tafsiirka Quraanka- Cankabuut 7-14, Li Sh Xasan Ibraahim Ciise

0
Sunday April 28, 2013 - 21:36:38 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    tafsiirka Quraanka- Cankabuut 7-14, Li Sh Xasan Ibraahim Ciise

    Waa Tafsiirki Xalay Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Tafsiirki Xalay Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman.

Kuwa (Xaqa) Rumeeyey Camal wanaagsana Sameeyay Waxaan u dhaafeenaa xumaandooda, waxaana ku abaal marinaynaa kii u fiicnaa waxay camal sameeyeen.

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَحْسَنَ الَّذِي كَانُوا يَعْمَلُونَ﴿٧

Waxaan u dardaaranay Dadka labadiisii waalid in ay u samo falaan, hadii ay kugula dadaalaan in aad ii shariik yeeshid wax aadan cilmi u lahayn ha ku adeecin, xagayga uun ayaad usoo noqonaysiin waxaana la idiin waramayaa waxaad sameen jirteen.

وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حُسْنًاۖوَإِن جَاهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَاۚإِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ﴿٨

Kuwiise Rumeeyay Camal wanaagsana sameeyay waxaan dhex gelinaynaa kuwa wanaagsan.

وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَنُدْخِلَنَّهُمْ فِي الصَّالِحِينَ﴿٩



Dadka waxaa ka mid ah Qof dhahaayo waxaan Rumeenay Allaah markii lagu dhibo Allaah dartiisna kayeela Imtixaanka Dadka Cadaabka Allaah oo kale, Hadii uu yimaado gargaar xaga Rabigaa ka timid waxay dhahayaan anaga waan idinla jirnaa, Allaah miyuusan ahayn kan og waxa laabta Dadka ku jira.

وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّـهِ فَإِذَا أُوذِيَ فِي اللَّـهِ جَعَلَ فِتْنَةَ النَّاسِ كَعَذَابِ اللَّـهِ وَلَئِن جَاءَ نَصْرٌ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمْۚأَوَلَيْسَ اللَّـهُ بِأَعْلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ الْعَالَمِينَ﴿١٠


Dhab ahaantii Wuu ogaanayaa Allaah kuwa Rumeeyay Wuuna ogaanayaa kuwa Munaafiqiinta ah.

وَلَيَعْلَمَنَّ اللَّـهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْمُنَافِقِينَ﴿١١


Waxay ku dheheen kuwii Gaaloobay kuwii Rumeeyay Xaqa Raaca wadadeena waan Xambaaraynaa gafafkiina, mana aha kuwa Xambaaraya wax gafafkooda ah, waa Beenaalayaal.

وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا اتَّبِعُوا سَبِيلَنَا وَلْنَحْمِلْ خَطَايَاكُمْ وَمَا هُم بِحَامِلِينَ مِنْ خَطَايَاهُم مِّن شَيْءٍۖإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ﴿١٢


Xaqiiqdii Waxay Xambaarayaan Culeesyaalkooda iyo Culeesyo-

Culeesyadooda la jiro waxaana la waydiinaya Maalinta Qiyaame Waxay ku been Abuuran jireen.

وَلَيَحْمِلُنَّ أَثْقَالَهُمْ وَأَثْقَالًا مَّعَ أَثْقَالِهِمْۖوَلَيُسْأَلُنَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَمَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ﴿١٣

Xaqiiqdii waxaan u dirnay (Nabi) Nuux Qoomkiisii, Wuxuuna ku dhex nagaaday Kun sano kontan Dhiman waxaana Qabtay duufaankii iyagoo Daalimiin ah.

وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَلَبِثَ فِيهِمْ أَلْفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمْسِينَ عَامًا فَأَخَذَهُمُ الطُّوفَانُ وَهُمْ ظَالِمُونَ﴿١٤




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip