(Qiso cajib Ah gabdh illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La donayay)
- Visits: 3529
-




(Current Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
(Qiso cajib Ah gabdh illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La donayay)...........
Qisadan Wiilka Ay ku dhacday baa ka
shekenayo Wuxuu yiri Waxaan Ahaa Mid Aanan tukan salaadda, sigaarka
Afuufa, xumaha Isaga dhex jira, Ma Aanan dareensanayn dambi, toobadna
Haba sheegin. Waxaan ku farxi jirey Inaan Ahay Muslim, Naxariista
Rabbina Ay Wayntahay Laakiin Waxaan illawsanaa In ciqaabtiisu Ay daran
tahay, Qabashadiisuna Aanan laga baxsan karin. WAligey Masjidka Maan galin Inkastoo uu Masjidka Ii
dhawaa. Xilli Walba Waxaan Maqli jirey Aadaanka salaadaha
Laakiin Maan Ajiibin Waligay Bisha Ramadan Markay soo gasha Waa bisha
kaliya ee Aan tukan jirey Waana soomi jirey. Ma garanayo sababtu, Ma
bishaas baan caabudi jiray. Sidaas Oo Ay tahay xataa bishaasi Ma geli
jirin masjidka.
Habeenkii Waxaan u tagi jirey si Aan
saaxiibadeyda ula soo dhafro. Xiliyada Qaarna galab Hore baan bixi jiray
Oo Aan un Magalada gali jirey. Kama Aanan fikiri jirin guur &
caruur Mustaqbal Midna Inkastoo Aan Wax ku darsaday da'dii 35aad.
Markaan gurigayga kasoo baxayo Ayaa waxaan Wadada Hortayda Ah ku Arki
jiray gabar Ayada dhan Wada xijaaban Oo Masjidka Inoo dhaw galaysa,
Waxaan Iska dhaadhiciyay si Aan gabadhaas kula hadli Lahaa Oo Aan
gurigayga ku keensan lahaa. Naftayda xumaan Ayay iiqurxineysa shaydhana
bini'aadamka Wuu dhagraa Iima muuqato Haybada & sharafta ka muuqata
gabadha. Markay socota Waxaad moodaa In waddada ka bax in la yiri,
darbiga Ayay isku dhejin jirtay. Inta badan waxaan Arki jirey ayadoo u
socota salaadda Casarka.
Waxaan goan saday Inaan La hadlo, laakiin iima jawaabto dhowr galab hadii aan sidaasi u bartilmameedsan jiray bay i dhibsatay,
galabkii dambe Ayayna go’aansatay Inay ila hadashay Meel Aan Albaabka
gurigayga ka fogeyn bay mareysay. Markaa bay igu tiri "Maxaad Iga
donaysa walaal? Waxaan ku Iri "Waxbo soo dhaaf, gurigayga soo gal Waa
keligey Oo qura cidna Ma joogto. Marka Aan hadalka iyo kaftanka ku
badiyey Oo Ay u jeedo Inaan Ahay qof Ilaahay ka fog, ima canaanan, Mana
Aysan igu xanaaqin, balse Waxay igu xirtay shuruud inay gurigayga soo
gasho. Waxay Igu tiri "Gurigaada Waan soo geli doonaa,
Waliba
sariirtaada Waan ku fadhiisan doonaa hadad kasoo baxdo shuruudan, Intaan
farxay ayaan kudhahay, â€Maxay tahay shuruudda, wallaahi waan kasoo bixi
doonaaye� Waxay tiri
â€Afartan casho (40 maalin) waa inaad masjidka
ku tukataa salaadaha, oo aad casarkii iyo subaxa kadib aad dhagaysata
duruusta masjidka inshallaah.
Kadib anna waan kuu fulin doonaa
ballantii. â€Hayeh!! waan yeeli doonaa†ayaan kudhahay, kadibna way
baxday. Halkii baan howshii ka billaabay aniguna anoo fulinaya
ballantii, laakiin labo usbuuc gudahooda anigii dhan waan is baddalay.
Waxaan is arkay anigoo ooynaya mar walba markii aan ogaaday halka aan
kusocday iyo baadida i haystay, mar kasta waan ka shallaayaa inaan
illawsanaa hadalkii nebigeenna suubban (NNKH) ee ahaa annaga
(Muslimiinta ah) iyo iyaga (Gaalada)
xarigga inoo dhexeeya waa
Salaadda, kii ka tegaana waa gaal. Toobad nasuuxa ayaan toobbad keenay,
waxaana intaa kadib noqday qof ka qoomameeyo falkii uu sameyn jirey,
waxaana noqday qof masjidka ku xiran oo salaad kasta safka hore taagan.
Waxaan helay raaxo iyo iimaan, inkastoo aan ooyn jirey
markastoo aan soo xasuusto falalkeygii xumaa.
Subaxii ay 40 cisho kasoowareegtay ayay ii timid gabadhii, salaanta
Islamka kadib waxay igu tiri, haye ma kuu fuliyaa ballantaadii? Waxaan
kudhahay â€Macaadallaah!! walaasheyeey!! aad baan uga shallaayaa hadalkii
aan ku dhahay, dhanka kalena
waxaan ku farxaa inaad hanuunkeyga
sabab u noqotay, orod iska laabo Allaha ku xifdiyee!!!â€. Waxay igu tiri
â€Walaalkayoow!! waxaan ku kalsoonnaa Rabbigey inaanu i dulleyn doonin,
inbadan ayaanna ku hanweynaa inuu ducadeyda aqbali doono, oo uu ku
hanuunin doono, kana masixi doono laabtada wixii ku jirey. Mahad waxaa
iskaleh Allihii ajiibay baryada addoontiisa, ee dhowray addoontiisaâ€.
Ayadoo ilmeyneysa ayay sidaas tiri, aniguna intaan madaxa fooriyey ayaan
la ilmeeyey!!.
Muddo yar gabadhii markay aragtay wanaaggeyga
iyo sida aan mar walba masjidka ugu xiranay, way ila soo xiriirtay,
waxayna iisoo bandhigtay guur. Kaalmada Alle darteedna wuu inoo
fududaaday guurkaas, waxayna noqotay xaaskeyaga aan jeclahay. Waxayna
noqotay gabadhii sababta unoqotay hanuunkeyga
Walalayal Ruuxi illahay hanun la doono Meel sahlan
Ayu ka tusa xaqa
~Alla Ha Inaga dhigo kuwa uu Hanunkisa La doonay
una carara xagisa xili Walba~ AMEEN AMEEN YA RABBI
(Qiso cajib Ah gabdh illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La donayay)
(Qiso cajib Ah gabdh illaah Hanunshay & Wiil Xumaan La donayay)...........