Qisatun wa cibar

0
Friday October 11, 2013 - 12:07:18 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3151
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Qisatun wa cibar

    ماخلا رجل بامرأة إلا كان الشيطانُ ثالثَـهما ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ماخلا رجل بامرأة إلا كان الشيطانُ ثالثَـهما ..
waxuu ahaa mid ka mid ah raggi Alle ka cabsiga badnaa ee reeer banii israail , waxuu ka zaahiday aduunyada iyo waxiii yaalo ,, waxuu ahaa mid Alle ka cabsi badan salaad badan habeenkii dhan u taagan salaad iyo adkaar..
Maagalada uu ku noola waxaa dagna 3 wiil walaalo ah iyo gabar walaashood ah oo agoon ah.. wiilashii waxee damceen inee u safraan magaalo kale si arimahoda u so dhamestan ,, Waxee ku fakireen gabadha walaashood ciddi ugu tagi lahaayeen oo ku aami lahayeen , waxee ka baqayeen hadii ugu tagan asxabtod in meshas shydan imado oo faaxisho iyo zino ka dhacdo meshas intee ka maqanyihin ,,
waxee go'ansadeen inee Raahibka cibadada badna utagan madama wuu aha nin alle ka cabsi badan isaga ayee u sheegteen in gabadha walaashood cid aan isaga eheen ku aami karin .. waxuu ku dhahay Acuudu Billah ma gabar ajnabi iga ah ba ii keeneesan si aan u ilaaliyo wuuna ka diiday ,, maya maya ,, sidee u baryayeen ayee ku dheheen isma arkeysaan gabadha kaliya meesha aad dagantahay qol ka sii u gooni ah oo u dhaw meesha dagantahay halkaas aye jogeysaa , marki danbe wuu yeelay ... wiilashi wey safreen ,
Caabidka waxuu sameen jiray subax walba cuntada intuu soo kariyo inuu gabadha irida u dhigo wuuna ka tagi jiray oo qolkiisa ayu iska aadi jiray meeshas uuna cibaadadiis ka si wadan jiray, muddo dheeer ayuu sidaas ahaa subax walba cuntada intu u keeno irida u dhigo ayuu ka dhaqaqi jiray isago il saarin gabadha ,, markii danbe waxa u yimid shydan (iblis) isago iska so dhigay qof u nasteexeenayo, waxuuna ku dhahay gabdhan wa amaano lagaga tagay adne cuntada irida aya u dhigtaa kawaran markee irid furto oo soo baxdo Ragga bananka taagan so ma arkaayaan mar walba . kawaran hadii cuntada mesha bananka uga dhigi leheed hadii gudaha la gashid ado firinen miiska u saartid.. caabidkii wuu ogolaaday taladaas oo subaxdii danbe waxuu bilabay inu cuntada guriga la so galo oo isago gabadha firineen miska u saro oona iska baxo , muddo ayu saas ku waday,,
intaas ugama harin shaydankii , waxuu bilaabay hadane inuu iska dhigo nin u nasteexeenayo, isago ku dhahay ''Miskiinad waa ka xumahay gabadha dad lama joogaan wey ku cidlootay meesha walaalaheed u sheeken jiry hadda cidlo ayee jogtaa kaligeed ,, kawaran hadii cuntada marka u gaysid hadii xoogaha intee cuntada ka cuneyso u sheekeesid ado meel fog ka jooga'' caabidkii fikrad wanaagsan ayee ugu muuqatay wuuna ogolaaday waxuu bilaabay inuu cuntada marku u keeno xoogaha u sheekeeyo qisooyin uga shekeyo iyo noloshiis.. waxuuna saas ku waday muddo dheer oo mar walba uu cunto u keeno ayuu sheekoyin uga shekenjiray iyadane sido kale wey u sheekeen jiray waxaa ku battay kaftanki iyo qosol نـظـرة فابتسامة فسلام ............ فـكـلام فـمـوعد فـلـقـاء,, ibliisne meeshaas ayuu ka bilabay inuu wiswaasiyo oo isku qurxiyo, oo qalbigood ku tuuro jecel,, caabidkii waxuu bilabay inuu u soo dhawaado gabadhi kadib ka Zineysto walciyaadu Billah ,ماخلا رجل بامرأة إلا كان الشيطانُ ثالثَـهما " Nin kuma kaliyoobo Gbar illa sheydan ba sadaxeeyo..Bilooyin markii ka soo wareegtay gabadhii caabidka la dhahay ilaali uur ayee qaatay markii danbe wey dhashay..
Ayaamo kadib caabidkii waxuu maqlay in gabadhii walaalaheed safarkii ka soo laaban rabaan , wuu ka welwelay waxuu sameeyo ayuu aqoon waayay ,, waxaa u yimid hadane shaydaan isago is dhigayo inuu u nastexeynaayo , waxuuna ku dhahay'' Haddi walaalaheed arkaan gabdhii ee kaga tageen in aad ka zineesatay wey ku dilaayaan mana ka badbaadeysid,, ee waxaa sameysaa inteesan imaanin ka taqalus gabadha macal cunugeed meel cidlo ah oo la arkeenin ku duug'' talo kale kuma haayo.. caabidkii wuu fakaray waxuuna u arkay inee fikrad wanaagsan tahay taas , sidii ayuuna yeelay oo wuu dilay ,,
Waxaa safarkii ka so labtay wiilashii 3 ahaa , caabidkii ayee u yimaaden waxeena ka wareesteen xaladiisa iyo walaashood,, caabidkii ayaa ku dhahay waa ka xumahay intaa maqneed aad ayee u xanuunsatay walaashiin , anne waa u dadaalay , xanuunkii ayaa ku battay weyna geeriyootay waana soo aasay,, wiilasha meeshi ayee ooyin ka bilaabeen weyna aamineen caabidka maadama ee ku kalsoonaayeen waxee ku heshiiyeen inee sabraan walaashoodna u duceeyaan..
Ayaamo kadib 3dii wiil waxaa riyo ugu yimid shaydankii waxuuna ku dhahay caabidka been ayuu idin sheegay waalaashiina waa isaga dilay waxuuna ku aasay meel halkaas ah ,, subaxdii markii so kaceen ayee is wareesteen waxeena go an ku gaareen inee soo fiiriyan meesha ee riyada ku arkeen ee walaashood ku aasneed.. godkii markee qodeen ayee arkeen in walaashood xanuun u dhimanin ee la dilay .. iyakoo xanaaqsan ayee aadeen caabidkii weyna garaaceen oo waxee u keeneen Qaaliga meesha xukumay,, waxaa go'an lagu gaaray in la dilo caabidka .. intaas kuma uusan harin ibliis,, maalinkii la toogan rabay caabidka ayuu u imaaday isago surad nin shiekh cml ah ,, waxuuna ku dhahay ma i garaneysaa qofkan ahay?'' caabidkii aya dhahay maya kuma tahay? waxuu ugu jawaabay waxaan ahay ninkii dhibkaan dhan ku gaarsiiyaay ilaa meeshan lagaa keeno oo lagu toogan rabo , waxaana meeshan ka badbaadin karo aniga ,,
caabidkii ayaa dhahay isago murugeysan hal mar iga badbaadi meeshan waxaad rabtid waa ku siinaa,, iblis ayaa ku dhahay hadaba waad inaad ii sujuuddaa bes kadib waad badbaadeysaa,, '' كَمَثَلِ الشَّيْطَانِ إِذْ قَالَ لِلْإِنسَانِ اكْفُرْ فَلَمَّا كَفَرَ قَالَ إِنِّي بَرِيءٌ مِّنكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّـهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ''
Waxay la midyihiin Shaydaan waa ka dadka gaalow ku dhaha, markay gaaloobaanna ku yidhaah bari baan kaa ahay (waxba isuguma keen jiraan) oo sheega inuu Ilaahay ka yaabi.'''
Caabidkii meeshii ayuu sujuud la dhacay , ibliisne wuu ka cararay oo meeshi ayaa lagu dilay caabidkii isago gaaloobay oo u sujuuday shaydaan walciyaadu billah ...
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ وَمَن يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ ۚ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّـهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ مَا زَكَىٰ مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ أَبَدًا وَلَـٰكِنَّ اللَّـهَ يُزَكِّي مَن يَشَاءُ ۗ وَاللَّـهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ'''''''
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og...


Waxaa iga dardaaran ah Nafteyda iyo tiinaba In aan iska ilaalino oo aanan yareysanin Tilaaboyinka shaydanka ,, Ogow caabidka bilowdi markuu u imaanayay waxuu ku dhahay ado la hadleenin gabdha cuntada guriga u dhiga kana tag,, siduu u soo waday waxuu ku soo dhameyay inuu dhaho ii sujuud waad badbaadee , meeshi ayuuna caabidkii ku qasaaray,,,
2. Wiil lama kaliyoobo Gabar ajnabi ka ah Illa shaydaan ayaa sadaxeeyo ''ماخلا رجل بامرأة إلا كان الشيطانُ ثالثَـهما ..
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip