Tafsiirka-Suuratul-Qasas-36-43 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

0
Wednesday April 17, 2013 - 06:09:56 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 2222
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tafsiirka-Suuratul-Qasas-36-43 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

    Tafsiirka-Suuratul-Qasas oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman Aayada -36-43 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah ka faa'iidaysi wacan ehelkaada, deriskaaga iyo Asxaabtaadana Gaarsii jzklh wassalaamu Calaykum.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka-Suuratul-Qasas oo Maqal iyo Qoraal Afsoomaali ah ku Turjuman Aayada -36-43 Li Sheekh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah ka faa'iidaysi wacan ehelkaada, deriskaaga iyo Asxaabtaadana Gaarsii jzklh wassalaamu Calaykum.

Markuu ula yimid Muuse Aayaadkeena oo Cad Cad waxay dheheen kani ma ahan Sixir la abuurtay mooyee mana ka maqlin kan (Qur'aanka) Aabayaalkeenii horeeyay.

فَلَمَّا جَاءَهُم مُّوسَىٰ بِآيَاتِنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَـٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّفْتَرًى وَمَا سَمِعْنَا بِهَـٰذَا فِي آبَائِنَا الْأَوَّلِينَ﴿٣٦

Wuxuu yiri Nabi Muuse Rabigay baa Og Cidda kala timid Hanuun agtiisa iyo cidda ay u ahaanayso cidhibta danbe sha'nigee ma liibaanaan Daalimiinta

وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَن جَاءَ بِالْهُدَىٰ مِنْ عِندِهِ وَمَن تَكُونُ لَهُ عَاقِبَةُ الدَّارِۖإِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ﴿٣٧

Wuxuu yiri Fircoon Madaxeey idiinma ogi Allaah aan Aniga ahayn ee ii Huri Haamaanoow Dhoobada iina yeel Daar in aan daalacdo Illaaha Muuse Waxaan u malaynayaa in uu Beenaalayaasha ka mid yahay.

وَقَالَ فِرْعَوْنُ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ مَا عَلِمْتُ لَكُم مِّنْ إِلَـٰهٍ غَيْرِي فَأَوْقِدْ لِي يَا هَامَانُ عَلَى الطِّينِ فَاجْعَل لِّي صَرْحًا لَّعَلِّي أَطَّلِعُ إِلَىٰ إِلَـٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُ مِنَ الْكَاذِبِينَ﴿٣٨

Waxay isku kibriyeen Isaga iyo Ciidankiisiiba Dhulka Xaq La'aan waxayna u maleeyeen in aan xageena loo soo celinayn.

وَاسْتَكْبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَظَنُّوا أَنَّهُمْ إِلَيْنَا لَا يُرْجَعُونَ﴿٣٩

Waana Qabanay Isaga iyo Ciidankiisiiba waxaana ku Tuurnay Badda ee Fiiri sidii ay noqotay cidhibta Daalimiinta.

فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّۖفَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ﴿٤٠



Waxaana ka yeelnau Iimaamyo (Madax) ugu yeera Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaarayo.

وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَدْعُونَ إِلَى النَّارِۖوَيَوْمَ الْقِيَامَةِ لَا يُنصَرُونَ﴿٤١


Waxaana raacinay Aduunyadaan Lacnad Maalinta Qiyaamana waxay noqonayaan kuwa la halaagayo (la dulaynayo)

وَأَتْبَعْنَاهُمْ فِي هَـٰذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةًۖوَيَوْمَ الْقِيَامَةِ هُم مِّنَ الْمَقْبُوحِينَ﴿٤٢


Waxaan siinay (Nabi) Muuse Kitaabkii Katib Markaan


Halaagnay Quruumahii hore Isagoo aragti u ah dadka iyo Hanuun Iyo Naxariis waxay mudan yihiin in ay waano Qaasaan.

وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ مِن بَعْدِ مَا أَهْلَكْنَا الْقُرُونَ الْأُولَىٰ بَصَائِرَ لِلنَّاسِ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ﴿٤٣





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip