Tafsiirka Suuratul-Qasas-60-70 oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

0
Tuesday April 23, 2013 - 13:20:35 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 5249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Tafsiirka Suuratul-Qasas-60-70 oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah ku Turjuman Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Tafsiirka Qur'aanka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman Suuratul-Qasas-60-70 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Qur'aanka oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman Suuratul-Qasas-60-70 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah.

Wixii laydiin siiyey oo wax ah waa Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeeda waxaase Allaah agtiisa ah ayaa ka Kheer badan oo baaqi ahaansho badan ee miyeydaan Caqli lahayn.

وَمَا أُوتِيتُم مِّن شَيْءٍ فَمَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَزِينَتُهَاۚوَمَا عِندَ اللَّـهِ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰۚأَفَلَا تَعْقِلُونَ﴿٦٠



Qof aan u yaboohnay Yabooh Fiican oo La kulmayo Yaboohiisa mala midbaa Qof aan ugu raaxaynay Nolasha Dhaw katibna noqonaya Maalinta Qiyaame kuwa loo soo Xaadirinayo Cadaabka.

أَفَمَن وَعَدْنَاهُ وَعْدًا حَسَنًا فَهُوَ لَاقِيهِ كَمَن مَّتَّعْنَاهُ مَتَاعَ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ثُمَّ هُوَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ مِنَ الْمُحْضَرِينَ﴿٦١

Xus maalinta Allaah u Yeerayo Gaalada oo ku dhahayo aaway kuwaad ila wadaajiseen oo ah kuwii aad sheegan jirteen.

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ أَيْنَ شُرَكَائِيَ الَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ﴿٦٢


Waxay yiraahdeen kuwii uu ku Dhabooway hadalka (Cadaabka), Rabiganow kuwaani waa kuwii aan Dhuminay, waana Dhuminay sidaan u dhunay oo kale Xagaagana usoo Bari noqonay mana ahayn kuwa Na caabuda.

قَالَ الَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ رَبَّنَا هَـٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَغْوَيْنَا أَغْوَيْنَاهُمْ كَمَا غَوَيْنَاۖتَبَرَّأْنَا إِلَيْكَۖمَا كَانُوا إِيَّانَا يَعْبُدُونَ﴿٦٣


Waxaana loo oranayaa u yeera Shurakadiina wayna u yeerayaan mana ajiibayaan waxayna arkayaan Cadaabka (markaasay Qoomamoodaan) Hadii ay Hanuuni lahaayeen.

وَقِيلَ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ فَدَعَوْهُمْ فَلَمْ يَسْتَجِيبُوا لَهُمْ وَرَأَوُا الْعَذَابَۚلَوْ أَنَّهُمْ كَانُوا يَهْتَدُونَ﴿٦٤


Xus maalin aan u yeerayno Gaalada oo ku dhahayo Eebe Maxaad ugu Jawaabteen Rusushii.

وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ فَيَقُولُ مَاذَا أَجَبْتُمُ الْمُرْسَلِينَ﴿٦٥


Waxaa arag beeshay korkooda Xujadii Maalintaas mana is waydiinayaan.

فَعَمِيَتْ عَلَيْهِمُ الْأَنبَاءُ يَوْمَئِذٍ فَهُمْ لَا يَتَسَاءَلُونَ﴿٦٦


Qofkii Toobad keena Allahna Rumeeyo Camal Wanaagsana Sameeya

waxaa la arkaa in uu kamid ahaado kuwa liibaanay


فَأَمَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَعَسَىٰ أَن يَكُونَ مِنَ الْمُفْلِحِينَ﴿٦٧

Rabigaana wuu Abuuraa wixii uu doono Wuuna u Dooraa umana sugnaanin ayaga Doorasho, Allaah ayaa Nasahan kana sareeya Waxay u shariik Yeelayaan.

وَرَبُّكَ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ وَيَخْتَارُۗمَا كَانَ لَهُمُ الْخِيَرَةُۚسُبْحَانَ اللَّـهِ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يُشْرِكُونَ﴿٦٨


Rabigaa wuu ogyahay waxa ku jira laabtooda iyo wixa ay Muujinayaan.

وَرَبُّكَ يَعْلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمْ وَمَا يُعْلِنُونَ﴿٦٩


Eebana waa illaaha isaga mooyee Allaah kale jirin waxaa u sugnaaday Mahad Adduun iyo Aakhiraba, Xukunkana Allaah ayuu u sugnaaday xagiisaana loo Noqonayaa.

وَهُوَ اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَۖلَهُ الْحَمْدُ فِي الْأُولَىٰ وَالْآخِرَةِۖوَلَهُ الْحُكْمُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ﴿٧٠







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip