[] Xadiiska Maanta [] Tiirarka islamka []

0
Saturday January 19, 2013 - 13:37:19 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 5650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [] Xadiiska Maanta [] Tiirarka islamka []

    [][]~~~ Xadiiska 2aad ~~~[][] [][]~~Tiirarka islaamka ~~[][] Waxaa Laga Wariyey Cumar Binu Khadaab {Allah Ka Raali Noqdee} inuu Yiri Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Annagoo Nabiga {CsW} La Fadhinna Ayuu Nagu Soo Baxay Nin Aad U Dhar Cad Aadna U Tima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[][]~~~ Xadiiska 2aad ~~~[][] [][]~~Tiirarka islaamka ~~[][] Waxaa Laga Wariyey Cumar Binu Khadaab {Allah Ka Raali Noqdee} inuu Yiri Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Annagoo Nabiga {CsW} La Fadhinna Ayuu Nagu Soo Baxay Nin Aad U Dhar Cad Aadna U Tima Madow Oo Aanay Ka Muuqan Astaan Safar Nin Yaqaanana Nagu Jirin Ilaa Uu Nabiga Ag Fariistey Markaasuu Jilbaha Jilbaha U Saaray Baabacooyinkiisana Kor Saaray Bowdada Nabiga {CsW} Markaasuu Ku Yiri Muxammadow II Sheeg Islaamka. Markaasuu Rasuulkii Alle { CsW} Yiri Islaamku Waa Inaad Qirto Inaan Ilaah Jirin Xaq Lagu Caabudo Alle Ma Ahee Nabi Muxamadna Rasuulkii Alla Yahay Inaad Oogtid Salaadda Bixisid Sakada Soontid Bisha Rammadaan Iyo U Xajidid –Baydka Alla Hadii Aad Awoodid Markasuu Yiri Run Baad Sheegtay Markaasan La Yaabnay Ninka Wax Warsanaya Ee Haddana Leh Run Baad Sheegtay Haddana Wuxuu Ku Yiri: Iisheeg iimaanka Markasuu Yiri Iimaanku Waa inaad Rumeysi Alle iyo Rasuulkiisa Maalinta Qiyaamaha iyo Qaddarka Alle Shar iyo Kheyrba Wuxuu Yiri Run Baad Sheegtay Wuxuu Yiri: Haddana II Sheeg Ixsaanka. Wuxuu Yiri Ixsaanku Waa inaad Alle U Caabudid Sidii Adigoo Arkaya Maxaa Yeelay Haddii Aadan Arkeyn isagaa Ku Arkaya Wuxuu Yiri: iiga Warran Saacada Markay Dhacayso Wuxuu Yiri: Nabiga {CsW} Kaagama War Rooni Wuxuu Yiri Iiga Waran Calaamadaha Lagu Garto Markay Soo Dhawaato Wuxuu Ku Jawaabay in Aaddoontu Dhasho Sayidkeed iyo in Dadka Kabaha La’Ee Tartamaan Sara-Dhis Markaasuu Iska Tegey Markii Nabiga Cabaar Aamusnaa Ayuu Yiri Cumarow Ma Garanaysaa Ninkii Wax i Warsanaayey ? Markaasaan Iri Alle Iyo Rasuulkiisaa Og. Wuxuu Yiri Nabiga {CsW} Wuxuu Ahaa Jibriil Oo Idiinku Yimid inuu idin Baro Diintiinna. []~*~Waxaa Wariyey Muslim:~*~[] [][] Sharaxa Xadiiska [][] Xadiiskani Wuxuu Koobay Saldhigyada Diinta Islaamka Oo Ah Tiirarka Islaamka Islaamka Tiirarka Iimaanka iyo Daacadnimada . Marka irridda Laga Gelayaa Diinta Islaamka Waa inaad Qito Ikhtiyaarkaada in ilaah Jirin Xaq Lagu Caabudo Alle Ma Ahee in Nabi Muxammad Rasuulkii Alle Yahay Tiirka Labaad Ee Diinta Waa Salaadda Qofkii Ka Tagaana Waa Qof Alle Ku Kufriyey Tiirka 3aad Waa in La Bixiyo Sakada Qofka Leh Xoolo Ay Ka Waajibtay Tiirka 4aad Waa in La Soomo Bisha Ramadaan Oo Laga Reebtoomo Cuntada Cabida iyo Galmada U Dhexeysa Raga iyo Haweenka Laga Bilaabo Waaberiga ilaa Qoraxdu Ka Dhacdo Tiirka 5aad Waa inaad U Xajidid Beydka Alle Ee Makka Ku Yaalla Waxaana Laga Rabaa Tiirkan Qofka Awoodda U Leh Marka Tiir Kasta Oo Ka Mid Ah Shantaa Wuxuu Ku Fadhiyaa Saldhig Weyn Oo Leh Xididdo Furuuc Badan Haddaad si Faahfaahsan U Rabtid Waxaad Ka Heli Kartaa Kutubaha Fiqiga Tiirarku Iimaanku Iyagu Waa Lix (6) Oo Kala Ah: (1) inaad Rumeyso Si Dhab Ah U Ictiqaadiso Jirista iyo Midnimada Alle (2) inaad Rumeyso Jirista Malaa’ikta Oo Ah Khalqi ilaahay Ka Uumay Nuur Oo innaga Duwan (3) inaad Rumeyso in ilaahay Kutub Hanuun iyo iftiin Gudcurka Nolosha Looga Baxo ah Soo Dejiay Ee Uu U Dambeeyey Laguna Khatimay Kitaabka Qur’aanka: (4) inaad Rumeysid in ilaahay Rusul Soo Diray Ee Uu U Suubbanaa Muxammad {CsW} (5) inaad Rumeysis Maalinta Xisaabta Oo Ah inay Jirto Maalin La Xisaabi Doono Dadka Waxay Faleen Dhimashada Kaddib La Soo Saari Doono Lagana Abaal Marin Doono Waxay Geysteen Samaan iyo Xumaan. (6) inaad Rumeysi Dhacdooyinka Ka Dhacaaya Dunida inay Yihiin Wax ilaahay Qaddaray Shar iyo Kheyrba : Tiirka iimaanka Waa Camal Qalbiga Ku Xiran Qofka iyo ilaahay Un Baa Og Inuu Run Sheegay iyo In Kale Mana Laha Furuuc Badan Oo Muuqanaysa Sida Tiirarka Islaamka: Arrinta 3aad Ee Saldhigga Islaamka Waa Ixsaanka Waxaana Dhihi Karnaa Waa Dhuuxa Islaamka Haddii Aanu Geed Dhuux Laheynna Isma Taagi Karo Marka Ixsaanka Waxaa Loola Jedaa in Ay Qofka Dhab Ka Tahay Rumeynta Diinta Islaamka Waa inuu Si Daacad Iyo Hagar La’aan Ah Ugu Camalfalo Sharciga islaamka Waa inuu Alle U Caabbudo Sidii Asagoo Hortaagan Maxaa Yeelay Hadii Aanu Qofka Arkeyn ilaahay Asagaa Arkaaya. Markii Saldhigyadii islaamku Dhamaadeen Ayuu Warsaday Jibriil Nabiga{CsW} Waqtiga Qiyaamuhu Kacaayo Wuxuu Ugu Jawaabay Kaagama War Rooni Sababtoo Ah Waa Arrimaha Cilmigooda ilaahay la Keli Noqday Oo Aanu Dadka isku Shuqliya inay Wax Ka Sheegaan Cilmi –Qeybka Sida Kuwa Dhaha Dunidu Waxay Jireysaa 7.000 Oo Sano Ama 4.000 iyo Shey iwm iney Sheeko Baraley Tahay Wuxuu Warsaday Haddana Jibriil Astaamaha Lagu Ogaado in Qiyaamuhu Dhowyahay Wuxuu Sheegay Nabiga{CsW} in Astaamaha Ay Ka Mid Yihiin in Adoontu Sayidkeeda Dhasho Waxay Ku Fasireen Culimadu inay Badan Donaan Caruurta Waalidkood Ku Caasi Noqonaaya Oon U Aabbo Yeeleyn Xurmadu Sharafta iyo Xannaanada Waalidka Ka Mudan Yahay Caruurtooda ilaa ay Ka Gaaraan Heer Ay Ula Dhaqmaan Hooyadooda Sidii Addoon Ay Leeyihiin Ama Qof Ciidan Ah Oo Shaqeeya Waxaa Ka Mid Ah Calaamadaha Saacadda in Dadka Reer Baadiyaha Ah Ee Cayrta Ah Ay Qabsan Doonaan Magaalooyinka Kuna Tartami Doonaan Saraha Dhaadheer Isuguna Faani Doonaan. ………………Faa’iidada Xadiiska……………….. 1-Waxaa Lagau Koobay Xadiiska Saldhigyadii Diinta Islaamka 2-Waxaa Lagu Sheegay in Waqiga Qiyaamuhu Kici Doono Alla Oo Keliya Og Yahay Hadii Cid Loo Sheegi Lahaa Waxaa Loo Sheegi Lahaa Malaku –Jibriil iyi Nabi Muxamed{ CsW } 3-Qofka Muslimka Ah Waxaa Ku Haboon inuu Ku Dadaalo Nadaafadda Dharkiisa Iyo Heybaddiisa Sida Jibriil U Soo Labbistay Oo Kale; By Abdirahman Abukar Diini


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip