Kitabka Qawacid arbaca Dhamantiis

2
Friday May 23, 2014 - 23:48:29 in Ogeysiis by Somali islamic
  • Visits: 11581
  • (Rating 4.7/5 Stars) Total Votes: 43
  • 60 6
  • Share via Social Media

    Kitabka Qawacid arbaca Dhamantiis

    Waa kitaabka Qawaacid arbaca Dhamaantiis Wa Kitabka Kobad kutubta Musalsalka Caqidada iyo tawxidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kitaabka Qawaacid arbaca Dhamaantiis Wa Kitabka Kobad kutubta Musalsalka Caqidada iyo tawxidka

 

بسم الله الرحمن الرحيم

أَسْأَلُ اَلْلهَ اَلْكَرِيْمِ رَبُّ اَلْعَرْشِ اَلْعَظِيْمِ أَنْ يَتَوَلَاّْكَ فِيْ اَلْدُنْيَاْ وَاَلْآَخِرَةِ، 

وَأَنْ يَجْعَلَكَ مُبَاْرَكـًا أَيْنَمَاْ كُنْتَ، وَأَنْ يَجْعَلَكَ مِمَّنْ إِذَاْ أُعْطِيَ شَكَرَ،

 وَإِذَاْ اُبْتُلِيَ صَبَرَ، وَإِذَاْ أَذْنَبَ اَسْتَغْفَرَ، فَإنَّ هَؤُلَاْءِ اَلْثَلَاْثَ عِنْوَاْنُ اَلْسَعَاْدَةَ.

Waxaan Weydiisanayaa Allaaha Wanaagsan, Allaaha ahaaday Rabiga carshiga weyn, Inuu Rabii ku maamulo aduun iyo aakhiraba, iyo inuu ka dhigo mid barakaysan meelkasta oo aad joogto, iyo inuu ka dhigo midka marka uu wax Alle siiyo ku shukriya, marka la imtixaamana sabra, markii uu danbaabana Alle denbi dhaaf weydiista, Saddexdaasi waa cinwanka liibaanta.

اِعْلَمْ أَرْشَدَكَ اَللهُ لِطَاْعَتِهِ: أَنَ اَلْحَنَفِيَّةَ مِلَّةَ إِبْرَاْهِيْمَ: أَنْ تَعْبُدَ اَلْلهَ مُخْلِصـًا لَهُ اَلْدِيْنَ كَمَاْ قَاْلَ تَعَاْلَىْ

Ogow Alle ha kugu hanuuniyee daacadiisa(Wadada wanagsan), Inay tahay *xaniifiyah* diinta toosan ee baadilka ka leexsan, inay tahay diintii Nebi ibrahim cs. Waana inaad Caabudo Allah keligiisa adoo u gaar yeelaya diinta Alle. Sidii uu Allaah kor ahaaye yiri.

﴿وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِِ[الذاريات:56].

( Uma aanan abuurin jini iyo insi waxaan ahayn cibaadadayda) surah wadaariyat ayah 56.

فَإِذَاْ عَرَفْتَ أَنَّ اَلْلَهَ خَلَقَكَ لِعِبَاْدَتِهِ

Fa-itha Carafta Ana-Allaha Khalaqaka Li Cibaadatihii

Marka hadaa ogaatay in Allaah kuu abaruuray cibaadadiisa.

فَاَعْلَمْ أَنَّ اَلْعِبَاْدَةَ لَاْ تُسَمَّىْ عِبَاْدَةَ إِلَاْ مَعَ اَلْتَوْحِيْدِ، كَمَاْ أَنَّ اَلْصَلَاْةَ لَاْ تُسَمَّىْ صَلَاْةً إِلَىْ مَعَ اَلْطَهَاْرَةِ،

Faclam Ana Cibaadada Laa Tusamaa Cibaadah Ilaa Maca Tawxiid Kamaa Ana Salaata Laa Tusamaa Salaah Ilaa Maca Dahaara

Ogow cibaadada in aan lagu magcaabin cibaado ilaa in uu tawxiid la socdo mahe ( Alle oo loo keli yeelo cibaadadiisa). Sida aan salaada loogu magcaabin salad ilaa ay dahaaro la socote maahe. 

فَإِذَاْ دَخَلَ اَلْشِرْكُ فِيْ اَلْعِبَاْدَةِ فَسَدَتْ كَاَلْحَدَثِ إِذَاْ دَخَلَ فِيْ اَلْطَهَاْرَةِ.
Fa idaa Dakhala Shirku Fil Cibaadati Fasadat Kal Xadathi Idaa Dakhala Fii Dahaarati

Hadii uu galo shirki cibaadada way fasahaada cibaadadu. Sida marka salad buriyuhu marka uu galo dahaarada ay u burto dahaaradu.

فَإِذَاْ عَرَفْتَ أَنَ اَلْشِرْكَ إِذَاْ خَاْلَطَ اَلْعِبَاْدَةِ أَفْسَدَهَاْ وَأَحْبَطَ اَلْعَمَلَ وَصَاْرَ صَاْحِبَهُ مِنَ اَلْخَاْلِدِيْنَ فِيْ اَلْنَاْرِ 

Fa Ithaa Caragta Ana dharka Idaa Khaalada Alcibaadati Fasadahaa Waabadal camala 

Wasaara Saaxibuhuu Binal Khalidiina

Hadaad Garatay In Shurkigu Haduu Calamlka dhex galo in uu birinayo saxbkiisnu uu  ahaanahayo kuwa ku waraya naartaata

 عَرَفْتَ أَنَّ أَهَمَّ مَاْ عَلَيْكَ: 

 Carafta Ana ahamma Maa Calayka

Waxaad Garatay Wixii Ugu Muhiimsana wixii Dushaada Saarnaa

مَعْرِفَةِ ذَلِكَ، لَعَلَّ اَلْلَهَ أَنْ يُخَلِصَكَ مِنْ هَذِهِ اَلْشَّبَكَةِ، وَهِيَ اَلْشِرْكُ بِاَلْلَهِ اَلَذِيْ قَاْلَ اَلْلَهُ فِيْهِ:

Macrifata Thaalika Lacalalaha An yakhlisaka Min Hathihi shabakah Wahiya shurku billahi aladii walalahu fiihi

 Hadaba, garashada aad arinkaas garatay, Allah wuxu mudan yahay inuu ka badbaadiyo shabakada daadsan( dabinkaas shirkiga). Dabinkaasina waxaa waaye, wax la wadaajinta allah, kasoo Allah ka yiri ,.

﴿إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ﴾[النساء:116]

( Alle ma dhaafo in lala wadaajiyo (cidkale cibaadada), Wuuse ka dhaafa wixii intaas ka soo haray ciduu doono) surah nisa ayah 116.

وَذَلِكَ بِمَعْرِفَةِ أَرْبَعِ قَوَاْعِدِ ذَكَرَهَاْ اَلْلَهُ تَعَاْلَىْ فِيْ كِتَاْبِهِ

Wa Thaalika Bimacrifati Arbaca Qawaacidi Thakarahalahi tacaalaa fii kitaabihii

Taasina waa garashada afarta qawaacid ee Allaah kor ahaaye ku sheegay  kitaabkiisa.

القاعدة الأولى: أن تعلم أنّ الكفّار الذين قاتلهم رسول الله r

يُقِرُّون بأنّ الله تعالى هو الخالِق المدبِّر، وأنّ ذلك لم يُدْخِلْهم في الإسلام،

Qaacidada kowaad: Waa inaad ogaata in gaaladii uu la dagaalami jirey rasuulka Alle (csw) inay qirayeen in Allaah kor ahaaye uu yahay: Abuure, Maamule, Arinkaasina ma uusan soo gelin diinta islaamka.

والدليل: قوله تعالى﴿قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنْ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أَمَّنْ يَمْلِكُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ 

وَمَنْ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنْ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنْ الْحَيِّ وَمَنْ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ فَسَيَقُولُونَ اللَّهُ فَقُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ﴾[يونس:31].

Waxaad dhahda yaa idinka irzaaqa samada iyo dhulka, yaana hanta maqalka iyo aragyada, yaana kasoo bixiya wax nool wax dhintay, yaana kasoo bixiya wax dhintay wax nool, yaana maamula amarka, waxay ku oran Allah, dheh miyeydaan Allah ka baqayn) surah yuunis ayah 31.

القاعدة الثانية: أنّهم يقولون: ما دعوناهم وتوجّهنا إليهم إلا لطلب القُرْبة والشفاعة، فدليل القُربة قوله تعالى

Qaaciidada labaad: Waxay oranayaan: uma aanan caabudin, ugumana jeensan xagooda ( waa cibaadada sanamyada) ilaa waxaan ka ahayn dalbid aan  ku dalbayno u dhawaansho iyo shafeecad ( u dhowaansho Allaah). Waxaana daliil u ah dhowanshaha qowlkii Allaah kor ahaaye.

﴿وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللَّهِ زُلْفَى إِنَّ اللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِي مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي مَنْ هُوَ كَاذِبٌ كَفَّارٌ﴾[الزمر:3].

(kuwa ka yeesha Allaah ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Allah noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, Allaah baana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Allahna ma hanuuniyo Been badane gaalnimobadan.) surah zumar ayah 3.

والشفاعة شفاعتان: شفاعة منفيّة وشفاعة مثبَتة:

Shafaacafuna waa labo: shacaafa la diidey iyo shafaaco la sugay.

فالشفاعة المنفيّة ما كانت تٌطلب من غير الله فيما لا يقدر عليه إلاّ الله،

Shafaacada la diiday waa wixii laga dalbado wax uusan awoodin cid aan allah ahayn.

والدليل: قوله تعالى ﴿يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنفِقُوا مِمَّا رَزَقْنَاكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَ يَوْمٌ لَا بَيْعٌ فِيهِ

وَلَا خُلَّةٌ وَلَا شَفَاعَةٌ وَالْكَافِرُونَ هُمْ الظَّالِمُونَ﴾[البقرة:254].

Daliilkuna waa qowlkii Allaah: (kuwa (xaqa) rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin 

(Qiyaamada) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah ) Surah baraqah ayah 254.

والشفاعة المثبَتة هي: التي تُطلب من الله، والشّافع مُكْرَمٌ بالشفاعة، 

والمشفوع له: من رضيَ اللهُ قوله وعمله بعد الإذن

Shafaacada sugana waana: shafeecada laga doonto Allah, cida shafeeca qadaysana ay tahay cid lagu sharfay shafeecada, Ruuxa loo 

shafeeca qaadayana waa ruux Allah ka raali noqday, hadalkiisa iyo camalkiisa ogolaasho ka bacdi.

كما قال تعالى: ﴿مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ﴾[البقرة:255].

Siduu Allaah sareeye yiri (waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Allah) idankiisa mooyee) surah baqara ayah 255.

القاعدة الثالثة: أنّ النبي r ظهر على أُناسٍ متفرّقين في عباداتهم منهم مَن يعبُد الملائكة،

 ومنهم من يعبد الأنبياء والصالحين،

Qaacidada saddexaad: Nebiga csw Wuxuu kusoo dul baxay dad kala tagsan xaga cibaadada. Waxaa ka mid aha amid caabudaayey malaa’igta, waxaa ka mid aha mid caabudaayey anbiyada iyo saalixiinta.

 ومنهم من يعبد الأحجار والأشجار، ومنهم مَن يعبد الشمس والقمر، وقاتلهم رسول الله r ولم يفرِّق بينهم،

Waxaa ka mid aha mid caabudayey dhagaxyada iyo dhirta, waxa ka mid aha mid caabudayey qoraxda iyo dayaxa, Wuuna la dagaalamay rasuulku csw kuligooda, mana uusan kala saarin.

 والدليل قوله تعالى: ﴿وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّى لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ لِلَّهِ﴾[البقرة:193].

Daliilkuna waa qowlkii Allah kor ahaaye. (la dagaalama intaan la helin gaalnimo, oo Diintu u ahaan Allah) surah baqarah ayah 194

ودليل الشمس والقمر قوله تعالى: ﴿ وَمِنْ آيَاتِهِ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ‌ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ‌ ۚ لَا تَسْجُدُوا لِلشَّمْسِ وَلَا لِلْقَمَرِ‌ وَاسْجُدُوا لِلَّـهِ الَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ ﴿٣٧

Daliilka Qoraxda iyo dayaxa inay caabudayeena waa qowlkii Allah kor ahaye (Aayaadka Allah (jiridiisa iyo qudradiisa) waxaa ka mid ah Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo Dayaxa, ha u sujuudina Qorraxda iyo Dayaxaee u sujuuda Allaah abuuray haddaad tihiin kuwo (dhab) u caabudi) Surah fusilat ayah 37

ودليل الملائكة قوله تعالى: ﴿وَلَا يَأْمُرَكُمْ أَنْ تَتَّخِذُوا الْمَلَائِكَةَ وَالنَّبِيِّينَ أَرْبَابًا﴾[آل عمران:80].

Daliilka malaa’igta inay caabudi jireen waa qowlkii Allaah kor ahaaye. (Idinmana farayo Allah inaad ka yeelataan Malaa'igta iyo Nabiyada rabiyaal)

ودليل الأنبياء قوله تعالى: ﴿وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَىابْنَ مَرْيَمَ أَأَنتَ قُلْتَ لِلنَّاسِ اتَّخِذُونِي

 وَأُمِّي إِلَهَيْنِ مِنْ دُونِ اللَّهِ قَالَ سُبْحَانَكَ مَا يَكُونُ لِي أَنْ أَقُولَ مَا لَيْسَ لِي بِحَقٍّ

 إِنْ كُنتُ قُلْتُهُ فَقَدْ عَلِمْتَهُ تَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِي وَلَا أَعْلَمُ مَا فِي نَفْسِكَ إِنَّكَ أَنْتَ عَلَّامُ الْغُيُوبِ﴾[المائدة:116].

Daliilka Anbiyada inay caabudeena waa qowlkii Allaah kor ahaaye: ((Xusuuso) Markuu Yidhi Allah, Ciise Binu Maryamow Ma adaa ku Yidhi Dadka ka Yeesha ani iyo Hooyaday Ilaahyo Allah ka sokow, uuna Yidhi waad Nasahantahay Iguma Haboona inaan Dhaho Waxaanan Xaq u lahayn, Haddaan idhina waad ogtahay, waxaadna Ogtahay waxa Naftayda ku sugan Anuguse kuma Ogi Adiga unbaa ah kan waxa Maqan Og) surah maaida ayah 116



ودليل الصالحين قوله تعالى: ﴿أُوْلَئِكَ الَّذِينَ يَدْعُونَ يَبْتَغُونَ إِلَى رَبِّهِمْ الْوَسِيلَةَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ

 وَيَرْجُونَ رَحْمَتَهُ وَيَخَافُونَ عَذَابَهُ... ﴾الآية[الإسراء:57].

Daliilka Saalixiinta inay caabudi jireen waa qowlkii Allaah: (kuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Alle u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa…….) Surah Israa ayah 57

 

ودليل الأحجار والأشجار قوله تعالى: ﴿أَفَرَأَيْتُمْ اللَّاتَ وَالْعُزَّى(19)وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الْأُخْرَى﴾[النجم:19-20].

Daliilka dhagaxyada iyo dhirta inay caabudi jireena waa qowlkii Allah: (Ka warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza, Iya Manaatadii saddexaad ee kale.)

وَحَدِيُث أَبِي وَاقٍِد اللَّيْثِيِّ ـ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ ـ قَالَ: خَرَجْنَا مَعَ النَّبِيِّ ـ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ـ

 إِلَى حُنَيْنٍ وَنَحْنُ حُدَثَاءُ عَهْدٍ بِكُفْرٍ، وَلِلِمُشْرِكِينَ سِدْرَةٌ، يَعْكُفُونَ عِنْدَهَا وَيُنَوِّطُونَ بِهَا أَسْلِحَتَهُمْ،

 يُقَالَ لَهَا ذَاتُ أَنْوَاطٍ، فَمَرَرْنَا بِسِدْرَةٍ فَقُلْنَا: يَا رَسُولَ اللهِ اجْعَلْ لَنَا ذَاتَ أَنْوَاطٍ كَمَا لَهُمْ ذَاتُ أَنْوَاطٍ. الحَدِيثَ.

Xadiithkiina ee Abii Waaqid Al-laythiyi – rc wuxuu yiri : Waxaan ula baxnay Nabiga scw – Xunayni xageeda, Anagoona ay 

nagu cusubtahay xiligii aan Gaalnimada ka nimid, Mushri

الْقَاعِدَةُ الرَّابِعَةُ

أَنَّ مُشْرِكِي زَمَانَنَا أَغْلَظُ شِرْكًا مِنَ الأَوَّلِينَ، لأَنَّ الأَوَّلِينَ يُشْرِكُونَ فِي الرَّخَاءِ، وَيُخْلِصُونَ فِي الشِّدَّةِ،

وَمُشْرِكُو زَمَانَنَا شِرْكُهُمْ دَائِمٌ فِي الرَّخَاءِ وَالشِّدَِّة؛ وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى: 

﴿ فَإِذَا رَكِبُوا فِي الْفُلْكِ دَعَوُا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ إِذَا هُمْ يُشْرِكُونَ ﴾ [العنكبوت: 65].

تَمَّتْ وَصَلَّى اللهُ عَلَى مُحَمَّدٍ وعلى َآلِهِ وَصَحْبِهِ وَسَلَّمَ


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip