tafsiirka Suuratul- Namli 89-- suratul Qasas-5--Li Sh Xasan Ibraahim Ciise

0
Thursday April 11, 2013 - 08:56:39 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 3265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    tafsiirka Suuratul- Namli 89-- suratul Qasas-5--Li Sh Xasan Ibraahim Ciise

    Tafsiirka Qur'aanka Oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah Ku Turjuman Ka Faa'idaysi wacan Ehelkaada iyo Asxaabtaadana Gaarsii. wa salaamu Calaykum. By Golaha Isbadelka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tafsiirka Qur'aanka Oo maqal iyo Qoraal Afsoomali ah Ku Turjuman Ka Faa'idaysi wacan Ehelkaada iyo Asxaabtaadana Gaarsii. wa salaamu Calaykum. By Golaha Isbadelka Soomaaliya.

Qofkii la yimaada Wanaag Wuxuu ku leeyahay Kheer (wanaaga) xagiisa, Argagaxa maalintaana way ka Aamin yihiin.

مَن جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ خَيْرٌ مِّنْهَا وَهُم مِّن فَزَعٍ يَوْمَئِذٍ آمِنُونَ﴿٨٩

Qofkiise la yimaada Xumaan waxaa lagu afkambinayaa Wajiyaashoda Naarta Miyaa la idinka Abaal Mariyaa wixii aad Sameyseen mooyee.

وَمَن جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ فَكُبَّتْ وُجُوهُهُمْ فِي النَّارِ هَلْ تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ﴿٩٠

Waxaa lay Amray uun in Aan Caabudo Rabiga Baladnaan (makkah) Ee ah Rabiga Xarimay Waxaana u sugnaaday wax walba, Waxaana lay amray in aan ka mid Ahaado Muslimiinta.

إِنَّمَا أُمِرْتُ أَنْ أَعْبُدَ رَبَّ هَـٰذِهِ الْبَلْدَةِ الَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُ كُلُّ شَيْءٍۖوَأُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ مِنَ الْمُسْلِمِينَ﴿٩١

Iyo in aan aqriyo Qur'aanka Qofkiise Hanuuna wuxuu hanuuniyay Naftiisa Qofkii dhumana waxaad dhahdaa anigu waxaan ka mid ahay uun kuwa Digaya.

وَأَنْ أَتْلُوَ الْقُرْآنَۖفَمَنِ اهْتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهْتَدِي لِنَفْسِهِۖوَمَن ضَلَّ فَقُلْ إِنَّمَا أَنَا مِنَ الْمُنذِرِينَ﴿٩٢

Waxaad dhahdaa Mahad Allaah ayee u sugnaaday Wuxuu idin Tusinayaa Aayaadkiisa oo aqoonsanaysaan, mana aha Rabigaa mid Halmaamsan waxaad samaynaysaan.

وَقُلِ الْحَمْدُ لِلَّـهِ سَيُرِيكُمْ آيَاتِهِ فَتَعْرِفُونَهَاۚوَمَا رَبُّكَ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ﴿٩٣




Suuratul Qasas

**** سورة القصص *****

Waxaan ku Bilaabayaa Magaca Allaah ee Naxariista Guud iyo Mida Gaaraba Naxariista.

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

*Xuruuftan waxay ku tusinayaan Mucjisada Qur'aanka Macnahodana Allah uun baa og.

طسم﴿١

Taasina waa Aayaadka Kitaabka (Qur'anka) ee Cad.

تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ﴿٢


Waxaan ku akhrinaynaa korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon Si Xaq ah Qoomkii Rumaynaya.

نَتْلُو عَلَيْكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرْعَوْنَ بِالْحَقِّ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ﴿٣

Fircoon wuu isku saraysiiyay (Kibriyay) Dhulka wuxuuna ka yeelay


ehelkeediina Kooxo, Isagoo Dulaysanaya Koox ka mid ah gawracayana Wiilashooda oo sii daynaya Haweenkooda wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasahaadiya.

إِنَّ فِرْعَوْنَ عَلَا فِي الْأَرْضِ وَجَعَلَ أَهْلَهَا شِيَعًا يَسْتَضْعِفُ طَائِفَةً مِّنْهُمْ يُذَبِّحُ أَبْنَاءَهُمْ وَيَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْۚإِنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُفْسِدِينَ﴿٤

Waxaan doonnay in aan ku kaladaysano kuwii lagu dulaysanaye Dhulka kana yeelno Imaamyo (hogaamiyayaal), Kana yeelno kuwa dhaxlaya Dhulka.

وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً وَنَجْعَلَهُمُ الْوَارِثِينَ﴿٥




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip