Ramadaan Mubaarak ikhwaana fillaah

0
Tuesday July 09, 2013 - 00:19:56 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ramadaan Mubaarak ikhwaana fillaah

    Ramadan Mubaraah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramadan Mubaraah!

Ramadaan Mubarak Dhamaan Walaalahayga aan Ilaahay Dartiisa u Jeclahay ee reer Altaqwa. Martida Bisha Barakaysan Alle kuwii ka faaiideysta ha inaga dhiga. Dhamaan halays cafiyo Walaalayaal qofkii qof waxyar oo xumaan ah qalbiga ugu haya ha iska cafiyo walaalkiisa.Sow ma jeclid in Allah adi ku jeclado kuna cafiyo? Haa haday jawabtadu tahay, iska cafi Alle adoomadiisa.

Walaal bishani waa bil barakaysan,Khayrka inaa isu kaashano oo is bararujino waa xil iyo waajib saaran qof kasta oo muslim ah. Qof walbow khayrka jecloow, ka soo har asxaabta xun, iska bedel magaca aan wanagsanayn, hees hada dhegeysan jirtey ku bedel quraan, aan toosno inteena ka gaabisay adeecida rabigeena.Walaal bishan waa bishii quraanka. Waa bishii sadaqada, waa bishii qaraaba xiriiriska. Hadaba Baraarug walaal waa bishii baraarugee.

Qof kasta oo macsida ku fogaadayow soo laabo ( Alle waa toobad aqbale). Midkii bakhaylka ahaayoow gacanta fur oo ka faaiidayso bishan waxna ka bixi wixii Allah swt kuugu deeqay. Waa bishii lagu tartami jirey khayrka, waa bishii loo kala dheerayn jirey cibaadada iyo sadaqada. Ogow walaal bishaan ruuxan loogu denbi dhaafin inuu yahay mid khasaaray.

Nebiga csw wuxuu yiri «Qofkii qof sooman afuriya wuxuu leeyahay ajarkiisa qofkii soomana oo kale, ayadoona laga nusqaamin kii soomana ajarkiisa» bal is weydii xadiithkaas maxaan ka dhadhansanaynaa! Inaan helayno labo ajar hada afurino ruux sooman!. Ma jeceshahay jaanis kaas oo kale haduu kusoo maro inaa dayacdo? Waa maya jawabtu! Hadaba walaalayaal yuuna ina dhaafin ajarkaasi ee aan afurino walaaleheena somaliyeed ee dayacan aan haysan cuno,biyo iyo meel ay seexdan midna. Bal walaal maalinta kuugu horeysa ramadaan fiiri inta cuno kala duwan ee aad miiska soo dhigatay? Markaasna xasuuso walaalahaaga somaliyeed ee aad tvga ka aragtay! Miyaanay damiir daro ahayn in aynu inagu sida noocya kala duwan u cuno. Ruuxna uu waayo biyo ama xabad timir ah oo uu afka geliyo! Xaladaa dareenkeeda adaan ku daayey akhristow!

Walaal hadaba guntiga dhiisha ka dhig, oo ku qaabil martidan qalbi nadiif ah, cibaado badan, quran akhris badan, salaad, sadaqo badan,u ducee walaalahaaga muslimiinta ah,badi fadhiga majaalista khayrka ah,la saaxiib walaalaha khayrka jecel, kula subci quraanka walaalahaga, caruurtaada, ninkaaga,hooyada, aabaha, gabdhaha deriska.

Dardaaran yar oo ku socda Gabdhaha walaalahay muslimaatka ah! Gabadhyahay muslimada ah bishan ma bishii jikada mise bishii quraanka? Walaashay waxaan kula jeclahaystay inaan kula wadaago qodobo yar oo muhiim inoo ah hadan dumar nahay.Muhiim! Muhiim! Muhiim! Jadwal samayso oo habayso wakhtigaaga! Adoontii Allaay Bishani waa bishii quraanka,sadaqada,is cafinta, is jeclaanta,is quudinta, deris ka war haynta, qaraaba xiriiriska ee maaha bishii jikada. Ka digtoonow inaad saacado badan jikada tagnaatid. Ka digtoonow oo jooji inaad naclado ama caydo carurtada, seygaaga, deriskaaga ama walaalaha muslimiinta ah. Ka digtoonow oo iska daa telefoonka iyo heblaayo waxay tiri! Khayr iyo barako maleh telefon hadalkiisu batay oo aad in badan ku hadasho! Meesha telefoonka ku bedel quraan akhris iyo dhegeysi.

Dardaarankeenu waa ka faa,iideysiga bisha ramadaan iyo inaan isku soo ducayno khaas ahaan walaalaheena muslimiinta ah aan u ducayno!

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip