Xaqiiqadii kharaareed

0
Friday October 04, 2013 - 16:40:31 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2823
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqadii kharaareed

    إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق Haweeneey Ayaa Oday Lahayd, 5 sano ayuu qabay, Waxaa La dhihi Jiray magaceeda Daaril , wax Ilmo ah umeysan dhalin , Waxee ku fikireysay Malinka ay noqon doonto Hooyo ee Ilmo yeelan doonto , Illahay ayee Baryi Jirtay Subxanahu watacalaa Inuu walad saalix ah Siiyo..In Badan ayee duceysan jirtay oo oran jirtay Illahayow Walad salix ah i sii. aad bee u ooyn jirtay waxee ku fikiri Jirtay Maalinta ee hooyo Noqon doonto Ilmo yar arki doonto.. Haweeyneydii waxee iska aragtay Isbedel ''Caadadi ba ka joogsatay'', Iyado madax xanuun leh is aragtay'' Dr ayee tagtay wey is baartay, Odaygi ayaa raacay,, Waxuu Drkii U sheegay Inee Uur leedahay.. aad bee u faraxday, 5 sano ayee sugeysay inee wlaad dhasho. Dadkeydi bee iskugu sheegtay farxad , waa la iskugu yimid farxad .. Wiilkii ey sugeysay ayaa Yimid oo dhashay waxeyna u bixisay Muxammed , dhalmada ee dhashay wiilka ayee dhibaato caafimad kala kulantay ,, waxee odayga ka codsatay inuu u qabto Khidaamah ama shaqaalo u shaqeyo maadama ee tabar yaraatay ,, Waxaa loo qabtay shaqaalo islaan duq ah, oo guryaha u shaqeysa , markii todobaad u shaqeynesay ayee waxee dhahday Islaan da' ah ayaan ahay Lakin inan yar aya guriga i joogtaa oo aan dhalay inantaas baan kuu keynaa oo idin shaqeyneeso ee ii ogolow ayee tiri ,, wey ka aqbashay,, gabadhi yareed shaqaalaha ayaa bilowday shaqadi, muddo labo asbuuc kadib gabadhi shaqalaha eheed waxe bilowday inee is soo qurxiso guriga markee imaaneyso labis qurxon soo xirato ,, Mamadi xanuunsaneed ayaa dhibsatay arinkaas ( waxee u baqday Ninkeed) waxeena ku dhahday gabadhi shaqalaha eheed, ha is soo qurxin markad imaneysid guriga , markii danbe weyba dhibsatay oo waxee jecleysatay inee Buriso gabdha , Lakin odygeedi ba ka diiday oo dhahay iska dhaaf ha noo shaqeysee, intaad ka caafimadesid,,,

Muddo 37 maalmood markee sii mareyso aya waxaa dhacday In Daaril Dhiigii Nifaaska Ayee Xumad ka qaatay oo ku xanuunsatay, Odaygeedi waxuu ahaa mid subax walba xaaladeeda ka wareesto intu shaqada aadin sidee daremeso iyo cafimaadkeeda..
Waxaa dhacday subaxdi danbe Inu Isago la hadlin iska baxay o shqada iska aaday, marka caadi uma eheen inuu baxo isago macasalaameen xaaskiisa oona ka wareysanin caafimaadkeeda, Daaril wey shakisay subaxaas '' maxaa dhacay tolow, Maxuu ii soo mari wayay?'' ayee is weydiisay, wey shakiday,, Gabadhii shaqalaha u eheed ayee u dhawaaqday, gabadhi meesan u imanin,, wey soo kacday waxee bilowday inee qolalka ka raadiso gabadhi shaqalaha eheed wey ka weyday , Waxeey aaday qolkii Odayga seexan jiray, waxena ku aragtay gabadhi shaqalaha oo jiifta oo dharkii Hurdada qabta Sariirti odayga jiifta ,,,,
Wey isku naxday , waxeey bilowday inee ku qeyliso gabadhi shaqalaha aheed,, '' Naa maxaa sameyneysaa ka kac sarirta, Ma waxaad seexaneysa Gurigayga? guriga Odayga miya seexaneysaa, oo dharkeygi baad xiraneysaa?''... gabadhi shaqalaha eheed ayaa waxey ku tiri'' Hadalkaaga u fiirso,, Ha igu danbaabin!!GURIGAAN ANIGA LEH MA OGID? Odayga aad sheegiisid waa Ninkeyga waxaana is qabna in Todobaad Laga Jooga!!'''...
Meeshi Dagaal aya ka bilowday iyo in la is feero, oo la is xagto.. Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay Kadib gabadhi shaqalaha aheed aya ka so baxday qolka , oo maxamed wiilkii yara daaril dhashay gacanta ku heysato, xoogaha kadib waxaa shaqada ka so labtay Odaygi Abu maxamed,, waxuu ka waayay Daaril Qolkeedi, Waxuu weydiiyay gabdhi shaqalaha eheed Daaril aaway, waxee ku tiri ma Ogi kor ka so firi .. Sidu u raadinayay waxuu arkay Daaril oo dhulka taalo oo Mayd ah Calooshane Birta Albaabka ka mudday dhiig badan ka socda, Qeylo ayuu bilabay iyo inuu u yeero shaqaalahi, gabdhi shaqaha iyado iska dhigeyso inee wax la socon ayee iska dhahday ala maxaa ku dhacay ?.. Waxaa ku dhahay kor ha fuulin lakin wey iga diiday.. Odaygi iscaaf (umblance) u yeeray kadib Daaril isbitaal aya la geeyay, Dr ki ayaa ku dhahay Odayga Daaril wey dhimatay Laakinsual ayaan ku weydiina? Cid la jogtay ma jirtaa marke Kor aadeysay?,, Odayga Maya ayu dhahay, Dr ki aya dhahay marka waa Qadar Alle ee sabra Daaril wey dhimatay..
Reerkii Daaril ka dhalatay Ayaa maqlay inee gabadhoodi dhimatay.. Daaril hooyadeed iyo walaalkeed ayaa u yimid Odaygeedi si ey ugu tacsiyeeyaan oona Uga qaataan Wiilkii yaraa ee Maxamed, Markey Guriga imaadeen ayee waxee arkeen gabadhi shaqalaha aheed ee la dhihi jiray (Jamaalaat), Ninkii ayee weydiiyeen gabadhaane waa ayo? , markaas ayuu ku dhahay waa Xaaskeyga labaad , Daariil oo nool ayaan guursaday... Daaril Hooyadeed waa ee shakiday markaas ayee Ninka weydiisay , Gabadheyda Daaril Sidee ku dhimatay? markee Dhimaneysayne gabadhaan ma jogtay? waa ka shakiyee.. Markaas ayuu dhahay Maya Jamalaat markaas meesan joogin , gabadhada kaligeed ayee qolka kor joogtay.. Daaril Hooyadeed waxee dhahday , Abu maxamedow i dhageyso'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Abu maxamed uma aabo yeelin arintaas , waxuu ku dhahay Hooyo Qof walba Nasiibkiis ayuu qaadanaa, waxee ku dheceen wa qadar Alle gabadhaada cidne ma dilin.. Wey iska tageen Daaril hooyadeed iyo walalkeed , waxeena horey u sii watten Wiilkeed yaraa Maxamed..
Guriga waxaa ku so Haray Odaygi Abu maxamed aha Iyo Haweenydii shaqalaha aheed Jamaalat ee uu guursaday.. Jamalaat Waxee Gashay Nolol Fiican Faqiirnimadi wey ka reysatay Xaalkeedi wuu wanaagsanaaday,, Sanadooyin wanaagsan ayaa soo maray,, Caruur bey u dhashay Abu maxamed, 8 Wiil iyo 3 gabdhood ayee u dhashay,, Maalin walba Qurux ba u ziyaadeysay iyo farxad.. LAKIN DANBIGU MA YARA,, '' Illahay Adoonkiisa waa u kaadiya , markuu qabtana Kama siibto''.. Iyadoo nimcadaan ku nool ayee Odaygeedi ku tiri waxa dooneynaa Inaa so Dalxiisno, Magaalo kale nagee aan soo dalxiisno,, Wuu ka ogolaaday , Baabuur ayuu ku qaaday, Iyada iyo caruurteeda oo dhan 11kiiba... Baabuurkii Siduu u socday ayuu la gudoomay Gibigood,, Waxaana Ka badbaaday Iyada iyo Wiilkeedi weyna ee Curadka aha bes, Intii kale wey ku dhinteeeen.
Isbitaal aya loo qaaday labadooda, Iyadi Lafta Dhabarka ayaa Jabtay,, Wiilkiina dhaawac yar ayaa gaaray,, Markii ay so Miyirsatay ayee Ogaatay in Caruurteeda dhan dhinteen oo 1 wiil kaliya u haray tobankii kale ka dhinteen... Muddo 3 sano ayee Dhaqtarka ku jirtay, Noloshii ayaa Ku cuslaatay. Waxa lagu wadaa Kursi, maadaama ee socon karin oo dhabarka ka jabtay.. Wiilkeedi ayee ku dhahday Kaalay iga kaxee Dhaqtarka oo guriga i gey,, isagane Intuu waddada soo socday Ayaa Gaarigii la Rogmaday , oo meeshaas ayuu ku dhintay... Wax u yimaado wey weyday ,waa Kaligeed, Ciriiri ayee dareentay Awlaadeedi dhamaan wey dhinteen. Lakin Lacag ayee leedahay madama ee eheed Abu maxamed xaaskiisa lacag badan meel u talay,, Dr kii ayaa waxee raadiyeen reerkeedi madama Cidlo ku noqotay meesha awlaadiina wada dhinteen.. Aaabaheed iyo walaalkeed ba yimid, Si ee u qaataan,, Waxaa Kalo yimid Muxamed ( waa Daaril Wiilkeedi oo Odayga dhalay) iyo Ayeeydiis (daariil hooyadeed),, Si Maxmed Dhaxalkii Aaabihii Wax uga qaato... Gabdhii (jamaalaat) Markee aragtay Daaril hooyadeed , ayee xasuusatay Danbigii ee sanadaaad ka hor gashay,.. waxee ku tiri'' Habayar mad xasuusaneysaa Hadalkii hadda ka hor igu tiri?'' إذا كانت الحقيقة اختفت عن المخلوق فلن تختفي عن الخالق '' ''Xaqiiqada Hadey ka qarsoonaatay Makhluuqa ,Ilaaha Khaaliqa ah ka qarsoonaanmeyso''',,, Haa ayee tiri Daaril Hoyaded waan xasuustaa.. Jamalat aya tiri'' I saamax habayar, Gabadhaadi Daaril anaa dilay i saamax habayar, Illahy wa kan ii qabtay,, Caruurtaydi dhan ayaa waayay caafimaadkeygi ayaan waayay , Noloshaan qaraar baan ku noolahay ee habayar i saamax'''.. Islaantii Wey oyday waxeena ku tiri'' Illaahay Nolol Xun ha kugu Nooleysiiyo, Aakhirana Ha kugu cadaabo,'' Iyadoo careesan oo oyneesa ayee iska tagtay...
Jamaalaat Reerkoodi ayaa Isbitaalkii ka so waday iyakee la jogtay , Aaabaheed ba dhintay,, walaalkeed ayaa u haray, Lacagtii yareed ee soo Dhaxashay Isagaa ka qaatay,, Khamri ayuu ku cabay, Wuu ku Zineeystay isagane aakhirkiisi si Xun Buu udhintay... jaarka ayaa lacag u soo aruurin jiray sadaqado la siin Jiray.. Kaligeeed ayee ku nooleed nolol yar oo ciriiri ah.. Cidlo ayeee Ku dhimatay ,, waxaa lagu gartay dhimashadeedi, meydkeedi ayaa meesha ku qurmay Markaaseey Jaarka uruyeen Maydka , meeshaas ayeena ka ogaadeen Inee dhimatay...
Danbiguna waa Sidaas,, Illahay Rabbi Subxaanahu watacaalaa Wuu kuu Gaadina Lakin Maalinka uu ku qabto Rabbi Kuu naxariisanmaayo waad iska noolaan xoogaha Lakin maalinka uu ku qabto Rabbi Subxanahu watacala ka fakan kari meysid.. ee Towbadda u soo carar ,, Danbi hadaad horey u gashay Rabbi waa qafuur raxiim , u toobaad keen isagaa Towbadda aqbalo ..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip