Geeridii Rasuulka (SCW)

0
Thursday December 20, 2012 - 20:12:54 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 7460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeridii Rasuulka (SCW)

    Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Sayid-Bilaalayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka gurigaNebiga,wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi),Faadumaayaa tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaaSayid-Bilaalsoo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqiiBilaalwaxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo galBilaal",waana soo galayBilaalisagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri:Bilaalowjiradii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadkaAbuubakar Sadiiq.

Bilaalwaa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah. Masjidkii ayuu galay, wuxuunaAbuubakarku yiri "Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso"Abuubakarmarkii uu arkaymixraabkiiuu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlayNebigu NNKHwuxuuna weydiiyay gabadhiisaFaadumowuxuuna yiri "Faadumoywaa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiriFaadumo"Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen".

Rasuulku wuxuu u yeeraySayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas,weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa(ka tagayaa)adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".

Intaa kaddib Nebiga NNKH waxaa la geeyey gurigiisa,Illahayayaa u waxyoodayMalakul-mowtwuxuuna yiri:"Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".

Malakul-mowtwuxuu u tagay NabigeenaMuxammad NNKHisagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri:"Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!

Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?".Faaduma waxay tiri: " Maya" rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri:" malakul'mowdow soo gal" wuuna soo galay malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu yiri "wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?".

Malakul-mowt wuxuu yiri: "waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa!Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:"waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: "miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan ogahay rasuulkii Illaahayow".Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)".

Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay". Rasuulku wuxuu yiri: "iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?".Malakul-jibriil wuxuu yiri: "waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan".Rasuulkuna wuxuu yiri: "hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii".



Rasuulku wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: "maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka", wuxuu kaloo yiri: "malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?". Malakul-jibriil wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa:Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.


Rasuulkii Illaahay waa geeriyoodaymaalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid.Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:


Rasuulka waxaa mayraySayid Cali,waxaa ku shushubayey biyahafadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd,waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee qolkaCaa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha NNKH.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip