Michael Jackson walaashiis oo muslimtay talow muslinimada ma afkey moden.

0
Wednesday January 02, 2013 - 16:35:48 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 7619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Jackson walaashiis oo muslimtay talow muslinimada ma afkey moden.

    Michael Jackson walaashiis oo Muslimtey laguna aroosayo magaalada Doha ee Qadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Michael Jackson walaashiis oo Muslimtey laguna aroosayo magaalada Doha ee Qadar fanaanada caanka ah Janet Jackson ayaa diinta islaamka qadatay ayada oo dhaqankeedii iyo qaawanadii sideedii u soo watada in badan oo mantay dunada korkeeda saaran ayaa islaanimada u qaba wax afka laga yiraahdo taas oo sabab u ah dadka u nisba shegta islaanimada oo aan aqoon u lahayn diintooda kuna dhaqmin diintooda dadkaas oo badankoodu salaadaha tukan ayna suuragal tahay in ay sameyan dhaqamada galada sida cabida khamriga iwm. hadaba bal aan warkaan yara ku dul istaagno uu soo diyarshay mawliid xaji cabdi.


 

Fanaanada caanka ah Janet Jackson oo ay walaalo ahaayeen fanaankii geeriyoodey ee Michael Jackson ayaa lagu wadaa in Gu’ga soo socda ee sanadkan 2013 ay kula aqal gasho magaalada Doha ee wadanka Qadar ganacsade Wissam Al Mana oo ah nin billionaire ah oo Qadar u dhashay kaasi oo ay baacsanaysay mudo laba sano ah.

Sida uu qorey wargeyska Us Weekly ee ka soo baxa wadanka Mareykanka waxaa lagu wadaa in xaflada arooska ay ka soo qayb galaan ehelada iyo saaxiibada Janet Jackson iyadoo Wissam oo 37 sano jir ah kana yar 9 sano haweenayda uu guursanayo uu ku daabuli doono dadka ka socda Janet ee arooska ka qayb galaya diyaarad khaas ah oo ka qaadi doonta wadanka Mareykanka gaynna doonta magaalada Doha ee dalka Qadar.

Guurka Janet Jackson & Wissam Al Mana ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Fanaanada ay Janet Jackson, sida uu qorey wargeyska Us weekly, waxaa kale oo arintan xaqiijiyey qoraaga weyn ee caanka ah ee dalka Turkiga u dhashay ee lagu magacaabo Adnan Oktar oo sidoo kale loo yaqaan Harun Yahya, isagoo sheegay in Janet Jackson ay Muslimtey iyada iyo waliba Michael Jackson -kii geeriyoodey.

Bishii November ee sanadkii 2008-dii wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalada London wuxuu qoray in Michael Jackson uu muslimay, iyadoo xaflad gaar ah oo ay ka soo qayb galeen saaxibadiis uu ku qaatey diinta Islaamka, iyadoo arintaasi uu qayb weyn ka qaatey walaalkiis oo lagu magacaabo Jermaine balse markii uu Islaamay la baxay magaca Mohammad Abdul Aziz kaasi oo sheegay in mar uu booqdey wadanka Sacuudiga si uu u soo guto waajibaadka Xajka in uu u keenay walaalkiis kutub lagu turjumay luuqada Ingiriiska oo ka hadlaya wanaaga iyo qiimaha diinta Islaamka, iyadoo la sheegay in Michael Jackson uu aad uga helay kutubtaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in Michael Jackson dilkiisa ay ku lug laheyd qaadasha diinta Islaamka, iyadoo laga cabsadey in saameyntiisa xoogan ee uu ku leeyahay dunida gaar ahaan malaayiinta taageerayaashiisa ahaa ay iyaguna ku biiraan diinta Islaamka, taasi oo tuhunku ka dhashay markii la cadeeyey in dhakhtarkiisii gaarka ahaa uu ku lug yeeshay dilkiisa isagoo haatan maxkamad uga socoto wadanka Mareykanka.

Janet & Wissam waxay isku guursan doonaan xaflad ku saleysan dhaqanka Muslimiinta , sida uu xaqiijiyey qof ku dhaw caruuska iyo caruusada.

Xaflada arooskan waxaa ku bixi doonta 20 milyan oo doolar, iyadoo 3 milyan oo kaliya ay ku bixi doonto duulimaadka 500 qof oo ah marti sharafta arooska ka qay galaysa oo dunida dacaladeeda ka kala imaanaya.

Caruus Wissam waxaa la xaqiijiyey in qof kasta oo arooska ka soo qayb galaya uu hadiyad iyo mahad celinta ka soo qayb galka arooska uu u siin doono saacad nooca Rolex ah oo qiimaheedu joogo 150 kun oo doolar.

Janet oo 46 sano jir ah waxay baacsanaysay Wissam Al Mana mudo laba sano ka badan, hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ujeedada uu uga biyo diidsanaa in uu guursado ay ugu weynyd isagoo ku xiray shuruuda ah inay Islaam noqoto, arintaasi oo haatan la sheegayo inay dhabowday.

Wissam Al Mana waa maalqabeen ganacsi kala duwan oo ay ka mid yihiin dukaamada waa weyn & warbaahinta iska leh, waana agaasime guud ka yahay shirkada Al Mana Retail oo ah shirkad wakiil uga ah wadanka Qadar dukaamnka caank aah ee Armani Exchange, sidoo kale wuxuu saami ku leeyahay dukaamada waa weyne e caanka ah ee Saks Fifth Avenue ee dalka Mareykanka xaruntoodu tahay, hase yeeshee dunida daafaheeda ku leh xarumo.
”.



Isku Soo Duub warkaan oo uu isku soo duba riday mawliid xaji oo ka tirsan sbc ayaa ah kuwo la yaab leh marka la arko sawiradaan iyo gabdhaan laleyahay waa ay soo islaantay,


talow maxaa lagu kala garanayaa ayaga iyo gaalada dadkaan is guursaday, maxayse ku kala duwan yihiin gaalada iyo kuwaan, soose la yaab malahn hantida intaan le eg ee la bur burinayo,

dhanka kale waxaa isi soo taraya oo soo xoogaystay wararkii cadaynayay in maykal jakson ay dileen qoloda masuuniyada ee dakhdiidiya kala badalka madaxweynayaasha ayaga oo qaybo badan oo madaxda calamka kamid ah ka haya siro ay ku fadexyn karaan qolodaas oo uu madax k ayahay ibliiska aabaha u ah shayaadinta oo dhan qolodaas qolodaas oo calaamadoodu tahay hal il ama calaamada dijaal al cawar saldhigooduna yahay holy woodka usa qayb ku taal dhulka hoostiisa halkaas oo lageyo ninki raba in uu noqdo caan sida fanaan ama madaxweyne.


waxaa la sheegaa dadka halkaas taga in ay dhulka hostisa markii ay tagaan is qaawiyaan oo ugu guur guurtaan shaydaan halkaas fadhiya .


shirakadaha clamaga ah qaybahood ayaad ku arkaysaa calaamada isha kaliya ah xataa waxaad ka dhehan kartaa oo aad ku arki kartaa lacagta doolarka ah.


si kasta ha noqotee rasulkeena csw ayaa no sheegay in akhiru sabanku fitanku badna doono qof kasta oo islaam ah waxaa waji ku ah dhawrsanidiisa iyo alle ku xirnaanshihiisa.

Allaha waxaan ka baryaynaa in umada islaamka ah uu u soo cesho dhaqankoodii una soo jeediyo barashada diintooda aamiin aamin qof walboow is ilaali una soo duceey islamka amin


somalisalmic



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip