Halista Xasadka
Xasadka Joooji
Calamaadihii lagu sheegay yahuudda oo ay u diideen in ay xaqqa raacaan waxaa ka mid ahaa xasadka waxuu ALLAH s.w ku yiri qur’ankiisa
Xasadka waxaa lagu micneeyay in qofka uu jeclaado nicmada walaalkiis in ay ka tagto yuusanba asga xataa heline.
Ruuxaa xaasidka ah waxaa uu nicbeystaa marka uu arko qof ALLAH nicmo siiyay sida cilmi,qurux,mansab iyo maal, waxuu ku dadaalaya asaga oo niyadda ka necbeysanaya sidii ruuxaasi nicmadaas uu heysto uga tagi laheyd.
Qofka xaasidka ah ma ahan ruux mu’min ah sida xadiiskii rasuulka S.C.W oo uu leeyahay qof qalbigiisu kuma kulmaan iimaan iyo xasadnimo
"قال صلى الله عليه وسلم ( لا يجتمع في جوف عبد غبار في سبيل الله وفيح جهنم ، ولا يجتمع في جوف عبد الإيمان والحسد
Calamaadihii lagu sheegay yahuudda oo ay u diideen in ay xaqqa raacaan waxaa ka mid ahaa xasadka waxuu ALLAH s.w ku yiri qur’ankiisa
"قال تعالى ( ود كثير من أهل الكتاب لو يردونكم من بعد إيمانكم كفاراً حسداً من عند أنفسهم من بعد ما تبين لهم الحق ) .
Dambigii ugu horeeyay ee lagu sameeyo samada waxaa sabab u ahaa Xasadka, Rabbi s.w waxuu leeyahay.
"قال تعالى ( وإذ قلنا للملائكة اسجدوا لآدم فسجدوا إلا إبليس كان من الجن ففسق عن أمر ربه )
Sheydaan in uu diido amarka Rabbigii abuuray waxaa sabab u ahaa waa XASADNIMO waxaa uu xasadayaa nabiyyullaah Aadam C,S,W.kibir iyo xasadnimo darteed.
Sidoo kale dambigii ugu horeeyay ee dhulka lagu sameeyo waxaa sabab u ahaa XASADNIMADA, aayad kaloo qur’an ah RABBI waxuu noogu sheegay.
"قال تعالى ( واتل عليهم نبأ ابني آدم بالحق إذ قربا قرباناً فتقبل من أحدهما ولم يتقبل من الآخر قال لأقتلنك قال إنما يتقبل الله من المتقين ) .
Waa ilmo aadam oo is dilay iskuna dilay kadib markii mid ka mid ah la xasaday.
Qaybti kobaad
Halista Xasadka
Xasadka Joooji