Mux Allah Oo Latala Saarto Laku Kalsoonaado Codla Wa carabi Qoralkana Somali

0
Sunday January 27, 2013 - 17:31:35 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 4993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mux Allah Oo Latala Saarto Laku Kalsoonaado Codla Wa carabi Qoralkana Somali

    Waa Muxadaro Af Carabi ah Oo Uu Soo jeedshay Calaamah AL Muxadith Sh cabdul Wahaab Xafithahulah Muxaadaradaan Oo Ka Hadli Doonta tala Saarashada ALlah Iyo Ku Xirnaanta Xili KAtoo Dhib Kula SOo Gudboonato Waxaan U badali Doonaa Afkeena Somaliga kafaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Muxadaro Af Carabi ah Oo Uu Soo jeedshay Calaamah AL Muxadith Sh cabdul Wahaab Xafithahulah Muxaadaradaan Oo Ka Hadli Doonta tala Saarashada ALlah Iyo Ku Xirnaanta Xili KAtoo Dhib Kula SOo Gudboonato Waxaan U badali Doonaa Afkeena Somaliga kafaaidaysi Wacan

Xaqiiqatan muxadaradaan waxay ku baxday luqada carabiha oo ah luqadeena asalka luuqada islaamka luqada quraanka balse inbadan oo somalida kamid ah waxaa suuragal in aysan fahmin anaga reer altaqwa ahaan waxaan idinka balan qaadnay in aan fasirno oo idiin soo badalno webkana idin soo galino

Waa muxadaro dhisaysa qofka himadiisa iyo calaaqada uu allah la leyahay waa muxadaro xambaarsan qisas iyo cibar kugu xiraysa la noolanshihii nabiyada iyo salixiinta.

Waxaa uu sheekhu si quta dheer uga hadlay tala saarasha allah

Waxa uu sheekh cabdu wahaab abu hamaam uu dulistaagay Thiqatubillaah , waxa uu yiri sheekhu

Qaala sheekhu >>>>Qof walba oo muslim ahna waxa loga baahanyhay alle inu kalsoonidiisoo dhan siiyo waxaana nooga filan waxwalba waxay soo mareen nabiyadii oo dhan ayagoo kalsoonidoodi alle siiyay hadaan soo qaadano ibraahim csw


Nabi ibraahim markii uu burburshay asnaamta ay caabudi jireen qoomkii loosoo diray qiiro iyo kalsooni awgeed. Allena aayadau ayuu soo dajiyay quraankiisa uu ku leeyahay naaray :naaray ibraahim qabow iyo naxariis unoqo kuwa alle u shirki yeelayna naaray kulayl ku noqo oo cadaab marsii naartaas qiiqeedu dhulka iyo cirka inta udhaxaysa uu qiiqeedii gaarayna alle wuu ka leexshay wuuna ka nabad yeelay ibraahim,

ibraahim wuxuu ahaa mid dhaha marwalba xasbiyallahu wanicmalwakiil
Ibn cabaas wuxuu yiri allaha kawada raali noqdee xasbiyallaha wanicmal wakiil nabi ibraahim iyo nabi muxamed calayhimaa salaatu wasalaam waa ay wada yiraahdeen ibraahimn waxa uu yiri markii dabka lagu tuurayay nabi muxamedna markii la isku soo bahaystay ee lagu cabsi galaiyay. Qawkii alle
الذين قال لهم الناس:إن الناس قد جمعوا لكم فاخشوهم فزادهم إيمانا وقالوا:حسبنا الله ونعم الوكيل)
Ee ah kuwuu Dadku (Gaaladu) Dadkii baa idiin kulmay ee ka Cabsada oo u Siyaadiyey iimaan , oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay Isagaana u Fiican Wakiil.


Wuxuuna yiri alle ayaa i xifdinaya asagaana i raacaya
nabbi muxamed markii gaaladu ay isu soo diyaarsheen inay ka takhalusaan asaga iyo dacwadiisa oo nabiguna uu warku soo gaaray wuxuu ku jawaabay iyo asxaabtiisa oo ku kalsoonaa alle Kaafiyahanagu waa Ilaahay

Markii alle uu la donay nabi ibraahim inuu wajaho makka oo ahayd meel saxaro ah cidna aysan joogin dadna ku noolayn mana joogo qof hadduu gaajoodo cuna siinaya waa makka oo cidna aysan joogin ayuu u beer adaygay oo uu aaday kalsooni uu alle ku qabo,waa uusoo kaxaystay xaaskiisa iyo cunugiisa oo markaas dhashay ,markii uu makka yimid ayuu kaga tagay xaaskii saalixada ahayd iyo ilmihii kadibna wuxuu u baqoolay shaam xaaskii waxay leedahay yaad nooga tagtay ibraahim?yaa noo maciina ?lkn ibraahim csw waa uu ku adkaystay waxuuna yiri alle ayaan idiin ka tagay asagaana idin xifdinaya asagaana idin quudaya markaasay tiri ibraahimow ma alle ayaa ku amray sidaan iska tag alle nama dayacayo haduu ku amray inaad shaam aado,
kadib alle wuxuu qadaray meeshii baadiyaha ahay oo saxarada ahay inay noqoto meel dad ku noolaadaan meel umad ku abuurantay meel xaaskii ay aysan ku cidloon, makka waxay noqotay meel meel barakaysan meel ilaa iyo hadda barakadii dacwada nabi ibraahim ku hartay

Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan been lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan
Alle wuu aqbalay ducadii ibraahim meeshii uu uga tagay caruurtiisa ilaahay wuxuu ubadelay meel barwaaqo ah oo ehel iyo maciin iyo nolol leh
Hadaan ugudubno nabbi muuse o ahaa nabi alle soo dirsaday rabigiisana ku kalsoonaa ,markii muuse csw uu fircoon u hanjabay soona eryaday markaasuu alle wuxuu muuse amray inuu aado reer bani isra,iil kuwooda alle rumeeyay nabi muusana nabi iyo rasuul ka dhigtay
Maalinkii 2aad fircoon wuxuu soo diyaarsaday askartiisii muusana wuxuu u dhawaaday badda muuse asxaabtii la socotay waxay arkeen baddii oo ka horaysa iyo cadawgii ooka danbeeya .
Raggii la socday muusana baqdin iyo argagax ayaa lasoo darsay waxa dhexmaray hadal muuse iyo raggiisii aayadahaana way soo dageen ayadoo mucjisoyinka alle uu muuse ku taageeeray


Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.

Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.

Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.

Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).

Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.

Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
Allena saasuu ku halaagay fircoon iyo wuxuu la socday uuna ku badbaadshay muusse iyo dadkii lasocday ookalsoonidooda alle siiyay saasuuna alle ubadbaadshaa qof walba oo asaga ku kalsoonada iimaankiisana wuu siyaadsha

Qisah Qisah Qiasah


Nabbigeena muxammed csw waxa uu nooga sheekeeyay nin barigii reer bani israil caabid ahaa alle ku kalsoona ,waana jurayj
Jurayj oo maalin maalmaha kamid aha asagoo tukanaya ayaa hooyadiis ugu timid meeshii yarayd ee uu ku tukan jiray wayna u yeertay markaasuu asago salaada ku jra rabiyow salaada miyaan wataa mise hooyaan u jawaabaa lkn wuu iska watay salaadiisii ,maalinkii 2aad ayay timid hooyadii asagoo tukanaya markaasay tiri yaa jurayj jurayj wuxuu ir yaa rabi ma hoyaan ujawaaba mise waan wataa salaadayda sidii kale wuu watay salaadiisa.hoyadiis murugada way u adkaysan wayday intaa ka badan waxayna tiri allow jurayj waxaan tabanayo oo murugo ah tus ,dadkii meesha daganaa way ogaadeen waxay dhaheen yaa fitnaynaya jurayj ,markaasaa naag fitnoolay ahay waxay tiri aniga ayaa fitnaynaya ee idinku igu haleeya


Waxayna isku soo bandhigtay jurayj hase ahaatee jurayj wuxuu ahaa nin alle ku xiran on waxaas qalbigiisu aqbalayn allena wuu ka badbaadshay inuu ka sinaysto fitnoolaydaas ,kadib waxay utagtay nin ari raac ahaa si uu uga sinaysto wuuna ka sinaystay oo wuu aqbalay ,markii uu ilmo ka dhalay ayuu ayay ula timid boqorkii magaalada iyo dadkii waxayna tiri ilmahaan waxa dhalay jurayj ,intaas wixii ka danbeeyay waxa loo adeegsaday amaro iyo awood jurayj ,buulkiisii yarka ahaa ayaa la yimid kadibna waa la burburshay asna waa dilay asna sababta ma oga markaasuu yiri war maxaad iga rabtaan maxan sameeyay?markaasay dhaheen waaad sinaysatay,
Jurayj diintiisa ayaa la dhaawacay meel ayaa loga dhacay wuxuu smaeeyo ma yaqaan,majirto maxkamad qadiyadaas furay cadaalad daba galaysa maleh lkn marwalba alluu rajaynayaa jurayj
Markii lasoo qabtay dadka la horkeenay laguna tuhmay inuu sinaystay arrintiina meel xun marayso ayuu jurayj diintiisii sii adkaystay wuxuuna ku yiri :halmar isiidaaya aan tukadee ,wuu tukaday markaasuu u yimid wiilkii lagu dhalay sinada markaasuu caloosha ka gashay farihiisa asagoo leh wiilyahow yaa ku dhalay ,markaasuu yiri wiilkii aabahay waa habel hebell oo xoolo raaca ah
Markaasay dadkii yaabeen oo u yimaadeen ayago ka curdudaaranaya jurayj waxayna dhaheen buulkaaga dahab ayaan kaaga dhisaynaa,markaasuu yiri maya ha iiga dhisinina,markaasay hadana dhaheen fiddo ayaan kaaga dhisaynaa,markaasuu yiri maya marabo ,wuxuu yiri u celiya meeshaad ka keenteen ,xaqiiqadiina alaha uu caabudi jiray ar iyo habeen ayaa banaanka soo dhigay oo ka hadalsiiyay ilmihii yarka ahaa ayadoo

Qisah Qisah Qisah.


Abuhurayra ayaa wuxuu leehay nin asxaabada rasuulka asxaabi kamid ah ayaa usoo galay naagtiisa :markaasay naagtii ku tiri cuno mahaysano wax lacuno mayaalaan ,ninkii wuu baxay wuxuu sameeyana mayaqaan .lkn naagtiisa o ahayd mid allaheeda ku kalsoonayd ayaa waxay baryaysaa alle intay gacmaheeda kor utaagto rabbiyow na quudi ,alle wuu u aqbalay guriga wax walba ooka maqnaa way ka buuxsameen cajiin kii wuu u yimid dharigaa ay wax ku karsan lahaayeen alle ukeenay ducadiina wuu u aqbalay .ninkii wuu soo noqday daqiiqado kadib wuu la yaabay wuxuuna yiri halkee ka keentay cuntadaan waa ayadii daqiiqado kahor gurigu marnaayeen,markaasuu leeyahay halkee ka keentay rasuulka ayuu soo tusay una sheegay wixii dhacay rasuulku wuxuu yiri haddii aadan uqabsan lahayn waxba ilaa maalinka qiyaamaha gurigiina cuno lagama waayi lahayn oo dabkuna idinkama dami lahayn. Allahu akbar allahu akbar maxaan maangtay uga baahanahay tala saarashada allah subxanahu watcaalaa.

Sheekhu intaan ayuu ku soo gaba gabeeyay waxaa jiray sualo la waydiiyay laakin walahi duubayay ayaan duubin sualahas oo kal aahaa sual ku saabsanayt qaybaha tawxiid iyo goorta la soo bilaabay in la qaybiyo iyo cidsii ugu horeeysay oo uu sifiican u kala dhigay

Sido kale waxaa la waydiiyay u dabaal daga mawliidka iyo qaso ay soo dalishadaan ee nashiidada dalacal badru calaynaa oo uu shekh sheekhey in sanadkeedu daciif yahay lana dalishan Karin booskaana aysan daliil u ahayn .

Waxaa idin soo gudbinaya .

Golaha isbadalka shacabka somaliyeed





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip