Soonka Maalinka Caashuura Sabtida 24 Oct

0
Tuesday October 20, 2015 - 02:22:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Soonka Maalinka Caashuura Sabtida 24 Oct

    )░(¨°★) (*صيام يوم عاشوراء*)★) °¨)░(

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

)░(¨°★) (*صيام يوم عاشوراء*)★) °¨)░(
Waa Fadli Iyo Fursad aad u wayn Sabtida ahna 24 Oct
Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee, wuxuu inuu jeediyey oo Sunno nooga yeelay inaan Soono maalmo aan ahayn Bisha Radaman. Waxaa maalmahaas ka mid ah Maalinta Cashuura.


Hadaba Maalinta Caashuuraa aan ka barano Saxaabigii Waynaa ee Mucaawiyah Binu Abi Sufyaan Ilaahay Raali haka noqdee. Wuxuu Yiri Mucaawiye:

Waxaan maqlay Rasuulke Eebe(NNKH) isagoo dhahaya” Maanta waa maalintii Caashuura, la idinkumana qorin, aniguse waan soomi, qofkii doonaa ha soomo, kii kalane ha a furo” Waa Mutafaqu Calayhi.

Nabiguna inuu maalintaa Sooma waxay sababteeda ahayd, iyada oo maalintaasi ay tahay maalin uusoomi jiray walaalkiis Nabi Muuse Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, waana maalintii Eebe uu ka badbaadiyey Fircoon.

Wuxuu warinayaa Ibnu Cabaas Eebe Raali haka noqodee : Nabigu (NNKH) markii uu yimid Madiina oo uu arkay inay Yuhuudu soomayso Caashuura, ayuu ku yiri muxuu yahay arinkan?, markaasay yiraahdeen waa maalin wanaagsan oo ilaahay kaga badbaadiyey Nabi Muuse iyo Banuu Israa’iil Codowgoodii, markaas ayuu soomay Nabi Muuse.

Kolkaas ayuu Nabigu ku yiri: Aniga ayaa idinkaga xaqbadan Nabi Muuse, markaas ayuu soomay dadkiina amray inay soomaan”. Waa mutafaqu calayh.

Sidoo kale Abi Muse Al-ashcari wuxuu yiri: ‘ Maalinta caashuura waxay ahayd maalin ay Yuhuudu waynayso ciidna ka yeelato, kolkaas ayuu Rasuulke Eebe(NNKH) yiri: " Sooma Idinka”. Waa mutafaqu Calayh.

Fadliga Maalinta Caashuura:

Waxaa kusoo arooray fadliga soonka maalinta caashuura Xadiiska uu warinayo Abi Qatada Eebe raali haka noqdee in Nabiga(NNKH) la waydiiyey Soonka maalinta caashuura oo uu yiri:” Wuxuuu dhaafayaa Dambigii Sanadii kore”. Waxaa jirta riwaayad kale oo oranaysa " soonka maalinta Caashuura waxaan xisaabsanayaa in la ii dhaafayo dambigii sanadkii hore”. Xadiiskalana wuxuu Nabiga(NNKH) uu ku leeyahay " qofkii Cashuura Sooma ilaahay Sanad ayuu u dambi dhaafaa”.

Albayhaqi wuxuu yiri: (Qofkii maalintaas la kulma oo xitaa aan lagu lahayn wax laga dhaafo, waxay u noqotaa Siyaado iyo koboc xasanaadiiska ah). Laakiin waxaa iswaydiin mudan dadkeena xilligan jooga talow dambi’ la’aani manahay?!

Hadaba, maalintaas waxay leedahay fursadahaas kor kuxusan oo waliba Nabigeena suubani uu noo balan qaaday, waa inaan ka faa’iidaysanaa oo ilaahay ugu dhowaanaa.

Yuhuuda, Waan khilaafaynaa!

Markii hore Nabiga(NNKH) wuxuu jeclaan jiray inuu Ahlu kitaabka ku waafaqo wixii aan amar kaga soo degin, laakiin markii dambe wuxuu amray in la khilaafo, waana reebay in lawaafaqo, wuxuuna go’aansaday inuusan maalinta 10aad ee caashuuraa keliya soomin, markaasna wuxuu noqday arinkaas mid lagu khilaafayo Yuhuuda oo iyada maalintaa kaliya soonta.

Arinkaasna waxaa loosoo daliishanayaa Axaadiis ay ka mid tahay:

Ibnu Cabaas Eebe raali ha ka noqdee wuxuu yiri: kolkii uu soomay Nabiga(NNKH) maalinta caashuura, uuna amray in lasoomo, waxay dadkii yiraahdeen: waa maalin ay waynayso Yuhuuda iyo Nasaarada! Kolkaas ayuu Nabigu yiri " Sanadka dambe -hadii Eebe imdo- waxaan soomaynaa maalinta 9aad”. Ibnu Cabaas wuxuu yiri: Sanadkii lamaba gaarin oo Nabiga ayaa la hor oofsaday(NNKH). Waxaana loola jeedaa inuu go’aansaday inuu soomo maalinta 9aad iyo maalinta 10aad.

Sidaas oo kale culumadu waxay sheegaan in Caashuuraa maalina laga horumarin karo maalina laga damaynsiin karo oo ay xikmadu tahay inaan Maalinta caashuura kaliya la soomin oo Yuhuuda la khilaafo.

Gaba-gabo

Maadaama uu cimrigu yahay mid dhamaanaya, Aakhirana ay naga sugeyso camal suuban, aduunyadiina dambi badatay, soo ma qumana inaan ka faa’iidaysano fursadaha yaryar ee laakiin Dambi dhaafka weyn lagu helayo.

Nabiga(NNKH) wuxuu yiri: Midka Caqliga badani waa kan naftiisa eedeeya ee aan is dhigan, midka Caajislowga ahna waa midka ilaahay meel cidla ah kutala saarta oo aan wax shaqo ah la imaanin.

Naga saari mayso kaliya, Ilaahay waa Naxariis badan yahay hadaynan la iman dambi dhaaf iyo Orod, sida aduunyaduba aysan ugu iman XAGLO LAABAN.

Taariikhda Soonka maalinta Caashuura:

Maalinta Jimcaha ee taariikhdu ku beegantahay 23 Oct waa 9aad ka (Taasuucaa) Muxaram, Maalinta Sabtida ahna 24 Oct waa maalinta 10k Muxaram (CAASHUURAA), 25 Oct waa 11ka Muxaram oo qofkii aan Jimcaha soomin ayaa soomi kara maalinta Axada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip