Xadiiska Maanta [] Miisaanka Camalka Waa Niyadda

0
Friday January 18, 2013 - 20:07:53 in Maqaallo by Somali islamic
  • Visits: 4046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadiiska Maanta [] Miisaanka Camalka Waa Niyadda

    [][] Xadiiska Koowaad [][] [][] Misaanka Camalka Waa Niyadda [][] ------------------------------------ Waxaa Laga Wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibni Khadaab Allah Ka Raali Noqdee inuu Yiri Waxaan Maqlay Nabiga { CsW} Oo Le

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[][] Xadiiska Koowaad [][] [][] Misaanka Camalka Waa Niyadda [][] ------------------------------------ Waxaa Laga Wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibni Khadaab Allah Ka Raali Noqdee inuu Yiri Waxaan Maqlay Nabiga { CsW} Oo Leh Camalku Waxaa Saldhig U Ah Niyadda Qof Kastana Wuxuu Helaa Niyaddiisa Marka Qofkii U Hijrooday Ilaahay Dartii iyo Rasuulkiisa Wuxuu Helayaa Ajar ilaahay Qofkii U Hijrooda inuu Adduunyo Helo Ama Gabar Uu Rabo Guurkeeda isna Waxaa Lagu Abaalmarinayaa Niyadiisa Oo Ilaahay Ka Sugi Maayo Abaalgud Waxaa Wariyay Al=Bukhaari iyo Muslim ~~ ^ Sharaxa ^ ~~ Xadiiska ~~^ Niyadda Waxaa Looga Jedaa Marka Qofku Shaqo Qabanaayo Wuxuu Ula Jeedo Ama U Qasday Leeyahay Marka Niyaddu Waa Saldhiga Camalka Qofka Muslimka Ah Waana Miisaanka Camalka Lagu Qiyaaso Marka Hadii Niyaddu Saafi Tahay Oo Lillaahi Loola Jeedo Rasuulkii Allana Howshaa Lagu Raad Raacayo Camalkii Waa Ansaxay Haddiise Wax Kale Lagu Dheeho Ama aan Rasuulkii Lagu Raad Raaceyn Camalkii Waa Buray Hijradu Waxay Ahayd in Markii Gaaladu Haysatay Makka Laga Tago Oo Lagu Biiro Xarunta islaamka Ee Mediina Taana Waxaa Loola Jeeday in Qofku Ja Guuro Meesha Aannu Ku Haysan Inuu Ugu Dhaqmo Diinta Islaamka Si Xurriyad Ah ~~ ^ Faa’idada Xadiiska ^ ~~ Wuxuu Noo Faa’ideynayaa Xadiiskaani Arrimaha Soo Socda 1- inaan Camalku Ansaxeyn Niyad Suuban La’aan 2-in Qofka Kaga Abaalmariyo Camalkaa Uu Niyad Wanaag U Falo Shareecadana Waafaqsan 3-Camalka Akka Aqbalayo inuu Yahay Kan Isaga Dartii Loo Falay Hagar La’aan Sgareecadana Waafaqsan 4-Qofkii Camalkii Uu Falay Ee Shareecada Waafaqsanaa Ku Dara is Tus-Tus Ama Uga Gogol Leh Camalkaa Adduun ku Hel Ama Ha Lagu Ammaano Ee Magac iyo Maal Doon Ah Waxaa Buraya Ajarkiisa Oo Ilaahay Waxba Ka Sugi Maayo By:Cabdiraxman Binu Abubakar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip