Tafsiirka Qur'aanka Kariimka-Suuratul-Cankabuut-15-23 Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

0
Monday April 29, 2013 - 06:05:26 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka-Suuratul-Cankabuut-15-23 Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku turjuman -Suuratul-Cankabuut-15-23 Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku turjuman -Suuratul-Cankabuut-15-23 Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

Waana badbaadinay (Nabi nuux) iyo Asxaabtii Doonta, waxaana ka yeelnay Aayad (wax uu ku waantoomo) Caalamka.

فَأَنجَيْنَاهُ وَأَصْحَابَ السَّفِينَةِ وَجَعَلْنَاهَا آيَةً لِّلْعَالَمِينَ﴿١٥

Ibraahiimna (waan dirnay) waqti uu ku yiri Qoomkiisa Caabuda Allaah Kana cabsada Taasaana idiin Kheer badan hadaad wax ogtihiin.

وَإِبْرَاهِيمَ إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ اعْبُدُوا اللَّـهَ وَاتَّقُوهُۖذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ﴿١٦

Waxaad uun Caabudaysaan Allaah ka sokow Sanamyo waxaadna abuuraysaan been abuur, kuwa aad cubudaysaan Allaah ka sokow idiinma hanan karaan Irsaaqad ee ka dalbada Allaah agtiisa Risiqa Caabudana kuna shukriya Xagiisaana la idiin celinayaa.

إِنَّمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّـهِ أَوْثَانًا وَتَخْلُقُونَ إِفْكًاۚإِنَّ الَّذِينَ تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّـهِ لَا يَمْلِكُونَ لَكُمْ رِزْقًا فَابْتَغُوا عِندَ اللَّـهِ الرِّزْقَ وَاعْبُدُوهُ وَاشْكُرُوا لَهُۖإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ﴿١٧



Hadii aad beenisaan waxaa beeniyay umado idinka horeeyay, Rasuulka korgiisana ma ahaanin Gaarsiin Cad mooyee.

وَإِن تُكَذِّبُوا فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌ مِّن قَبْلِكُمْۖوَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ﴿١٨

Miyaysan arkeenin dadka siduu Allaah u bilaabay Qalqiga katibna uu usoo celinayo Arinkaas Allaah korkiisa way ku fududahay

أَوَلَمْ يَرَوْا كَيْفَ يُبْدِئُ اللَّـهُ الْخَلْقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۚإِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّـهِ يَسِيرٌ﴿١٩


Dheh ku socda Dhulka ee fiiriya siduu u bilaabay Abuurka, katibna Allaah usoo amaamudayo mar kale Eebana wax kasta wuu awoodaa.

قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَۚثُمَّ اللَّـهُ يُنشِئُ النَّشْأَةَ الْآخِرَةَۚإِنَّ اللَّـهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ﴿٢٠

Wuu Cadaabaa Cidduu doono wuuna u Naxariistaa cidduu doono xagiisaana la idiin gedinayaa

يُعَذِّبُ مَن يَشَاءُ وَيَرْحَمُ مَن يَشَاءُۖوَإِلَيْهِ تُقْلَبُونَ﴿٢١


Mana tihiin kuwa ku cajis kalin kara Allaah Dhulka iyo -

Samadaba Mana idiin sugnaanin Allaah ka sokow wali iyo Gargaare

وَمَا أَنتُم بِمُعْجِزِينَ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِۖوَمَا لَكُم مِّن دُونِ اللَّـهِ مِن وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ﴿٢٢

Kuwii ka gaaloobay Aayaadka Rabi iyo la kulankiisa kuwaasi waxay ka Quusteen Naxariistayda waxaana u sugnaaday kuwaasi Cadaab Xanuun badan.

وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللَّـهِ وَلِقَائِهِ أُولَـٰئِكَ يَئِسُوا مِن رَّحْمَتِي وَأُولَـٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ﴿٢٣





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip