahane sida dhunkashadii mubaasharadii tatabashadii iyo in go lala hubado lala cuno nabiga scw aishah asigo dhoraya qalbiheyga iyo qadirkeyda ayuu meesha ey canaha ka canta buu kacabi jiray go ii ey la hubaneyd ayey xeydka marku ku dhacayay markaasu nabiga scw dhahahyy ma xeydhay markaase inta iska so meyrto dhiigey bey nabiga scw lahubaneysay go ii dhaqankas baa ubanan aisha rc waxey leydahay nabiga scw wuxu na amraayya in an hoosgunti so gashano buu nafari jiray markaasu lamubaashirereyn jiray haweyneyn kamid ah haweynkiisa wana wiix an aheyn galmo waa loo ogolyahay
16- Wadyi iyo madyi maxay kukala duwan yihiin labadooduba ma nijaasaa ?
jawaaab:waxay kukala duwanyihiin almadyu waxa layirahdaa ninka ama haweyneyduba marki ey nin ku fakarto ama qoyanka uu ku arko xubintiisa taranka kaas waxa layirahdaa madyi wadyiguna waxa layirahdaa marka uu ruuxa uu qado culeys waxyaabo uu xubintisa tarNKA KU ARKO ama kaadida kadibyimaado ayaa la dhahaaa wadyi layirahdaa .labadooda ma nijaasaa haaa waa nijaaso meshi ey garaana waalaga daahirinayaa hadiii ey yihiin xubinka taranka waa la lanadiifinayaa hadii ey gudbeyn ey gaareyn maradiina maradaa layara rusheynayaa wallahu aclam
17- Asbaabaha loo gobagabaysto ama loo booraysto maxaa ka mida ?
jawaaaaab:sababha keyni karo qofka muslimka in uu gabagabeysto waxa kamid ah sababta kowaad waxaa waaye wuxuu ugabagabysanaa in uu waaaayo biyo wataa allah subxanahu watacalaaa kuyiri quranka hadeydan helin biyo waxad kugagabeystaaan dhulka dhushiisa wixii ahaaday oo ciid iyo caro wangsan ah qabka labaaad eee loo gabagabeysan karo waxa waaye wuxuu kacabsaday biyaha qaboowgodii jirkiisa in uu wax yeeelo soo gaaro ayuu kacabsaday waxuu uu biyaha ku kululeysto ma heysto ayadan waa ugabagabeysanaa waxaana daliil u ah xadithka camir ibnu caas oo ey warinayaaan abuu daaud iyo kherkiis markuu nabiga scw madaxda ugu dhigay qaswadii datah waxan riyooday haweyn uu qabowga uu daranyahay waxana ka cabsaday hadii an qubeysto in an dhinto markas wantamayastay markaas baan tujiyay saxabadaydii i ila socotay saxabada waaa ey ishtikeyyen csamir ibnu caas markii ey nabiga scw uyimaadeyn arinkii beyna ushegeyn waxayna yirahdeyn caamir ibnu caaas waxuu natujiyaya isagoo janaabo qaba markaasu nabiga scw weydiyay sual caamirow mawaxaa tujisay asxabtaadii adigoo jaabo qabo rasuulkii allah waxan maqlay alle oo leh naftiina hadilina alle waa alle idin naxariis badanee markaasan gabagabeystay nabiga scw markaas waa ku qoslay waxna ma uusan dhihin qodbka sadaxaad waxaa loo gabagabeysan karaa jiro ruuxu waa xanuunsanayaaa tusale in dhhaha laga qalay xubin jirkiisa sarantahay faashad jiro darteyd baa loo gabagabeysan karaaawallahu aclam
18- Hadaan caro waayo maxaansameeyaa ?
jawaab:carada shardi uma aha gabagabeysiga waxkasta oo dhulka dhushiisa ah waa lagu gabagabeysan karaa darbiga iyo sheykasta oo adag shardina ma ahan caro kaliyah wallahu aclam
19- Gudniinka ragu maxaa xukunkiisu yahay dumarkuse maysgudi jireen waqtigii nebiga maxaa daliila ?
jawaab:gudniinku waxey culumada ey tilmaameyn in uu yahay shy waajib ah ahlu cilmuga dumarka wa ey isku khilaafeyn shaaficiyado waxey leyihiin iyo imaam ahmed gudninka waa waajib rag iyo dumarba maliyidna iyo xanafiyaduna waxey leyihiin gudninka ragaa waa sune dumarkana karaamo iyo sharaf buu uyahay imaamu ahmed ruwaayad uu leyahay wuxu tilmamayaa ragu waa wajib dumarkna karaamo iyo maamuus buu ku yahay adilada loo dhaliishady in gudniinku uu yahay waa jib waxa kamid ah xadhithka uu warinaayo abuu da,ud nin so islaamay nabiga scw wuxuu yiri timahaan galnimada kaaga so baxay xiir eyna isgud sido kale adilada loo dhaliishaday waxa kamid ah nabiga scw waxa lafaray in uu raaco milata ibraahim diinata nabi ibraahim waxa kamid ahaaa gudninka wataa abuuhureyra xadhithka uu warinaaye saxiixeyn ibraahim caleyhi afdalu wasaam oona ahaa khliilu rahmaan oo is guday asigo 80 jir ah
duamrka ma isgudi jireyn xiligaa nabiga scw haa wa ey isgudi jireynimaamu muslim iyo kherkii waxey warinayaan nabiga scw waxa ka so aroortay labadii gudniin mesha ninka birta laga amriyay iyo meshii haweyneyda laga mariyay birta hadii ey kulmaaan oo xariir gogoleyd dhax maro qubeys baa waajibaayo ibnu majaah iyo qeyrkooda waxey warinayaan in nabiga scw uu yiri hadii ey kulmaaan labadii xubnood xubinkii taranka ee raga haduu kulimbo xubiinki kale ey haweyneydu waxaa waajib yeelay qubeys umucadiytu alansariyah waxey leydahay gabdhas haweyn baa waxeyaheyd mid ugudi jirtay dumarka rer madiina rasulkii allah wuxu ku yiri markaad gudeyso xubinka haku xeldheyraanin xooga yara qandhuufo maxa yeelay xubinka oo wax yar laga tabtay oo anan lagu xeyl dheyraanin gabdha wajigeyda nurkeyda buu kaqebqaadanayaaa nabiga scw wuxu yiri taas baa nasiiib iyo xeyl dheyf wacan xaga tamatucaninka taas baaa uwangsan xaga tamatucahadaba qabka gudninka gabdhaaha
calamka islaamiga qaar gabdhaha waa gudaaan qaarna wa ey iska dayaaan hadii ad dhulalka ad joogtaan oo dhib idin ka soo gaarayo dhib malahan in ad iska deysaaan
maxa yeelay waxa imaneysa mandaro kaweyn ama gudninka fircooniga sida gabdhaha loo gudo oo gabdha ugudo somalida sharecada asal kuma lahan in ey shareecada asal kulaheyn waxa kugu filan magacaga fircooni wax uu sameeyay fircoone qeyr lagama sugaayo waa ciqaabeyn caafimad ahaan bey u iqaabeyn raxadeydi bey wax yeleeyeyn sidaa darteyda shey ku baanan sharecada ma ahan gudninka fircooniga ee kan an ka hadleyno waa kan suniga ah wallahu aclam
20- Khisaalka fidrada waxaa ka mida gadhka in la sii daayo shaarubaha la xiiro ma waajibaa ?
jawaab:khisalka fidriga waxa kamid ah oo uu nabiga scw uu tilmaamay garka in la sii daayo waa waajib garka in la xiirana waa xaraan maxaa yelay
waa doorin la doorinaayo aburkii allah uu kuu abuuray wana camalka sheydanka garka in la xiiro sheuydanka wuuxu yiri wan fari doonaa biniadamka kadibna waxey doorin doonan abuuriki allah subxanahu watacalaaa xiritankana uu xiirayo wuuxu isku ekeysiiyay dumarka nin an gar laheyn iyo haweyneydii lakala garan maayao nabigeynana scw wuu lacnaday raga isku shabahaya dumarka adilada nafareyso in garka in an siideyno waajibnimadeyda hadaan cadeyno nabiga scw wuxu faray in garka la siidaayo wana amar .amarkuna wuxu keysanayaa waajibnimo xadithka abuu hureyra nabiga scw wuxu ku yiri shaaribtana gaabiya garkana siidaaya kuwa majusta ah ee dabka caaabuda khilafa baa uyiri nabiga scw xadthka ibnu cumar wuxu ku yiri nabiga scw khilaafa mushrikinta garkana siidaaya shaariftana xiira garka in garka laxiiro waa dhaqan kayim dhanka gaaalda qofkiina isku ekeysiiya qoom kale wuxu kamid yahay asiga sida darteyda garka waa astaan uu allah ku qurxiyaya raga garka oo quruxda uu allah siiayy kamid ah in ey daayaana baa waajib ku ah wallahu aclam
21- Cirada in la tifo ma banaatahay markaanay badnayn reer magaalku dada waa neceb yahaye ?
jawaaab:hrorta cirada gaboowga bes kuma timaado waxey ku timaadaa hamuumta uu qofka uu xabarsanyahay
waxey ku timaada fakarka badan ama arc in rekiisa ey lahaayeyn ciro mabanana in latio cirada waxana ku so arooray xadith camir ibnu sacd canjabdah baa ku so arooray nabiga scw wuxu yiri cirada hatifina nabiga scw wuxu yiri ruux muslim ah majiro o islaanimada ku cireysta ilaa malinka qiyaamaha nuur bey unoqotaaa waa nurkii ad gaga gudbi alheyd jidka siradka waa mugdiga qiyaamo ey jira nuurkii ku iftiimin lahaa sidaa daradeyda waxba hatifin cirada mana banana in la tifi
22- Waqtiyada cadayga sunanimadiisu ay adag tahay noo sheeg?
jawaaab:cadayga ama rumaygu xalad kasta wuu haboon yahay maxa yeelay waa muuqaal iyo caraf jirkaagii isbadalka ku dhacayo wax ka badalaya waqtiga uu cadayga sii adagyahay suninamadiisa waa dhowr waqri mida koowad markuu ruuxu u weyso qadanaayo xadithka abuu hureyra wuxu leyahay umadeyda hadaan dhib ku heynin oo anan ka baqeynin in aa ku dhibo waxa fari alahaa buu yiri nabiga scw weyso kasta ey weysaqadanayaaan in ey cadeystaan baan fari lahaa ruuxu in uu saladkasta uu ukacaayo in uu cadeysto iaydana waa suna la adkeeyaywaxuuna cadayga haboon yahay kalamaka rabi amrkaad aqrineyso in ad caday so qaadato oo aad cadeyyato ayaa laga marmaan ah xadthka cali ibnu abii dhaib siduu tilmaamayo wuxu leyahay waxan nala faray cadaygaadoonku markuu salaada isu tago malag baaa uyimaada gadaashiis buu istaaga quranka isago dhageysanayo asigoo uso dhawanaya ruxuu quranka aqrinaye kazuuli maayo inuu dhageysanayo qurankii ilaa malagii uu afka afka ugaliyo ayad quranka kamid ah ma aqriyo ilaa malaga ayee afka ugalisaa ayuu yiri nabiga scw marka afaraad uu cadayga suna sii yahay waxa waye guriga amrkaad soo gasho rerkaagi iyo ehelkaagi ad utimaadomikhdad ibsu shureyb wuxu leyahay waxan weydiayay aishah rc nabi muxamed scw markuu so galo guriga muxu ku bilaabi jiray markaasey waxey tiri cadaygaileyn cadayag wuxu ugu bilabayaa amrkuu guriga so galo bananka ka timid ehelkaagi baad utimiddhaqanka nabiga scw inoo jideyayay waxa waaye amrka an galno guryaheynacadayga ayuu ino jideyaydhaqankaa nabiga scw in an qadano waa laga marmaan wallahu aclam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip