Imtixaanka FIqiga Ee Gabdhaha Culumada Mustaqbalka Q2aad

1
Saturday April 20, 2013 - 12:53:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Imtixaanka FIqiga Ee Gabdhaha Culumada Mustaqbalka Q2aad

    Horay Waxaad u haysateen 35 sualood intaanina waa Q2aad imtixaanka gabdhaha ehlu fiqiga ah ee reer taqwa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horay Waxaad u haysateen 35 sualood intaanina waa Q2aad imtixaanka gabdhaha ehlu fiqiga ah ee reer taqwa hadaalin hana caajisin  hadaad isku daydo in aad barato koob biyaa inta la cabo kugu qadan mayso shaahaaga soo dhawayso niyadaada daji ku kalsoonoow in aad baranayso  talow goormaad caamanimada ka baxaysaa iyo sheekhoow maxaa la yiri  caalamku waa tagay adigana xijaabkaaga dhuuqso ka daba tag aduunyo waa cilmo akhirano waa jano  

waxaan u balan qadaynaa walaha reer taqwa qofkii soo xadira in uu baran doono  balankeenu waa mantay 14:30 uktime  iyo qolka macadka  doqoni calaf malhe danbeeye magaaro



Imtixaanka FIqiga Ee Gabdhaha Culumada Mustaqbalka Q2aad.



1.gudniinka Haweenyda sune miyaa mise waa caado Xun ?

2.Ma banaantahay In loo cayaaro ama Xaflad loo dhigo markii la gudaayo gbadha ?

3.Haweenyda ma laga rabaa markastoo ay caadada dhmaysto In ay iska Xiirto timaa hoose ?

4.Saxeex ma tahay in layska xiiro timaha kilkisha ku yaalo ?

5.Ma banaantahay In la dheereeysto cidiyaha iyo in daawada cidiyaha la saaro cidiyaha ?

6.markii aan dhaqaayo dhar daahir ah, iyo dhar najaasa ay ku taalo, dharka daahirka ah wax ma u dhimaysaa ama biyahaas najaaso ma noqonyaan ?

7.Hadii dadka ay ka soo baxdo neef, ruuxa waajib maku tahay in uu istijoodo ?

8.Xukunkeedu muxuu yahay in lagu dhawaaqo niyada markii la weyso qaadnaayo ama markii la tukanaayo ?

9.Waa weyso qaatay waxaan iloobay in aan ku dhawaaqo bisinka weysada ka horeeya ee weysadeyda saxiix miyaa ?

___________________________________________________

10.Xukunkeeda muxuu yahay, in la weyso qaato iyadoo cidiyaha aya saaranyihiin, daawada cidiyaha ee dumarka marsdaan cidiyaha ?

11.hadii ay hawo kaa soo baxdo farjiga dumarka, weysada maka jabtay, ma burtay, weysadu ?

12.Wixii ka soo daato, oo kasoo dago, haweeneyda daahir miyaa mise waa najaaso ? Weysada mey burisaa markaas ?

13.Gabadha umulisada markey ka dhalinayso dumarka weysada maka burtay ?

14.In ay isticmaasha haweenayda Kareenka timaha iyo xamuurda weysada mey burinayaan ?

15.In la fiiriya cowrada haweenka iyo raga weysada maku bureysaa ?

16.Haddii ay badsato haweeneyda waxayaabaha la marsada ,madaxeeda oy masaxato dushiisa weysada saxiix ma tahay ama ma ahan saxiix ?

17.Ma u banaantahay haweenayda in ay masaxato khimaarkeeda ?

18.Haweenyda ma waxaa loo suneeyaa sida Ragga In ay u masaxato madaxa in ay ka bilowda madaxa bilowgiisa ilaa qadaadka ka dibna ay kusoo celiso Booskii hore ?

19.Kitaabka mala geli karaa Suuliga ?

______________________________________________

20.Maxaa waajib ku ah in ay samayso haweenaydu haddii ay ku riyooto ?

21.Ma banaantahay in najaasda lagu suuliya waxaan biya ahayn ?

22.Waajib miyaa in la iska badalo dharka kaadida leh ?

23.haddii ay najaasada ku dul dhacdo jirka ama dharka korkooda weysda ma bureysaa ?

24.Ma banaantahay haweeneyda in ay isku qurxiso indha Kuusha ?

25.Haddii haweeneyda ay daawo geliso xubinta tarankeeda qubeys miyaa waajib ku ah ?

26.Haddii ay haweeneyda geliso farteeda xubinta tarankeeda markii ay istinjoonaysa, ama dhaktarada ay geliso farteeda xubinta taranka ee ruuxa la baarayo, ama ay geliso qalabka waxa lagu baaro, qubeys miyaa waajib ku ah ?

27.Haddii aan ka qubeysta janaabada, ka dibna uu igu yimaado mani qubeyska masoo celiaa ?

28.Ma banaantahay In loo tago haweenayda markii uu ka dhamaado dhiiga caadada ah iyadoon qubeysanin ?

29.Laasim ma ku tahay in ay iska badasho gabadha dharkeeda markii ay noqota daahir ?

__________________________________________________

30.Hadduu isku ekaado dhiigu inuu yahay mid caado ah ama midka dhabar furka ah maxaa la sameynayaa ?

31.Ma ka timaada caado haweeneyda uurka leh ?

32.Waa maxay xukunka haday caadadu iska sii socoto wax ka badan wakhtigeeda ?

33.Waa maxay xukunka haweeneyda hadii uusan ka imaan dhiig markii ay dhasho kadib ?

34.Waa maxay xukunkeeda in la isticmaalo Kiniiniga joojinaya caadada ?

35.Waajib mayahay in la gaarsiiyo biyaha timaha salkooda ?

36.In bisinka lagu dhawaaqo weysada gudaheeda waajib miyaa ?

37.Maxay ku garnaysaa haweeneyda In ay gaartey wakhtiga caadada ?

38.Haweeneyda haddii ay gaarto 70 sano dhiiguna uu weli kasocdo ma iska deynaysaa salaada ?

39.Haweeneyda haddii ay isticmaasho daawo ka keenta dhiiga caadada ah salaadana ay ka tagtay saladaa ma soo celinaysaa mise maya ?

________________________________________________________

40.Haweenay qabto caado oo utukatay xishood dartiis si aan loo oran waxay qabtaa caado waa maxay xukunkeeda ?

41.Goorma ayey ka quusankartaa haweeneyda dhiiga caadada ah mase ku xiranyahay wakhti go,an mise waa intuu ka go,aayo dhiiga ?

42.Haddii ay wareerto caadadu marna soo hormarto marna soo daahdo marna ay badato marna ay yaraato gabadhu maxay samynaysaa ?

43.Haweeneyda haddii ay aragto alkudra intaysan u imaanin caadadu salaadna ay ka tagtay kadibna caadada ay u timaaday waa maxay xukunkeedu ?

44.Haweeney caaddo ay u imaan jirtay bisha dhamaadkeeda kadibna aragatay bisha biloowgeeda maxay samynaysaa ?

45.Marka ay daahir noqoto gabdhu intaysan qorrxadu soo bixin waajib maku yahay inay tukato maqrib iyo cishe ama daahir noqoto intaysan qorraxdu dhicin kahor waajib maku yahay inay tukato duhur iyo casar ?

46.Haweenayda caadada leh inay quraanka akhriso ama ay taabato quraanka iyadoo uusan udhaxayn gacmo gashi waa maxay xukunkeeda ?

47.Ma banaantahay gabadha caadada qabta inay soo xaadirto xalaqada cilmiga masjidka ?

48.Haweenayda caadada qabta inay iska dhaqdo madaxa markay caadada qabto xukunkeeda muxuu yahay waxan maqlay dadka qaarkood oo leh ma banaana arrintaas ?

49.Waa maxay xukunka biyaha calowga ah ee ka imaanaya haweenayda caadada ka hor labo maalin ?

______________________________________________

50.Inay haweenaydu isticmaasho Kaniinka udiidaya inay caadadu timaado ama dhiiga dhalmda waa maxay xukunkiisu ?

51.Haweenay daahir ah oo u istijo qaadatay cunugeeda waajib maku yahay inay wayso qaadato mar labaad ?

52.Waxaan u weyso qaatay salaada waxaan xabaartay cunug wuxuuna igu haleeyay kaadi waxaan dhaqay booskii kaadida waana tukaday anigoon weyso qaadan mar labaad ee salaadaydu ma ansaxaysaa ?

53.Ma ubanaanatahay ninka inuu kala qubaysto xaaskiisa janaabada iwm ?

54.Ruuxa kastoo toosay hurdo asgoo qabo janaabo hadduu damco inuu qubaysto waxaalagayaabaa inuu waqtigu ka tago ee ma gabagabysankraa ?

55.Mida xaamilda ah markii ay dhasho dhiigana uusan ka imaanin ninka ma ubanaantahay inuu uglmoodo ma tukan kartaa mise maya ?

56.Gabadhu markay ilmo ka dilmato inay salaada ayna soonto ma ubanaantahay dhiigu waqtiguu ka yimaado ?

57.Waa maxay xukunkiisu Dhiiga ka imaanayan gabadhu markuu kasoo dhaco cunugu ?

58.Haweenka qaarkood waxaa ku adag inay caadi u dhalaan,waxaana looga dhaliyaa qaliin, waxaana laga yaba in cunuga lagsoo saaro meel aan farjiga ahayn sida kalida iwm waa maxayxukunkoodu ? muxuuna yahay dhiiga ka imaan doona ? muxuuna yahay qobayskoodu ?

59.Ninka ma u baahan yahay inuu u tago xaaskiisa markii ay dhashay kadib 30 maalmood ama 25 maalin, mise uma manaana ilaa 40 maalin mooyee ?

60.Haddii dhiigu uu iska sii socdo afrtanka kadib xukunkiisu muxuu yahay ?


61. Maxaad dacwada Uqabatay waligaa iyo u gar gaarita diinta alle

62. waligaa qof hidaayadiis sabab ma ugu noqotay oo sujuud kastoo alle uu u sujuudo ajar ma ku socdaa

63. wax la taaban karo islaamka ma uga tagtay

64. sheeg nabiga abihiis awoowgees midkiisa dedexaad

65 sheeg magaca hoyadiis iyo inta uu xaas qabay magacyadooda

horay waxaan idin kugu soo dirnay 35 sualod waxay isku noqonayaan 100 sualood qofkii ku gulaysta xafadiisa ayuu ku noqonayaa boqor allaa boqoree


Doqoni calaf maleh danbeeye magaaro


_______________________________________________________


Wabillahi TowfiiQ,,


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip