"Cafiska qaado oo wanaagana far

0
Monday July 10, 2023 - 18:46:17 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cafiska qaado oo wanaagana far

    kana jeenso kuwa aan waxba garanaynin oo dan uga bax"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kana jeenso kuwa aan waxba garanaynin oo dan uga bax"




 

 

خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ} [الأعراف:199.

"Cafiska qaado oo wanaagana far kana jeenso kuwa aan waxba garanaynin oo dan uga bax"

{إِنْ تُبْدُوا خَيْرًا أَوْ تُخْفُوهُ أَوْ تَعْفُوا عَنْ سُوءٍ فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ عَفُوًّا قَدِيرًا} [النساء:149]،



"Hadaad khayrka muujisaan ama aad qarisaan amase aad xumaan laydiin gaystay cafidaan'

ilaahay waa mid cafiya oo kara inuu dambigiina dhaafo"


وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا أَلا تُحِبُّونَ أَنْ يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ} [النور22


"Ha cafiyeen oo ha saamaxeen dadka fadliga leh miyeydan doonaynin inuu Rabbi idiin dambi dhaafo"

Nusuusta diinta ee ka hadasha cafiska aad bay ubadan yihiin mana aha kuwo lagu soo koobi karo qormo kaliya waxna arintaas ku tusinaysaasida is cafintu u tahay muhiim.


فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللّهِ إِنَّ اللّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ (159).


"Raxmad xagga Rabigaa ka ahaatay darteed baad ugu jilicsanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabci qallafsan oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen,ee iska cafi oo u dambi dhaaf dalab arimahana kala tasho oo markaad go'aan gaarto Alle utalo saaro waayo Alle waa mid jecel kuwa talo daaranaya"


عَنْ أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ رضي الله عنه قَالَ: "قَالَ النَّبِيّ: «مَا أَحَدٌ أَصْبَرُ عَلَى أَذًى سَمِعَهُ مِنْ اللَّهِ؛ يَدَّعُونَ لَهُ الْوَلَدَ، ثُمَّ يُعَافِيهِمْ وَيَرْزُقُهُمْ»" (البخاري).


"Saxaabiga Abii Muusaa ashcari rc xadiis uu Nabiga ka wariyay scw ayaa wuxuu ahaa in Nabiga scw yiri:- ma jiro cid Alle kaga sabir badan dhibaato uu maqlo,waayo waxay ku unisbeynayaan inuu caruur dhalay markaasuu isagana inta iska cafiyay misana quudinayaa".


"وعن عُقْبَةُ وضي الله عنه قال:- لَقِيتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَابْتَدَأْتُهُ فَأَخَذْتُ بِيَدِهِ فَقُلْتُ يَا رَسُولَ اللهِ أَخْبَرَنِي بِفَوَاضِلِ الأَعْمَالِ فَقَالَ: «يَا عُقْبَةُ صِلْ مَنْ قَطَعَكَ , وَأَعْطِ مَنْ حَرَمَك وَاعْفُ عَمَّنْ ظَلَمَكَ»رواه احمد وصححه الباني


"Saxaabiga Cuqba wuxuu yiri:Rasuulka scw ayaan la kulmay oo intaan gacanta qabtay ayaan iri Rasuulkii Allow Camal la qabto kuwee u fadli badan,kolkaasuu Rasuulka scw igu yiri:-Cuqboow xiriiri qofka ku gooya,oo wax sii midka wax kuu diida,oo Cafi midka ku Dulmiya”.


* عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ قَالَ: «تَعَافُّوا الْحُدُودَ فِيمَا بَيْنَكُمْ، فَمَا بَلَغَنِي مِنْ حَدٍّ؛ فَقَدْ وَجَبَ» (حديث صحيح، صحيح أبي داود للألباني).


Xadiis uu Cabdullaahi ibnu cumar ibnu caas rasuulka ja warinayo ayaa wuxuu ahaa inuu Nabiga scw yiri:-

"Iska cafiya dhexdiina dunuubta xuduuda waajibisa ee idin dhex taalla,waayo wixii xuduud ah oo aniga isoo gaara waa la fulinayaa".


* عن عَبْد اللَّهِ بْن عُمَرَ رضي الله عنهما قال: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ، فَقَالَ: "يَا رَسُولَ اللَّهِ كَمْ نَعْفُو عَنْ الْخَادِمِ؟" فَصَمَتَ، ثُمَّ أَعَادَ عَلَيْهِ الْكَلامَ، فَصَمَتَ، فَلَمَّا كَانَ فِي الثَّالِثَةِ قَالَ: «اعْفُوا عَنْهُ فِي كُلِّ يَوْمٍ سَبْعِينَ مَرَّةً» (حديث صحيح صحيح أبي داود للألباني).


"Cabdullahi ibnu cumar rc wuxuu yiri :-nin ayaa nabiga scw uyimi oo wuxuu ku yiri:-Rasuulki Alloow intee baan cafin karnaa shaqaalaha inoo shaqeeya,Rasuulka scw waa ka aamusay,mar kale ayuu ninkii su'aashii ku celiyay,misna Rasuulka scw uma jawaabin,mar seddexaad ayuu ku celiyay,markaasaa Rasuulka scw yiri:-waxaad cafinaysaan maalin kasta todobaatan goor".


* عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ قَالَ: «مَا نَقَصَتْ صَدَقَةٌ مِنْ مَالٍ، وَمَا زَادَ اللَّهُ عَبْدًا بِعَفْوٍ إِلاَّ عِزًّا، وَمَا تَوَاضَعَ أَحَدٌ لِلَّهِ إِلاَّ رَفَعَهُ اللَّهُ» (مسلم).


Abuu hureyra rc waxa uu Rasuulka scw ka wariyay inuu yiri:-saddaqo maal ma nusqaamiso Ilaahayna uguma kordhiyo addoon cafintiisa darteed,waxaan cisi iyo sharaf ahayn,ruuxna ilaahay dartii isulama yaraado illaa Ilaahay kor buu u qaadaa Maqaamkiisa".


Muhiimadda cafisku leeyahay darteed ayay Salafku ku sifaysnaayeen cafinta oo ay dadkana ku tir tirsiin jireen.

* سُئل أبو الدرداء رضي الله عنه عن أعز الناس؟ قال: "الذي يعفو إذا قدر، فاعفوا يعزكم الله" (إحياء علوم الدين للغزالي).


"Saxaabiga Abuu dardaa ayaa la weydiiyay dadka yaa ugu mudan,wuxuu yiri:- midka cafiya isaga oo aargudan kara ee iska cafiya dadka ilaahay ha idin ciseeyee"


* قال علي بن أبي طالب رضي الله عنه: "إذا قدرت على عدوك، فاجعل العفو عنه، شكرًا للقدرة عليه" (المستطرف للأبشيهي).


"Cali ibnu abuu daalib rc wuxuu yiri:- hadaad cadowgaada ka gacan sarayso intaad cafido ka dhigo cafiskaas shukri iyo mahad naq aad alle dartii ugudanayso"


* قال معاوية بن أبي سفيان رضي الله عنه: "عليكم بالِحلْم والاحتمال حتى يُمْكِنُكُمُ الفُرصةُ، فإذا أمكنكم؛ فعليكم بالصفح والإفضال" (إحياء علوم الدين للغزالي).


"Mucaawiye ibnu abii sufyaan rc waxa uu yiri:-waa inaad dulqaadataan oo cadowgiina cudurdaarka ubadisaan,ilaa ay fursadu idiin saanaxdo inaad ka adkaataan,oo markaad ka adkaataana waa inaad cafis iyo wax siin isugu dartaan"


* قال الحسن البصر? رحمه الله: "أفضلُ أخلاق المؤمن العفو" (الآداب الشرعية لابن مفلح الحنبلي).

"Xasanul bisri rx wuxuu yiri:-dabeecadda muuminka midda ufadli badan waa cafiska"

* قال سعيد بن المسيب رحمه الله: "ما من شيء إلا والله يُحبُّ أن يُعفَى عنه ما لم يكن حدًّا" (موطأ مالك، كتاب الأشربة).


"Saciid ibnu musayb rx wuxuu yiri:-wax kasta oo jira Alle wuxuu jecel yahay in layska cafiyo haddii uusan ahayn xuduud la soo rafciyay oo ay tahay in dadka loo kala qaado"


* قال الأحنف بن قيس رحمه الله: "إياكم ورأي الأوغاد، قالوا وما رأى الأوغاد؟ قال الذين يرون الصفح والعفو عارًا" (المستطرف للأبشيهي)


"Axnaf ibnu qays wuxuu yiri:-waxaan idiinka digayaa rayiga dadka qalbiga xun ee aan waxba ku turnayn,waxay yiraahdeen oo muxuu yahay ra'yigaasi dadka qalbiga xun' wuxuu yiri:-waa kuwa cafiska iyo saamaxaada ceeb u arka".


Ugu dambayntii walaalayaal waxaa naka gudboon inaan ku camal falno cafiska iyo saamaxaada udub dhexaadka u ah diinteena macaan.


Abdullahi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip