tafsiirka Suuratul Qasas-- 51--59 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

0
Sunday April 21, 2013 - 13:08:51 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    tafsiirka Suuratul Qasas-- 51--59 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise

    Waa Tafaiirka Xalay Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman, waana Dhamaadkii 15 juz ee Qolka ka baxay Ee marada dhexda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Tafaiirka Xalay Baxay oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman, waana Dhamaadkii 15 juz ee Qolka ka baxay Ee marada dhexda

Xaqiiqdii waxaan u Xariirinay (u cadaynay) Hadalka waxay mudan yihiin in ay Waano Qaadaan.

وَلَقَدْ وَصَّلْنَا لَهُمُ الْقَوْلَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ﴿٥١

Kuwii aan siinay Kitaabka hortiis Way Rumaynayaan Isaga

الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ مِن قَبْلِهِ هُم بِهِ يُؤْمِنُونَ﴿٥٢



Marka lagu aqriyo Korkoodana waxay dhahayaan waan rumaynay Qur'aanka, Qur'aankuna waa Xaq Rabigeen xagiisa ka imaaday Isaga ka hor waxaan ahaynay Muslimiin.

وَإِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ قَالُوا آمَنَّا بِهِ إِنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّنَا إِنَّا كُنَّا مِن قَبْلِهِ مُسْلِمِينَ﴿٥٣


Kuwaas waxaa la siinayaa Ajarkooda Laba jeer Samirkoodii Dartiis, waxayna ku reebaan Xumaanta Wanaag wixii aan ku Irsaaqnayna waxbay ka bixiyaan.

أُولَـٰئِكَ يُؤْتَوْنَ أَجْرَهُم مَّرَّتَيْنِ بِمَا صَبَرُوا وَيَدْرَءُونَ بِالْحَسَنَةِ السَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ﴿٥٤

Markay maqlaan hadal macno darrana way ka Jeedsadaan waxayna dhahaan Annaga Camalkeena ayaan leenahay Idinkana Camalkiina ayaad leedihiin Nabab gelyo Ma Dalbanayno Jaahiliinta.

وَإِذَا سَمِعُوا اللَّغْوَ أَعْرَضُوا عَنْهُ وَقَالُوا لَنَا أَعْمَالُنَا وَلَكُمْ أَعْمَالُكُمْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ لَا نَبْتَغِي الْجَاهِلِينَ﴿٥٥


Adiga ma hanuunin kartid Qofkaad Jeceshahay Laakiin Allaah ayaa Hanuuniya Qofkuu Doono Asagaana og Kuwa Hanuunsan.

إِنَّكَ لَا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَـٰكِنَّ اللَّـهَ يَهْدِي مَن يَشَاءُۚوَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ﴿٥٦

Waxay dheheen (Gaalada Makka) Hadii aan Raacno Hanuunka la jirkaada waxaa nalaga Tafayaa Dhulkeena, miyaanan Dejinin Xaram Aamin ah oo la keeno Miraha Nooc walba Irsaaqid Darteed oo Xageena ka ahaaday Laakin Badankooda Ma oga.

وَقَالُوا إِن نَّتَّبِعِ الْهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفْ مِنْ أَرْضِنَاۚأَوَلَمْ نُمَكِّن لَّهُمْ حَرَمًا آمِنًا يُجْبَىٰ إِلَيْهِ ثَمَرَاتُ كُلِّ شَيْءٍ رِّزْقًا مِّن لَّدُنَّا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ﴿٥٧


Badanaa intaan Halaagnay oo Magaalo ah, oo ku kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahooda Lama Degin-



Gadaashooda wax yar mooyee, Waxaana nahay kuwa Dhaxla (kuwa hara)




وَكَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ بَطِرَتْ مَعِيشَتَهَاۖفَتِلْكَ مَسَاكِنُهُمْ لَمْ تُسْكَن مِّن بَعْدِهِمْ إِلَّا قَلِيلًاۖوَكُنَّا نَحْنُ الْوَارِثِينَ﴿٥٨

Rabigaa ma aha mid Halaaga Magaalo ilaa uu kasoo saaro Caasimadeeda Rasuul ku aqriya korkooda Aayaadkeena Mana nihin kuwa halaago Magaalo aan Ehelkeeda Daalimiin ahayn.

وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهْلِكَ الْقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبْعَثَ فِي أُمِّهَا رَسُولًا يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَاۚوَمَا كُنَّا مُهْلِكِي الْقُرَىٰ إِلَّا وَأَهْلُهَا ظَالِمُونَ﴿٥٩




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip