Soonkaan Ka Dhigo Kii Alle Ku Jeclaan lahaa

0
Thursday June 11, 2015 - 03:31:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4389
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 7
  • 14 0
  • Share via Social Media

    Soonkaan Ka Dhigo Kii Alle Ku Jeclaan lahaa

    ✿¸.·°*☆'اللهم بلغنا رمضان كما بلغتنا شعبان واجعلنا من الفائزين ✿¸.·°*☆

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

✿¸.·°*☆'اللهم بلغنا رمضان كما بلغتنا شعبان واجعلنا من الفائزين ✿¸.·°*☆

    KA DHIG SANADKAN SANAD AAD ALLAAH  U DHAWAATO 

بسم الله الرحمن الرحيم

Alxamdulilaah wa nastaciinuh.

Sidaynu wada ogsonahay ilaahay wuxu inoo abuurtay inaynu isaga caabudno keligiis,   keligiis u mahadcelino, sidaas awgeed waxa laga marmaan ah in markasta an xasuusano ilaahay oo  aan ogano in  aan nahay bini aadam, markastana aa n u bahanay cabsida ilaahay.



Sidaas awgeed golaha ducada soomaaliyed waxay idin soo gudbiyaan talooyin habka loga faa’idaysan karo sannadka cusub ee hijriga hadaba  an ka wada faidaysano. 

  1. Tawbad  run ah iyo dambi dhaaf waydisasho Ilaahay

Dadka badan waxay u arkaan towbada inay tahay oo kaliya  afka qofka inu ka yirahdo ilaahay ayaan dambi dhaaf waydisan, kelimadaha dambi dhaaf waydisiga Ilaahay iyo tawbada waxay ka koobanyihin Degida Qalbiga iyo ku camal falid waxa ka dhalanaya , istiqfarta an shurudahaas lahayn wa mid aan wax qiimo ah lahayn.

Culimada musliminta ilaahay  ha ka abaalmariye waxay cadeyeen xaqiiqada tawbada iyo istiqfaarta.

Imam alraaqib al-asfahaani wuxu ku qeexay[[ tawbada sharciga ah waxa weyaan ka tagida danbiga xun, iyo ka  Xumaansho samayntedi horre, iyo go’ansashada inaadan dib ugu noqon, iyo ka foganshaha waxyalaha keeni kara inaad dib ugu noqoto dambigaas, qofkay u kulmaan afartas shurudood waxa u oofiyey shurudi tawbada]] ka eeg Almufradaat fi qariib alquraan , altawbah.


Sido kale Imam alnawawi   isago ka hadlaya tawbada wuxu yiri [[ ka tawbad keenida dambi kasta waa waajib hadi dambigu yahay mid ka dhexeya ilaahay iyo adoonka waxay leedahay sadex shardi 

  1. inu ka tago macsiyadaas
  2.  inu ka murugodo sameynteedii
  3. inu  go'aansado inusan dib danbe ugu laaban,

hadii la waayo mid ka mid ah kuwaas towbadaas lama aqbalayo, hadise ay tahay mid ku lug leh xaqq qof kale waxa ku siyaadaya shardi afaraad  oo ah: inu ka idan qaato qofkii, hadii uu ahaa maal wa inu u celiyaa hadii u aha Xad  wa inuu ka argoosta qofki kale ama hadu doono u cafiyaa, hadi u xantayna wa inu ka xalaalaysta.]] ka fiiri riyadu salixiin safxada 41-42 sido kale culimada waxay isku wafaqeen in loo bahanyahay ficilka iyo hadalka iyo qalbigaba in lagala yimaado towbada ilaahay wuxu qurankiisa kariimka ah ku leeyahay.


[[ Rabigiina dambi dhaaf waydista wuxu ahaaday mid wax cafiya]] Sido kale waxaa lagama marmaan ah tawbada inaad isaga dheeraato goobta kuu fududaynaysaa samaynta dambigaas, ama saaxibada xun xun.  

2.   Allaah oo laga cabsado:

Culimada muslimiinta waxay caddeyeen  macnaha Alle ka cabsiga  tusaale Imam Alraaqib wuxu ku sheegay[[ in laga dhowro nafta waxa xun lagana tago wixii laga xarimay waxayna ku dhamaystirmin inaad isaga tagto mubaxaadka  qeybtood.]]


Sidaas awgeed   qofka aan naftisa ka dhawrin xumanta ma aha mid cabsi badan , qofki dhagtiisa  u raacraaciya wax ilaahay xarimay ama  indhihiisa ku fiirsada  ama u safra wax ilaahay caro galinaya  kama dhawrin naftiisa dambi , qofki  khilaafa amarka ilaahay  sameyana wixi ilaahay reebay kama mid aha kuwa cabsaday.

Taqwada ilaahay waxay ku imaaneysa isku xirid ilaahay iyo markasta oo ilaahay la xasuusto, lana fuliyo waajibaadka iyo in loo degdego  daacaadka.  

3.   Talo saarashada Allaah

Qofka muslimka ah waxaa looga baahanyahay inu ilaahay talo saarto, tala saarashada ilaahay waxa loola jeeda sida imaam qazaali ku macneyeey [[  tala saarasho waxa weyaan in qalbiga lagu xiro ilaahay kaligiis ]]


waa inaad niyada ku hayso in ilaahay kaligiis wax irsaaqo , kaligiis wax siyaadiyo, keligiis wax dhimo,  isaga kaliya ku dhibatayn karo kuna wanaajin karo, nolasha, geerida caafimaadka  ,xanuunka faqriga iyo  taajirnimada ay gacantisa ku jiraan ilaahay waxa uu kuuqoray  oo kaliya ay ku asiibayaan.


Arintaas waxay ku fududeyn inaad macsi badan uga tagto tala saarashada ilaahay.
 

 Cibadada ilaahay wakhti sii :


Qofka muslimka ah waxaa waajib ku ah inu waajibaadka  ka soo baxo oo ilaahay raali galiyo , waxa culimada muslimiinta ku macneyeen cibaadada ilaahay  oo loo  firaaqo noqdo wakhtiga aad samanaynso inaad qalbiga so xadiriso xaaladadana ay noqoto sidi xadiiska rasuulka scw aha:

[[ inaad ilaahay u caabudo sidi inaad arkayso hadadan arkayn adigu isagaa ku arkaya]] 
saxiixul muslim looma baahna in xalkeena noqdo sida dadka iyaga oo masjidka ku jira qalbigooda suuqa  ku maqanyahay  awooda ilaahay waa inay nagu weynaato. 

Dhamaan musliminta waxaa looga baahanyahay  inay ilaahay u tawbad keenaan wakhti kasta, dambi dhaaf waydistaan Allaah , niyadana an dhamanteen ku hayno umuuraha aan leenahay in ilaahay oo kaliya na siin karo.

Waxyabaha kale ee imaanka  noo siyaadin kara oo cabsida ilaahay quluubta ku weynayn kara waxa ka mid ah, barashada cilmiga sharciga ah iyo ku camalfalidisi sidi ilaahay amray.



U Soo duceey walahaaga kale 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip