Fa'Waaid *43 Ilaa 1 سورة البقرة *) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

0
Friday November 28, 2014 - 13:01:42 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 6123
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Fa'Waaid *43 Ilaa 1 سورة البقرة *) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

    Tafsiirkeenii (*Al-Fawaa'idul-Qur'aan*43 Ilaa 1 سورة البقرة *) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirkeenii (*Al-Fawaa'idul-Qur'aan*43 Ilaa 1 سورة البقرة *) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah Gabdhaheena barakaysan ayaa soo qoray. allaha ka jaazeeyo wanagay u sameeyeen umadeena 
Fawaaidka suuratu baqara:
1.
2. Alif laam iyo miim: macneheedu waa taxadi ( car gaalooy quraankan oo kale la imaada) ( Allaahu aclam macneheda)
3. Daalika= haadal kitaab. Quraanka shaki kuma jiro. Quraanka wuxuu hanuun u yahay mutaqiinta. Quraanku wuxuu ka mid yahay asbaabaha lagu hanuuno. Waa huunuun tawfiiq Alle xagiisa ka imaatay.
4. Dadka mutaqiinta ah sifaadkooda waxa ka mid ah inay waxa maqan rumeeyaan, qaybka rabi ayey uga baqaan, mutaqiinta salaada wakhtigeeda way ilaaliyaan sida rukuucda, sujuuda, khushuuca. Sifaadka mutaqiinta ah waxa ka mid ah bakhaylin ma aha, gacantooda waa ay furan tahay, rabi wuxuu ku irsaaqayna waxbay ka bixiyaan. Cutheymiin wuxuu dhahay: ( bixinta wax la bixinayo xad maleh hadii aanay sako ahayn). Daliil wuxuu usoo qaatay abu bakar oo xoolihiisa wada bixiyey, lkn in wax loo reebo dadka aad masuulka ka tahay oo xaqa kuguleh waa fiican tahay.
5. sifaadka mutaqiinta waxa ka mida waxa nebiga csw lagu soo dejiyey way qaatan si duuduub ah. Nebiyadii hore kitaabadiii lagu soo dejiyeyna waa rumeeyaan. 25 rusul ee kitaabka lagu sheegay iyo kuwa kale ee aan nalo sheeginba waa ina rumeynaa: sheekh cutheymiin wuxuu dhahay: bakhaylnimadu waa sifo xun: camal saalix ah maxaa la dhaha: wax kastoo alle loogu dhowaado oo ikhlaas iyo mutaabaco laga gelo.Cala hudan: cala nuuran: Alle rubuubiyadiisa in ay khaas iyo caam labadaba tahay:
6. Waa dejin nebiga lagu dejinayo aayadani: la dhahay waa isku mid kuwan wax u sheegtaya ama uma sheegina. Cidii kelimada rabi ku dhabowdo cidna ma hanuuninkarto, Qofka bini aadamka ah marka uu quraanka dhegeysanayo hadii uusan qashuuc qalbigiisa gelin marka uu quraanka iyo diinta dhegeysanayo shubho baa ku jirta ruuxaas waa inuu dib isugu laabto.
7. Meesha wax laga qaato waa qalbiga, hadii qalbigaaga la awdo khatar buu ruuxa ku sugan yahay. Daawada qalbiga waa quraanka. Indhaha iyo dhegahaba in wax lagu fahmo.
8. Quraanka cajaaibtiisa ayey ina tusin aayadani: qofka carabka bes ka rumeeya quraanka hadii aanu qalbiga ku darin mu’umin maaha. Waa muhiim in iimanka qalbiga uu ahaado. Imaanku waa hadal, ficil iyo ku camal falid. Munaafaqnimadu labo u qaybsantaa mid waa ictiqadi midna waa camali: ayadaha munaafaqa waa 3: marka uu sheekaynayo been sheega, marka la aamino waa khayaama, marka u balamana waa buriya.
9. Dhagarta dadka munaafiqiinta inay badan tahay: Qofka aad ka shakidid inaa ka gaabsato. Ha aaminin ruux aad ku kalsoon tahay maahe ruux kale. Cuthaymiin wuxuu yiri: Dadka laga shakiyo waxa lagu garta calaamadahan: Daba gal hadalkooda iyo ficilkooda, badana waa is khilaafaan. Ruuxa shirqoolka ka shaqeeya isagay ku laabataa.
10. Fasaadahumu laah: Alle ha u siyaadiyo ama alle waa u siyaadiyey xanuunkooda: Qofku haduusan ahayn mid quraanka raaca waxaa lagu ciqaaba xumaanta u uka shaqeeyo. Macaasida iyo fisqiga in ay siyaado ama nusqaanto: markastoo macaasida kugu badato qalbigaaga wuu sii fogaanayaa, markastoo kasoo laabato oo alle u dhowaato waa ka yaraanaysaa. Cuquubadu waxay badanaa kugu dhacdaa qalad aad samaysay. Wixii arin oo kugu yimaada waa sabab uun oo aad kasbatay, marka iska ilaali khiyaamada, xasadka iyo isku dirka.
11. Nifaaq waa maxay? Waa qofka oo wanaag sheegta hoosna ku qarsada fisqi iyo xumaad. Qofka dadka ugu xun waa kan isu arka inuu wanaag ka shaqaynayo isagoo ka shaqaynayo isku dir iyo balaayo. Qofka mu’uminka aan ahayn aragtidiisa waa gaaban tahay. In la radiyo dadka xumaanta wada sida alle u radiyey. Ruuxkastoo xumaan ka shaqaynayo aad aragto xasuusi Alle hana la samayn adigu hawsha xumaanta ah oo uu wado.
12. 11 bay isla socdaan faaiidadeeda lol
13. isla weynida munaafaqiinta marka xaqa loo bandhigo. Mutaqiinta iyo ducaada alle u shaqeeya bay ku sifeeyaan dad aan u qalmin in wax laga dhegeysto. Marka waa sunah Alle in aad la kulanto xasad iyo dhibaato markaa daaci tahay. Waana in lagu sabro. Qof kasta oo Alle iyo rasuulka aan rumaynini waxaa uu ku sifoobay wax ma garad ( caqli laawe). Dadka xaqa rumeeyey Alle wuu difaacayaa fi dunya wal aakhirah.
14. -15. Qofka labo wajiilaha ah waa mid dulaysan. Alle wuu u kaadiyaa munaafaqiinta. Ruuxa ka leexda xaqa hadiisa ayaa jiidata.munaafaqiinta xukun ama maal inay helaan bay jecelyihiin.
15. …..
16. Caqli yarida munaafaqiinta waxaa ka mida aakhiro bay beeniyeen oo ka tageen, aduuna way raadinayan. Inuu isu maleeyo mid wanaag ka shaqaynaya, isagoo xumaan wado. Khasaarada iyo faaiidada waxa lagu kala qiimeeya waa miisaanka sharciga ah. Ruuxii kitaabka iyo sunada raacay wuu liibaanay, kii ka lexdayna waa khasaaray.
17. -18: Quraanku waa tusaale dadku wax ku fahmayaan: Alle tusaalihiisana waxaa fahma dadka cilmiga leh.salafkii waxay ahaayeen kuwa ooya markay wax fahmi wayaan. Ruuxa marka uu xaqa rumeeyo wuu ifa.Munaafaqiintu xaqa ma cadeeyaan. Xaqa ma arkaan mana usoo laabtaan markii xaqa la xusuusiyo.
18. ….
19. -20: Ilaahay wuu ka war haya camalada gaalada iyo munaafaqiinta. Hilaaca iyo onkodka marka ay dhacayaan way tiri karaan indhahaaga: cutheymin wuxuu yiri: hilaaca marka uu jiro cirka dhab ha u fiirfiirin. Magacyada ilaahay wax aka mida ( wax kasta inuu awoodo)
20. ….
21. Waa amar dadkoo dhan ku socda oo ah inay rabi keliya caabudaan. Hada qirtid in alle ku abuuray waxaa kugu waajibtay inaa rumaysid oo keligiisa caabudo.Alle ka cabsigu waa darajo sare waxaana gaara darajadaas mutaqiinta bes. Dhiiri gelin dhanka cilmiga barashadiisa waayo ruux aan cilmi lahayni Alle kama cabsado.
22. Dhulka oo aan kula dhaqaaqayn oo ka cabanayn waa nimco shukrinteeda u baahan. Koryeelida samada iyo weynaanteeda iyo sida Alle awoodiisa uu daruuraha inooga soo dejiyey roobka aan ku manaafacaysanayno. Hadii qof wax ku qabto u celi sababta Alle xagiisa tusaale ( bad baa ku dhacday qofna wuu ka badbaadiyey ) marka dheh ilaahay hebel buu igu badbaadiyey oo sabab iga soo dhigay dheh, ha oran hebel baa I badbaadshay. Alle inuu u nimceeyey aduunyadan kaafir iyo mu’uminba. In aynaan cidkale caabudin Alle mooye. Cida aad wax u sheegaysid inaa u cadaysid.
23. Difaacida Alle uu difaacay Nebiga csw. Fadliga nebiga csw. Alle wuxuu ku sifeeyey adoonimo waana darajo tan u sarayso ee la gaaro.mucjisada quraankan. Gaalada ma awoodaan hal suurad xataa inay la yimaadan. Waa digniin.
24. Danbiilayaasha inay yihiin gaaska naarta lagu hurinayo. Ihaanada gaalada maadaaba ilaahyadii ay caabudayeen alle ku gurey. Naarta inay hadaba diyaarsan tahay. Naartu inay gurigii gaalada tahay. Dadka denbiyada waaweyn sameeya oo aan ka toobadkeenin.
25. In dadka mu’uminka ah aad ugu bishaarayn kartid waxa uu ku farxayo. Janada waxa gala labo arin qofkii laga helo: iiman iyo camal saalix ah. Abaalmarinta mu’uminiinta inay ka weyntahay waxay soo shaqaysteen. Waa meel lagu waarayo janadu. Janadu inay tahay darajooyin.quraankana meelo badan baa lagaga sheegay. Nimcada iyo khayrka ay ku dhex jiraan dadka Ahlu jannaha ah. Ahlu jannuhu way ku waari jannada mana dhamaato jannadu.
26. Waxa alle abuuray waxaa ugu yar kaneeco. Alle inuu leeyahay sifada xishoodka. Alle inuu tusaale ku keeno quraanka. Qiyaaska inuu xujo yahay.fadliga iimanka. Dadka gaalada ah wax kasta oo Alle la yimaado ma qaatan. Qofkasta oo Alle sharcigiisa ka horyimaada shubho gaalnimo ku jirta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip