Xukunka Sawirada Iyo Dardaaranadii Culumada Qarnigaan ugu wawaynaa ee Shekh Alwaalid Calaamah Ibnu Baas Iyo Calamaha Cuthaymiin
Bismilah
Walaalayaal, sawirada, ka, digtoonada, diintiina, ilashada, mantay waa aduun dhamaan bari xisab baa nasugaysa
khaas tan gabdhaha, rabi haka, baqaaan raga, yeena, danbaajin sidoo kale, wadada facbogyada, ku soo camirow, camadiiina, idinku, dayanaysa ale uga baqa
meeqa, gabdhood, ama will ayaa adinka
dayanaya walaalayaal hadaan iska day no sunada raco Cano naga Dadan mayaan kuwa so dhigaa waxba kama faidaysan ee alle aan u labano dhulka alena yanan fasahaadin,
Culumadii Saban Keenan ee wa wayna maxay ka Shaheen sida ibnu Baas cuthaymin iyo albaani
Sheekh Ibnu Baas dardaarankiisii asagoo leh uma saamaxayo umana baneeynayo waana ku haystaa waxaan idinkaga cadaynayaa in aad sawrkeeyga galisaan joornalada maqalada iyo meelna wixii daruuro ah sida basaborka ama darawalnimada iwm macqul laakin waxaan idinkugu nasexaynayaa in aad ka fogataan sawir aan leyahayna aanmelna lagalin wa tasaa mida aan ictiqadsanatahay.
sheekhu aad ayuu uga dardaarmay dadka sawiradiisa melaha facbookyada soo gasha alle hauga baqaaan.
waxaan sidaas oo kale soo galin doonaa ama aad hoosba ka akhrisataan fatwadii sheekh cuthaymin lagu ben aburtay in uu baneeyay uu kaga jawabay iyo sidaas oo kale mid si uu u yiri laakin uu ka laabtay uuna cadeeyay asagoo waliba si wangsan oo dawaduc iyo diin ka muqato u qatay waraaq ay culumo kale u soo direen hoos kawada dhagayso>
Fatwooyin sawirada guriga loo dhigto xasuus
ahaan
Su1:wuxuu leeyahay qofka su,aasha leh waxan
uxiisay inaan arko sawirka aabahay oo dhintay si aaan u xasuusto waxaana ku
dhajiyay qolkayga si aan marwalba u arko sawirkiisa ayaan suray qolka ee
xaaraan matahay anoona ula jeedin weynayn an ku weynaynayo ama cibaado midna ?
Jawaab :ma banaana in sawir meel loo dhigto
xasuus ahaan ama qof dhintay ha ahaado ama mid nool waayo nabiga csw wuu mamnuucay in sawirba la
iska qaado wuxuuna noo sheegay in guriga sawirada yaalaan malaa,ikta alle aysan
soo galin ,marka laga reebo sawirada muhiimka ah o ku dhagan pasportka وبالله التوفيق وصلي
الله علي نبينا محمد واله وصحبه وسلم
فتاوي اللجنة الدئمة
Sheekh Calaamah Alfaqiih Al-Cuthaymiin
Been abuurkii laga sheegtay sheekh cutaymiin
raxmatullah calayhi
Susha 1:waxa igu batay sawirada waa weyn iyo kuwa yar yar ee meelaha
dharka lagu gado, waxana ku sawiran dharkaas dadka filimaanta jila ama kuwa
caanka ah oo dhalinyarada qaar ay xiiseeyaan ,
waxayna ugu sawiraan si looga iibsado
dharka, munkarkaan markan arkay ayaan weydiiyay dadka dharka gada waxayna
idhaheen sawirda waxaana naf lahayn oo aan dhaqdhaqaaqayn xaaraan mahan qof ku
sawirana hoos maleh ,
waxayna ku dodayaan inaad idinku u
fatwooteen aadna dhahdeen ,sawirku haduu yahay mujasam waa xaaraan wixii intaa
kasoo harana waa xalaal marka sheekh noo caadee su,aashaan?
Jawaab
Qofkii nagasoo sheegay inaa niri sawirkaas xaram
mahan wuu naga been sheegtay, anaguna
waxan u aragnaa inuusan banaanayn in la gashto dhar wax ku sawiran yihiin ama
sharka caruurta ha ahaado ama kan dadka waaweyn,
sidoo kale mana banaana in sawir xasuus ah
meel la dhigto,ilaa kuwa muhiimka moyee sida pasportka sawirka ku dhagan iwm, ,
IBN CATTAYMIIN :waxa isoo gaaray kitaabkaan
naseexada iyo khayrku ku jiro ilahina miisanka xasanaadka ha idiin saaro saad
iigu naseexayseen ilaahina waxan ka baryayaa inuu alle igu anfaco ,wax
shakiyana kuma jiro wadada aad uso qaadeen naseexadaan inay tahay tii loo
baahnaa ,qofkuna wuu khaldamaa waxna wuu iloobaa mu,miniituna waa
walalo,,rasuulkuna wuxuu yiri :qof idika mid ma uusan rumayn ilaa uu walalkiis
la jeclaado wuxuu isla jecelyahay,wayna isoo gaartay naseexadiina iyo
digniintiinuba iyo waliba dacwada runta ku salaysan,allana waxaan ka baryayaa
inuu idinka aqbalo,ajarna idiinku qoro sida aad jawaabtayda
Mid banaynayana ma ihi in sawir la iska
qaado waxana uga jeeda ugala jeeday sawirkaana asalkiisa nafta lahayn ee qof
sawirkiis shaki kum ajiro inuu xaaraan yahay haduu yahay mid gacanta lagu
sawiray ama haduu yahay mid caadi looga qaaday camera ahaan ilaa wixii daruuri
loogu baahdo mooyee sida darawalada ruqsadooda ama basboorka safarka iyo wixii
xaqiiqi lagu ogaanayo sida inay dawladu kaa rabto sawirkaaga,lkn sawirka la
iska qaado oo loo haysto qadarin aad qofkaas ku qadarinayso ama ama xasuus
ahaan ama inaad uhaysato saad udaawato sawirkiisa taas ma banaynayo ama ha
ahaado mid aad gacanta ku sawirtay ama ha ahaado mid aaladaha casriga ah lagu
sawiray anagoo eegayna hadalkii nabigeena uu ku yiri :
{لاتدخل الملائكة
بيتا فيه الصرة}malaa.iktu
masoo gasho guri sawir yaalo
Sidan anagaa ku fatwoonaya waa sheekh ibnu
cuthaymiin allaha unaxariistee ,wuxuuna leeyahay waxan amrayaa dadka inay
guryahooda kasaaraan sawiradaas waana ku adkaynayaa haduu guriga uyaal sawir
qof dhintay
Hadaan usoo noqdo sawirada la sawiro waxii
noole ah haduu ahaan lahaa qof ama xayawaan shaki kuma jiro waa xaaraam wuxuuna
kujiraa danbiyada midka ugu waaweyn ee la galo anagoo udaliilsanayna inuu
rasuulku csw carabkiisa ku nacladay dadka wax sawira haduu ahaan lahaa sawir
matalaad ah ama mid dhaqaaq leh ama mid gacanta lagu sawiray,
Haddii lagu sawiro aalada deg dega wax
usawira,ayadoon wax dan ah kujirin ama daruuro ah ogaada waa xaaraan haduu
xasuus ahaan meel udhigto mana banaana balse haday daruuro jirto wax dhiba
maleh ,
Intaasan kusoo gabagabaynayaa ra.yigayga aan
ka qabo su,aashaan haddii aan saxnahay alle ku mahadleh ,hadaan khaldamayna
waan khaldamay oo bini,aadamku wuu dhimanyahay ana waxbaa iga dhiman ,asalaamu
calakum waraxmatullah wabarakaatuhu,
Gabogabo iyo naseexo
روي البخاري رحمة الله
عليه عن النعمان بن البشير رضي الله عنه قال قال رسول الله صلي الله عليه وسلم{ان
الحلال بين وان الحرام بين وبينهما امور متشابهات لايعلمهن كثير من الناس فمن
التقي الشبهات,فقد اسبرأ لدينه وعرضه ,ومن وقع وقع في الشبهات فقد وقع في
الحرام,كالراعي الراعي يرعي حولي الحمي يوشك ان يرتع فيه ,الا وان لكل ملك حمي الا
وان حمي الله محارمه,الا وان في الجسد مضغة ,ادا صلحت صلح الجسد كله,وادا فسدت فسد
الجسد كله الا وهو القلب
Rasuulku wxuu yiri:xaraamtu way cadahay
,xalaashuna way cadahay waxaase udhaxaysa shubahaad dadka intooda badana ma
oga,qofkii iska ilaasha shubahaadka alle diintiisa wuu u barri yeelay,qofkii ku
dhaca shubuhaadka xaaraamtana wuu ku dhacay ,waana sida ninka xoolaha ku
raacaya keynta agagaarkeedana daaqsiinaya kana shakisan inay kaynta daaqaan
,boqor walba waxaa usugnaatay kayn ,alleena kayta uu noo calaamaday waa
xaaraanta iyo wixii ku wareegsan ,oogada qofka cad baa ku yaal haduu halaabo
jirkoo dhan wuu halaabay ,haduu hagaagana jirkoo dhan wuuhalaabay,waana qalbiga
cadkaas
Waxaa ku cad xadiidkan in sawirka uu shubho
yahay qofku haduu ku dhacana uu xaaraam ku dhacay sawir oo dhana waa xaaraan
Ibnu cabaas wuxuu yiri:
يوشك ان تنزل عليكم حجارة
من السماء,اقول قال رسول الله وتقولون قال
ابو بكر وعمر:
Waxan ka shaki qabaa in cirka dhagax nooga
soo daadato,waxan idin leeyahay rassuulka saas yiri markaasaad leedihiin abu
bakar iyo cumar baa saa yiri
Marka wax walba waxa ka horeeya hadalka
rasuulkeena csw oo wax haduu dhaho qof walba wuxuu yiri rasuulku baa ka horeeya
Imam axmed bin xanbal wuxuu leeyahay:
عجبت لقوم عرفو الاسناد
وصحته يدهبون الي رأي سفيان,والله تعالي يقول {فليحدر الدين يخالفون عن امره ان
تصيبهم الفتنة اويصيبهم عداب اليم} اتدري ماالفتنة؟الفتنة :الشرك,لعله ادا رد بعض
قوله ان يقع قلبه زيغ فيهلك
Waxan la yaabay qoom gartay isnaadku inuu
saxanyahay oo aadaya ra,yiga sufyaan,allena wuxuu yiri :iska jiraan kuwa amarka
rasuulka khilaafaya , inay fitno aseebto ,ama cadaab cadaab xanuun badan ay aseebto:ma
ogtihiin fitnadaas alle yiri?waa shirkiga ! qofkii ka leexda qaar ka mid ah
hadalka rasuulkana csw wuxuu ku dhacay qalbigiisa kaleexasho uu diinta kaleexdo
kadibna wuu halaagsamayaa
Sheekhul islaam ibnu taymiyah wuxuu yiri
asna allaha unaxariisto:qofkii ogaado inuu khaladkuu kusocdo rasuulku csw
reebay hadana kusii socdo kaasi wuxuu nasiib uleeyahay shirkubilaah:qofkaasna
wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
waxaan alle uga baryayaa dhalinyarada somaliyeed ee ku fidnoobay sawirada in alle ka madoobeeyo kana masaxo
Golaha Isbadalka Soomaaliyeed
Xukunka Sawirada Ee Culumada Mucasiriintaa
Xukunka Sawirada Iyo Dardaaranadii Culumada Qarnigaan ugu wawaynaa ee Shekh Alwaalid Calaamah Ibnu Baas Iyo Calamaha Cuthaymiin