Qissah Qissah

0
Tuesday January 07, 2014 - 09:17:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2681
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Qissah Qissah

    وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ Maalin Malmaha ka mid ah Ayaa Gabar Ninkii qabay U yeertay waxeena is qabeen 21 sano ,, Waxey ku tiri Walaalow maad Hal mar Xitta Booqatid haweyneydaas ama Maqayad ka cazumtid. Wuu yaabay Waxuuna Ku dhahay haweyneydee shegaysaa? Iyado dhoolacateysa Kutiri ''Hooyo'' ''Hooyo'' Gormee kugu danbeesy aad Hooyo soo booqatid ama casho Gaysid?
وقضى ربك ألا تعبدوا إلا إياه وبالوالدين إحسانا إما يبلغن عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريما 23
Waxuu dhahy walaahi waa runtaa(( waaba hilmaamay hooyo)) 20 sano maanan booqan, waa inaa Hadda aada oo maqaayad geeyaa!!

Telfon ayuu u diray isla maalinkii, Waxuu dhahay '' Hooyo macaan'' !! Hooyadi marke maqashay codkiisa wey oysay Wiilkeygii ma fiicantahay !! wax dhib miyaa jiro caruurti miyaa dhib so gaareen? mise xaaska ayaa wax dhib gaaray? mantay waad i so wacdee!!! Waxuu dhahay maya Alxmdulilaah dhamaan weyfiicanyihiin , Kawaran Haddii Caaway Israacno? Hooyo waxaa raba caaway inaa Maqayad isku raacno oo isla casheyno maxaa ka qabtaa? Waxey Nolosheyda saan u farxay mantay ma maleesan kartid wilkeyga Diyaar baan ahay caaway inaa kuu raaco maqaayadda ayee tiri iyado faraxsan!! Waxuu ku dhahay Caaway ayaa ku so maraa Saacadda markee tahay ---- Haye ayeena ku dhahday!!
Waxuu dhahay Markii Aaan soo gaaray Gurigi Hooyo dagneed waxaa Arkay Iyadoo diyaar ah oo Albaabka taagan oo i sugaysay!! Gaariga soo gal dhahay , Ya Allah ,, Hooyo aad u faraxsan oo qosleyso ayaa so gashay Muddo 20 sano ismaan arkin waxeyna igu tiri wiilkeygiyo farxada mantay farxay ma jiraan Cid aan u sheegin inaad mantay casho ii wadeysid, dhamaan Ehelka qaraabaada dariska kuli waa u sheegay inaad mantay i wadeysid Kuligoodne waxey iga Sugaayaan Akhbaarta markaan soo laabto..
Waxuu dhahay Markaan Maqayada gaarnay waxaa bilownay inaa ka sheekeesano yaraanteydi iyo sidan ahaan jiray ,!! waxaana aad ula yaabay markee ii sheegtay Dharka ey xirantahay inuu yahay dharkii ugu danbeyay ee aabaheyga u gaday intuusan dhiman 19 sano ka hor.. ilaa waagas meesan gashanin meel ayeena dhigatay, Farxadda mantay owgeed iyo sugitankega ayeena u so xiratay mantay.. Waxeena eheed Maalmo la soo maro maalintii noogu farxad badneed aan isla qaadanay Hooyo.. Markii Guriga ku soo labanay ayaa ku dhahay Hooyo kawaran Hadii maalin kale Ballano aan maqaayad ku geeyo? intee faraxday ku dhahay Ok , Lakin markaan Anigaa Bixinaayo Lacagta cashada Ok ayu dhahay Wuuna ka soo tagay!!!
Maalmo kadib waxaa ku mashquulay Shaqadi aan ka shaqeen jiray iyo howlo badan oo aduunyo ah ,,, Intaasne Hooyo waxey sugaysay Tolow gormo ku soo wacaa oo aan is raacnaa , Sugitaankeygaa ku dheeraaday Hooyo , weyna Xanuunsatay Xunuunkii ayaa ku ziyaaday , anne intaas kama warqabin oo waxaa ku mashquulsanaa Shaqadeydi.. Hooyo Xanuunkii Ayee ku dhimatay mana noo suuroobin inaa Mar labaad isku raacno Maqaayad!!!
Ayaamo Kadib Waxaa Isoo wacay Nin Waxuu i dhahay telfoonka hebel miyaa leh , waxaa ku dhahay Haa wa isagi... Waxuuna igu dhahay imow Maqaayadda Hebel hebel -- Waxaa weydiiyay Sababta , waxuuna i dhahay Adiga iyo Xaaskaaga waxaa la idinka Bixiyay Casho Hal habeen ah, waxaana Ku qorantihiin Habeenkaas ee imaada .. Lacagtina waa la Baxshay ee imaada.. Waan yaabay waxaa dhahay khayr In sha Allah, Maqaayadii markaa Aaaday waxaa la ii dhiibay Warqad Ku qorantahay Magaca Hooyadey Inee Bixisay Lacagta Cashada aniga iyo Xaaskeyga,,
Warqadda waxaa ku qorneed , Waan ogaa Inaan soo Xaadiri karin Maqayaadda si aan isla casheyno Lakin Waxaan laha Ballan aan isla casheyno labadeena sidan kaga ballanqadayne aniga bixiyo lacagta Lakin Booskeyga waxaa Galiyay xaaskaaga..
Waxuu dhahay warqaddaas markaa aqriyay aad baan u ooyay aaway Jecelkii Hooyo aaway baarinimadii hooyo , Anoo yar ayee ii soo tacabtay markaan weynaadayne , waan ka dheeraaday oo waxaa ku mashquulay aduunyo iyo shaqo 21 sano !!
Billah Cleyk Nafsadaada weydii Gormee kugu danbeesay Aad wacdid Waalidka ,? Gormee kugu danbeeysay aad  Booqatid waalidkaga , Laga yaba Inaad qurbaha Joogtid ,Laga yaba inaad amriika iyo yurub joogtid 10 sano 20 sano , Intaasne aad weligaa Waalidkaa oo africa joogo soo booqanin !!
Allow u danbi dhaaf dhamaan waalidiinteena Inta Nool iyo Inta Dhimatayba,  
وقلربى ارحمهما كما ربيانى صغيرا‎,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip