Wakhtigu Waa dahab ee yaan lagu ciyaarin, laguna lumin macno daro!

0
Sunday March 16, 2014 - 13:21:51 in Wararka by Somali islamic
  • Visits: 4130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Wakhtigu Waa dahab ee yaan lagu ciyaarin, laguna lumin macno daro!

    Wakhtiga!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhtiga!!!!



Weliga ma u xisaabisay wakhtigaaga, sida lacagtaada u xisaabiso oo kale? Nolosheena waxaa ina soo maray maalmo, asbuucyo, bilo iyo sanado badan. Waxa macquul ah hadaad dib u jaleecdo wakhtiyadaas aad noloshaada soo martay in xiliyada qaar aadan jeclaysan waxaad soo samaysay iyo wakhtiga waxaa kusoo dhumisay, Wakhtiyada qaarna ay aad ku farxad geliyaan markaa dib u xasuusato.




Hadaba ogow wakhtigu wuxuu ka mid yahay khayraadka Allaah inoogu deeqay oo loo baahan yahay inaan uga faa’iideysano sida ugu macquulsan. Ogow wakhtigu waxaa uu ka mid yahay, waxyaalaha haday ku dhafan aadan dib u heli Karin. Ka faa’iideysashada wakhtiguna waxay ku horseeda guulaha aad hiigsanayso inaa gaarto.


 

Weliga ma is waydiisay side wakhtigaaga u maarayn kartaa? Mase is waydiisay, Sidee dadka qaarkood ku gaareen nolosha meel fiican. Kuna hantaan waxwalba oo ay u baahan yihiin, kuna nooladan nolol farxad badan?


 

Maxay dadkaasi kaga duwan yihiin dadka kale? Aniga iyo adigu sow ma awoodno inaan noqono sidooda oo kale. Marka qofka raba inuu bedelo qaabka maaraynta wakhtigiisa, waxaa uu u baahan yahay inuu samaysto jadwal cusub iyo qorshe cusub. Ruuxii raba inuu wax cusub sameeyana waa inuu ka tago waxyaabo kale oo uu hore u samayn jirey.


 

Ma doonaysaa in aad nolosha ka gaarto meel sare? Ma jeceshahay ina noqotid qof wax soo saar leh? Waan hubaa jawaabtadu inay noqonayso. HAA! Hadaba jawaabtu way fududahay ee ka mid noqo dadka wakhtigooda xisaabiya, ogna meelaha ay ku bixiyaan wakhtigooda inta badan.

 

 


Wakhtiga aynu maqlaynaa waa uun sidan:

 

- 1 mirir= 60 ilbiriqsi

 

- 1 saac= 60 mirir

 

- 1 maalin= 24 saac

 

- 1 asbuuc= 168 saac ama 7 maalin

 

- 1 sano= 365 ama 52 asbuuc


 

Hadaba wakhtiga sidan ah, adigoon is ogeyn waxaa laga yaaba inaad ku khasaariso 6 saac iyo ka badan inaad daawato film ama wax aan faa’iido ku lahayn aduun iyo aakhiro midna. Siiba waxa laga yaaba in uu filmkaas yahay musalsal soconaya wakhti dheer, bal xisaabi oo ku dhifo inta aad wakhti gelisay. Jawaabta markaad heshona, qiimayntu waa xagaaga!!!!


 

Marka si aad u dareento qiimaha uu wakhti leeyahay, arimahan eeg.


 

-Hadaad rabto inaad ogaato qiimaha uu sanad leeyahay waydii arday ku guul daraystay sanad dugsiyeedka waxbarasho.


-Hadaad rabto inaad ogaato qiimaha bishu leedahay waydii, shaqaalaha suga lacagta bilaha ah.


-Hadii aad rabto inaad ogaato qiimaha maalintu leedahay waydii shaqaale lacag maalinle ah qaata, sida ay u sugayaan xisaabinteeda.


-Hadaad rabto inaad ogaato qiimaha ay 1 saac leedahay waydii labo is jecel oo balamay oo isaga sugaya.


-Hadaad rabto inaad ogaato qiimaha hal daqiiqo, waydii qof uu ka tegey buss, diyaarad, tareen ama lumiyey balan uu ruux la laha


 

 

Waxyaalaha Wakhtiga dila xiligan aynu joogno.


 

-Telefoon uu qofku iskaga hadlo oo aan xad lahayn

 

-Chattingka internetka

 

-Dhegeysiga ruux aan wax uu ka hadlayo la aqoon (siiba meelaha nettka)

 

-Saaxiibada xunxun oo aan wakhti u xisabsan lahayn

 

-Dib u dhigashada hawsha, siiba hawl muhiim ah oo aad qaban lahayd.

 

-Wahsiga iyo caajiska faraha badan.

 

-Isku qasida hawlaha muhiimka ah iyo kuwa kale

 

-Qorsha la,aanta wakhtigaaga oo aad ku xadaysnayn


 

Intaas oo dhan ruuxu wuxuu kaga hortegi kara inuu samaysto jadwal iyo qorshe u qoran oo uu ku xisaabtamo.

 

 

Dad badan waxay dhib ku qabaan usoo kicida salaada subax. Waayo waxay ku dhafreen waxyaalo aan faa’iido ugu jirin. Salaada subaxna waxay tukadaan xiliyo ay usoo keceen dano kale sida iskuul ama shaqo. Taas maxaa keenaya waa in aanay kuu xisabsanayn wakhtigaaga, hadhowna hurdo iyo naft kaa xoog weynaatay. Marka si aad uga hor tagto waxyaalaha oo dhan isku day inaad ka mid noqoto dadka kaca subaxdii xili hore sida 4:30 ama 5ta SUBAXNIMO!


Hadaba waxaan halkan hoose kugu soo gudbinayaa talaabooyin yar oo ka mid ah sida u bilaaban lahayd maalintaada, adigoo weliba joogtaynaya. Waan huba hada isku daydo inaad is bedel ku samayso naftada inaad awoodo. Lakiin go,aan uun bay u baahan tahay. Waana hubaal is bedel waad arkaysaa hada noqoto mid ku xisaabtama wakhtigisa.


 

Waa kuwan talaabooyinka kugu caawinaya soo kicida. Aduun iyo aakhiraba waa ku anfacayaan hadii aad racdo talabooyinkan.

 

1.Wax walba waxaa ay ku xiran yihiin niyada: Habeenkii ku jiifo in aad soo kacayso subixii xili hore. Ma aha soo kicida aan ka hadlaya inaa usoo kacdo iskuul iyo shaqo! Waxaa ka hadlayaa ruuxa muslimka ah waxa ku ah waajib inuu usoo kaco salaada subax. Marka adoo usoo kacaya salaada subax ka faa’iideyso isla wakhtigaas. Ogow qof ma jiro go,aan ku seexda oo ka daaha. Tusaale, xiliga aad leedahay balan muhiim ah, sida dhakhtar sida uu ruuxu hurdada uga soo koco isagoo weliba degdegaya. Marka waxaad ogaata balanta naftaada la gashona inaad oofin karto.


 

2.Alarm ku xiro mobile kaaga: Midna iska ilaali in aad soo kacdid ka dibna damisid, hadana dib ugu laabatid hurdadii! Hadii aad tahay dadka sida sameeya iska fogee mobileka, dhigna meel aan gacantaadu gaarayn.


 

3.Waa inaad leedahay ujeedooyin waaweyn oo aad hurdada uga soo kacdo: Qofku mar haduuba leeyahay ujeedo waa lama huraan inuu hurdada kasoo kaco. Waayo waxaa sugaysa hawl uu rabo inu sameeyo. Lakiin qofkii aan ujeedo lahayn sidee uga soo kici kara hurdada?? Marnaba hadii aadan ogeyn waxaa aad berito qabanayso! Marka waxa qasab ah qofka aan qorshe lahayn inuu iska jiifo. Hadaba ha noqon ruux bilaa ujeedo ah.

 

 

 

Waxaan kusoo gabagabaynayaa wakhtigaaga oo aan ku xisaab sanayn, waa kan ku ogolaada inaad samayso waxyaalo badan oo aadan hadhow ku farxin natiijadooda. Hadaba wakhtiga oo la xisaabiyo loogana faa’iideysto sida ugu macquulsan, haday cibaado tahay iyo haday shaqo tahayba waa horumarka nolosha iyo guusha himiladaadii.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Walaashiina Najla-114



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip