Qissah : Duco Wiil Baari Ah , Aaabahiis u Duceeyay

0
Wednesday August 06, 2014 - 18:33:08 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 8724
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 6 0
  • Share via Social Media

    Qissah : Duco Wiil Baari Ah , Aaabahiis u Duceeyay

    أمن يجيب المضطر إذا دعاه ويكشف السوء ويجعلكم خلفاء الأرض أإله مع الله قليلا ما تذكرون

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

أمن يجيب المضطر إذا دعاه ويكشف السوء ويجعلكم خلفاء الأرض أإله مع الله قليلا ما تذكرون Waxaa Jiray Wiil raggi wanaagsana ka mid ah.. waxuuu ahaa mid jecel dadka aqyarta ahlu diinta ah mar walba inuu xariiriyo oo la fadhiisto , waxuu lahaa Aaabo dhib badan oo aan jecleen dadka wanaagsan , markuu arko wiilkiisa oo ragg aqyaar la jooga guriga ayuu ka burin jiray raggas wanagsan gurigeyga iyo wiilkeyga ka dheeraada asoo dhahayo ,, wiilka taas baa mar walba dhaawaci jirtay qalbigiisa wuuna ka murugoon jiray ...Lakin Wiilkaas waxuu aha mid diinta yaqaano oo mar walba aabahiisa u duceeya ,, Habeen habeenada ka mid ah ,, Ayuu Salaatu Leyl u kacay intii rakcadood uu awooday ayuu tukaday , rakcadi ugu danbeysay ayuu Ducadii uu waalidkiis u duceynayay Bilaabay gacmaha ayuu kor u taagtay waxuuna bilaabay inuu aabahiisa Hanuun ugu duceeyo ,, wax badan kama soo wareegin Illa uu wiilkii isagoo duceynaayo Ilin iyo ooyin ka timid oo aad ugu duceeyay aabahiisa inuu Allah so hanuunsho cabsi uu u cabsanaayo aabahiis xumaanta uu ku jiro ,, Isagoo ducadiisa iska watta ayaa Nasiib wanaag waxaa guriga soo galay aabahiis oo ka yimid magaalada iyo meelahii uu aadi jiray ka so labtay saacaddane waxee eheed thuluth kii danbe ,, Odaygii guriga markuu soo Galay ayuu maqlay cod ooyin ah , wuu yaabay qofka oonaaya oo cod dheer ah ,, wuu yaabay waxuu u soo dhawaaday qolkii wiilkiisa , Markuu soo Gaaray albaabka ayuu waxuu maqlay codka wiilkiisa , Tolow Wiilka maxuu la oonooyaa? Wiilkii waxuu ku celcelinooyaa Allow Aaabahey soo Hanuuni ,Yaa Rabbi Jidka toosan tus aabahey,, Yaa Rabbi aabahey Xumaanta iyo necebka dadka aqyaarta wanagsan uu necebyahay ka tirtir.. Aaabahii markuu maqlay wiilka oo ooynaayaa oo u duceynaayaa intuu jilbaha dhulka dhigtay ayuu isna meesha oohin ka bilaabay markuu is celin wayay ,, Isagoo leh wiilkeyga asne hanuun ayuu iigu duceynaa anne waa dhibaa ,, wiilkeyga hanuun igu duceynaa anne wa la dagaalamaa , wiilkeygi qeyrka ayuu ila rabaa anne waa la dagaalama, asxaabtiisa ayaa ka buriya guriga ,, meesha ayuu ka sii waday oohintii ,, illa markii danbe wiilkii Salaadda dhameeyay kadib ayuu damcay inuu qolka ka soo baxo ,, waxuu arkay aabahiis dhulka fadhiya oo oonaayaa ,, markuu aabahii arkay wiilkiiisa ayaa waxuu bilaabay inuu aad u sii ooyo isago leh iska kee cafi wiilkeygiyoow ,, iska kee cafi xumaantaas dhan waa ka tagaa mar danbe kuma dhibaayo iska kee cafi ...

Aaabahi Allah baa ducadii wiilkiisa u aqbalay , waxuu Noqday Nin wanaagsan oo jecel aqyaarta iyo ahlu diinta , Waxuu Noqday Mid salaadda tukata , weliba wiilkiisa ayee habeenkii salaatu leyla isla tukadaan ayuu bilaabay ,
Allahu Akbar Allahu Akbar , Walaalkeygiyow ,,, Walaasheydiyeey ,, BillaH Caleykum Hadii Caruurtiina idinka Xumaadeen ;Haddi Zowjkiina ama Zowjadiina aan salaada Qamri iyo xumaan laga reebi la yahay ,, Hadii Awlaadiina Caasiyaal idinku Noqdaan, Hadii waalidkiina dad xumaan ku Jira Noqdaan , Hadii walaalahiisa Heeso iyo waxyaalo xun xun ku jiraan ,, Rabbi waa Mujiibu Ducaa , Haka Quusanin Inaad Salaadda U istaagtid Habeenkii saqdhexe, Slaatu Leyl Ugu Ducee , Waxaa Hubaal Ah Ducadaas Inuu Rabbi kaa Aqbali Doono In sha Allah.. Intaad dhihi Leheed Shiekhow iigu soo ducee awlaadaa iga halaabeen Adiga u Istaag Rabbi oo Duceee ,,
أمن يجيب المضطر إذا دعاه ويكشف السوء ويجعلكم خلفاء الأرض أإله مع الله قليلا ما تذكرون


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip