Login | Forgot Pass | Register

Bidcada Ixtifaalka Mowliidka

1
Wednesday January 08, 2014 - 17:29:44 in Qisooyin Iyo Qoraal Cibro Qaadasho Leh by
  • Visits: 2731
  • (Current Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Bidcada Ixtifaalka Mowliidka

    Mawliidku ma Sunnaa?!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawliidku ma Sunnaa?!!

Mawliidku ma Sunnaa?!!

Maalmahaan oo kale ayaa kooxo dad ahi isu qaban qaabiyaan u dabbaaldegga dhalashada nabiga N.n.d.h.a., waxaa la qurxiyaa meelo badan waxaa la diyaariyaa macmacaanno iyo cuntooyin kal duwan, waxaa la loogaa xoolo fara badan waxaa la akhriyaa tixo iyo tiraabo lagu amaanayo Nabiga N.n.d.h.a., haddaba waxaa is waydiin mudan ma yihiin waxaasu wax loogu dhawaanayo Allaah?, maxaase diintu ka qabataa dabbaaldagyada noocaan ah?, yaase bilaabay in xuskaan sanadlaha ah loo dabbaaldago?.

Waxaanse jeclahay inaan ka hormariyo dhidibbo lagama maarmaan u ah qofkasta oo raba inuu maro toobyaha jannada, kuwaas oo ah inaad ogaatid in aad diinta ka qaadatid kitaabka iyo sunnaha.

Imaam Axmed bin xambal ayaa yiri: Ilaahay wuxuu qur’aanka ku sheegay aayado gaaraya 33 aayadood oo kulligood ina amraya ogolaanshaha ilaahay iyo nabigiisa mux’ed ah N.n.d.h.a.

قال تعالى (وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمراً أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعض الله ورسوله فقد ضل ضلالاً مبينا) [الأحزاب: 36].

Allaah wuxuu leeyahay: (Uma habbana mu’min iyo mu’minad haddii ilaah iyo rasuulkiisu ay go’aanshaan arrin inay ikhtiyaarkooda qaataan, kii caasiya alle iyo rasuulkiisa wuxuu lumay lumid cad).

Ereyga Ogow (أمرا) waa lama yaqaan(نكره) ay la socoto Diidmo.

Taas oo faa’idaysa koobid iyo cumuum, sidaa darteed macnuhu waxaa weeye marba haddii Alle iyo rasuulkiisu go’aamiyaan inaan qofna suu doono yeeli karin ee uu ku amranyahay inuu raaco dhabbaha loo jeexay.

وقال تعالى (إنما كان قول المؤمنين إذا دعوا إلى الله ورسوله ليحكم بينهم أن يقولوا سمعنا وأطعنا وأولئك هم المفلحون* ومن يطع الله ورسوله ويخشى الله ويتقه فأولئك هم الفائزون) [النور: 51 ـ 52].

Wuxuu yiri Allaah: (Hadalka mu’miniitu maaha wax kale haddii loogu yeero ilaah iyo rasuulkiisu inay kala xukumaan dhexdooda inay yiraahdaan waan maqalnay oo waa ogolaanay mooyee, kuwaas ayaa libaanay, kii ogolaada ilaah iyo rasuulkiisa oo ka baqa alle kana dhawrsada kuwaas ayaa liibaanay).

وقال تعالى {..فليحذر الذين يخالفون عن أمره أن تصيبهم فتنة أو يصيبهم عذاب أليم} [النور: 36].

Wuxuu yiri Allaah: (Haka feejignaadeen kuwa dheeg maraya amarkiisa (waa nabiga e) inay la kulmaan fitno ama uu ku dhaco cadaab xanuun badan).

وقال تعالى {وما آتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فانتهوا..} [الحشر: 7].

Wuxuu yiri Allaah: (Wixii rasuulku idinsiiyo qaata, wuxuu idinka reebana ka hara). وقال تعالى {وإذا قيل لهم اتبعوا ما أنزل الله قالوا بل نتبع ما وجدنا عليه آبائنا..} [لقمان: 21].

Wuxuu yiri Allaah: (Haddii lagu yiraahdo raaca waxa Alle soo dajiyay waxay oranayaan maya waxaan raacaynaa waxaan ka soo gaarnay aabbayaasheen).

ورسول صلى الله عليه وسلم يقول: "عليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين من بعدي تمسكوا بها، وعضوا عليها بالنواجذ، وإياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعة، وكل بدعة ضلالة”. (مسند أحمد 4/126، وانظر صحيح الجامع 2546).

Wuxuu yiri rasuulku N.n.d.h.a.: (Waxaan idinku ogahay dariiqayga & dariiqa khulafada raashidiinta ah ee la hanuuniyay ee iga danbaysa, qabsada dariiqaas gawsdanbeedyadana ku xajiya, waxaan idiinka digayaa waxyaabaha gadaashay imaanaya wax walba oo gadaashay yimaada (oo diin ah) waa bidco, bidco walbaayina waa baadi).

Taas oo macneheedu yahay waxyaabaha diinta laga dhigayo oo dad badani moodayaan khayr maaha say moodayaan ee wixii diin laga dhigto oo aan nabi Mux’ed N.n.d.h.a. uusan ogayni waa bidco gadaal ka gaar ah oo khayr laga helo daaye lagu habaabayo oo lagu lumayo.

وقال صلى الله عليه وسلم: "من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد”. (رواه البخاري 2697، ومسلم 1718).

Sidoo kale wuxuu yiri rasuulku N.n.d.h.a.: (Kii ku soo kordhiya amarkayagaan wax aan ka mid ahayn waa lagu soo celinayaa).

Macnahaasina waa inaan marna Alle aqbalayn wax diin loo ekeysiiyay oo aan nabi Mux’ed N.n.d.h.a. ogayn wuxuu doonayaba ha ahaadee.

Waxaase yaab leh in dad badan oo ku andacoonaya inay jecelyihiin Nabigeena N.n.d.h.a. haddana bidcada aan laga karayn inay iska daayaan amaba laga yaabo inayba u arkaan shayga kaliya ee Alle loogu dhawaanayo taasina waa nasiib darro ee Alloow na hanuuni kuligayo.

Waxaa laga yaabaa marka la yiraahdo waxaanu daliil ama tusmo ma leh waxaa lagu oranayaa oo shiikhii baa sidaas yiri ama waa arki jirnay taasina dhab ahaan ma noqonayso gar Alle hortiis, waayo marna laynama oran ka qaata diinta meel aan kitaabka iyo sunnaha ahayn xataa meelaha kale ee sharciga laga dheegto sida Ijmaaca iyo Qiyaaskaba waxay dabayaal u yihiin kitaabka iyo sunnaha marka waa in qofku aanu ku socon malihiisa ee uu dhabta uu kuurgalo oo waliba uu aad uudhuuxo si uu u badbaado adduunka iyo aakhiradaba.

يقول الله تعالى {ولا تتبع الهوى فيضلك عن سبيل الله} [ص: 26]

Wuxuu yiri Allaah: (Ha raacin hawada (hiyigaaga) oo aad markaas ka luntid dariiqa Alle). Xukunka dabbaaldegga dhalashada nabiga N.n.d.h.a.

Xuska maalinta 12aad ee bisha sadexaad ee sanadka hijriga ayadoo loola jeedo in la wayneeyo maalintaas maadaama uu dhashay nabigeenna Mux’ed ah N.n.d.h.a. waa wax aan raad ku lahayn kitaabka, sunnaha iyo ijmaaca umadda midna, haday saas tahayna waa in uu yahay bidco ka dabatuur ah oo waa danbe la jidaystay kaddibna noqotay sooyaal qoloba qolo u gudbiso.

Waxaa xusid mudan inaan la aqoon jirin dabbaaldaggaan sanadlaha ah sadexdii qarni ee u horeeyay taariikhda islaamka, nabiguna N.n.d.h.a. uu amaanay waxaase la yaqaanay waagaas laba ciidood oo loo dabbaaldago waxayna ahaayeen ciidal-fidriga iyo ciidal-adxaa, sidaa darteed xuskaanu waa mid bidco ah sababaha soo socda aawadoo.

• Nabigu N.n.d.h.a. ma xusin umana dabbaaldagin maalintaas mana amrin. • Khulafadii raashidiinta ahaydna ma xusin umana dabbaaldagin nabigana N.n.d.h.a. iyagaa cid walba ka jeclaa oo muran malaha. • Nabigu N.n.d.h.a. isagaa ina amray inaan raacno dariiqiisa ilaahna aynaan ku caabudin wax aanu jidayn isagu, haddaba haddii mawliidku khayr yahay isagaa ina amri lahaa oo inoo bilaabi lahaa mise waxaynu leenahay khayr aan nabigu N.n.d.h.a. ogayn baannu ogaanay tasina waa khalad ina gaarsiinaya meel fog oo ku dhamaanaysa hayjad cidla ah iyo cadaab. • Imaam maalik bin anas ayaa yiri: (Ummaddaani ku hagaagi mayso wixii kuwoodii hore ay ku hagaageen mooyee wax kale), taasina waa tilmaan inoo astaynaysa in haddii mawliidku yahay khayr ay culimadii hore ee salafka loo yaqaanay ay samayn lahaayeen laakiin taasi ma dhicin. • Siirada nabigu N.n.d.h.a. kuma koobna maalin kaliya ee waa in marwalba la akhriyaa lana baraa dadka, haddiise maalintaas wax gaar ihi ku jiraan waxaa inoo sheegi lahaa kitaabka iyo sunnada lamana hayo.

وقد ورد في الحديث الصحيح الذي رواه مسلم في صحيحه عن عبدالله بن عمرو بن العاص ـ رضي الله عنهما ـ قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: "ما بعث الله من نبي إلا كان حقاً عليه أن يدل أمته على خير ما يعلمه لهم، وينذرهم من شر ما يعلمه لهم”.

Xaddiiskaan macnihiisu waa Ilaahay nabi ma soo saarin hadduu soo saaray waxaa nabigaa xaq ku ah in uu ummaddiisa tuso wixii khayr ah ee uu u ogyahay, ugana digo wixii shar ah ee uu u ogyahay).

Haddaba saw abbaar maaha in mawliidku yahay bidco maadaama aan nabigeennu N.n.d.h.a. inoo sheegin.

• Waxaa laga yaabaa in ay dhacdo marka uu dhacayo xuskaan waxyaabo aan bannaanay xagga sharciga sida rag iyo dumar is dhexfariista, tixo laga yaabo in lagu daro xadgudub oo laga yaabo tilmaamo ama awoodo Alle leeyahay in cidkale la siiyo taasina waa dardhaaf aan la ogolayn. • Waxaa markii la soo bilaabayay mawliidka looga dayday ahlu-kitaabka qaarkood oo u dabbaaldagi jiray nabi ciise N.d.h.a. dhalashadiisii, inagana waxaa layna faray inaan garab marno ahlu-kitaabka dhaqankooda.

Yaa bilaabay Mawliidka?.

Sida ku cad sooyaalka taariikhda islaamka waxaa mawliidka bilaabay nimankii la oranjiray (Faadumiyiinta) oo ku abtirsan jiray Cali bin abii-daalib laakiin waxaa cad inaysan abtirkaas meelna ka soo galin ee ay ahaayeen Cubaydiyiin oo waxay ka soo tafiirmeen Cubayd al-qaddaax nin la oran jiray,oo haybtiisu gasho yuhuudda, waxayna ahaayeen baadiniyiin waliba lagu sheegay inay ahaayeen kuwo aad uga fog dariiqa toosan, waxayna nimankaasu xukumayeen Masar qarnigii afraad ee hijriga.

Taqiyuddiin Axmed bin Cali Al-maqriizi ayaa ku sheegay kitaabkiisa la yiraahdo (Almawaacid): (in Faadumiyuuntu ay lahaanjireen dabbaaldag ciideedyo ay samayn jireen sanadka oo dhan, waxaana ka mid ahaa bilowga sannadka, maalinta caashuura, Mawliidka Nabiga N.n.d.h.a, udabbaaldagga dhalashada Cali, Faadumo, Xasan iyo Xusayn, bilowga iyo bartamaha rajab iyo shacbaan.

Ninka bilaabayna wuxuu ahaa ninkii la oran jiray Almuciz liddiinillaah oo ahaa ninkii faafiyay mabaadii’da Ismaaciiliyada ee shiicada ka farcanta, faadumiyiintuna ma ahayn dad khayr lagu amaanay ee waxaa lagu sheegay in abtirkooduna yahay been, ilxaad, sandaqo iyo baadiniyana waa lagu sheegay.

Ibnu kathiir wuxuu ka soo guuriyay Abu-bakar Al-baaqillaani inuu yiri: (Faadumiyiintu raafiddonimana waa muujisanayeen (shiicanimo) gaalnimana waa qarsanayeen) Albidaayah wannihaayah 11/387.

Ibnu kathiir wuxuu yiri:(Faadumiyiintu waxay ahaayeen gaalo, faasiqiin, faajiriin, mulxidiin, sanaadiqo, islaamnimadana dayacay kana madax adaygay, majuusnimona rumaysan) Albidaayah wannihaayah 11/346.

Waxaa kale oo la sheegaa in mawliidku soo bilowday qarnigii 7aad ee hijriga uuna bilaabay boqorkii Arbiil ee la oran jiray Almalik Al-mudafar Abu-saciid kuukburi, waxaase lagu kulmiyay labadaa hadal in Faadumiyiintuna bilaabeen guud ahaan, ninkaanuna uu ka bilaabay Shaam iyo Ciraaq xilliga aan kor ku soo sheegnay.

Sheekh Yaaquut alxamawi oo noolaa casrigii Almalik Al-mudafar ayaa yiri asagoo ka warramaya boqorkaan xukumayay Arbiil ee aan kor ku soo xusnay : (Boqorkaan dhaqankiisu wuxuu ahaa mid is khilaafsan, dulmi badan, u daran dadkiisa, maalkana qaata asagoon u meeldayin) Mucjamu Al-yaaquut 1/138.

Haddaba waxaan garan karnaa mar haddii aanu jirin mawliidku qarniyadii la amaanay dadka bilaabayna ay yihiin kuwa ay culimadu saas u sheegeen saw ma aynaan garan in hawshu tahay bidaari yaanay sibiq kugu galin, ama abeeso yaanay dhul u ekaan kugu dilin, maadaama mawliidku yahay mid qaabkaas ku soo bilowday kaddibna u fufay daafaha dunida muslimka ah. Maxay Culimadu ka yiraahdeen Mawliidka?.

Ibnu Taymiyah wuxuu yiri:(Waxyaabaha dadka qaybtood iska samaysteen ayagoo uga gol leh inay sida Nasaarada yeelaan ama ay ula jeedaan jacaylka iyo waynaynta nabiga N.n.d.h.a, oo mawliidku ka mid yahay waa wax aan Salfkii ummaddu (Culimadii hore) samayn hadduu khayr ahaan lahaana waa ay samayn lahaayeen maxaa yeelay iyagaa nabiga N.n.d.h.a. inooga jacayl badnaa inoogana waynayn badnaa khayrkana inooga degdeg badnaa) Iqtidaa’ Al-siraad Al-mustaqiim 2/123.

Waxaa kaloo ka mid ah culimada inkirtay mawliidka.

• Al-imaam Al-shaadibi oo ku diiday kitaabkiisa Al-ictisaam. • Al-shaykh Mux’ed Bashiir Al-sahsawaaniyi Al-hindiyi oo ku diiday kitaabkiisa Siyaanatu Al-insaan. • Alfaakihaani oo isna ku diiday kitaabkiisa Almawrid fii camali Al-mawlid. Maxay ku andddacoodaan dadka u heellan Mawliidka?.

1. waxay klu doodaan Mawliidku waa bidco wanaagsan, waxaynuna ognahay in aan diinteennu aqoon bidco haddana wanaagsan, waa sidii adoo dacar ama unuun yiri waa macaanyihiin taasina waa wax aan suurta gal ahayn waayo waax sunnadu inoo caddaysay in bidca walba ay baadi tahay sida aan horay usoo sheegnay, Imaam Al-shadibi ayaa sheegay in Ibnu-Al-maajashuun uu yiri:(Imaamu maalik ayaan maqlay oo leh ninkii bidco allifa oo mooda inay wanaagsantahay waa nin leh nabi Mux’ed N.n.d.h.a. ayaa dhambaalkii loo soo dhiibay khiyaamay oo qaar qariyay maxaa yeelay buu yiri Allaah ayaa yiri:

Maanta waxaan idiin dhamaystiray diintiinii (اليوم أكملت لكم دينكم)

Waxaan maalintaas diin ahayna manta diin noqonmayaan). Al-ictisaam 1/28. 2. waxy kaloo yiraahdaan Shuyuukhdeenna ayaa na bartay, dhab ahaan shuyuukhda waa in la ixtiraamo lagana danbeeyo oo aan loo gafin waase haddii ay ku saxanyihiin waxa markaas lagu raacayo waayo iyaga iyo inaguba waxaynu ku amrannahay inaan raacno kitaabka iyo sunnaha, marka haddii sheekhu illaa waa aadanee uu sheego wax aan ahayn sunne ee bidca ah lguma raaci karo ee waa in loo sheegaa inuu xaqa u soo noqdo,

قال أبو بكر بن أبي داود: ودع عنك آراء الرجال وقولهم *** فقول رسول الله أزكى وأشرح

Abu-bakar bin daawuud ayaa yiri tixdaan oo macneheedu yahay markaan tixda tix ku fasiro. Rag aragtidii yay ku hodin ama oraahdiise Erayadii rasuulkaa udgoon oo iftiin badane.

Imaam Al-shaafici ayaa yiri : (Muslimiintu waxay isku waafaqeen in qofkii sunnuhu u caddaado aanay ubannaanayn inuu uga tago sunnadaas qof kale hadalkiis) Al-risaalah 104.

3. sidoo kale wxay yiraahdaan Mawliidka ninkaan samayn nabiga N.n.d.h.a. ma jecla, taasina ma aha dhab waayo waxaynu soo sheegnay in aan shay walbaa raacis lahayn ee la raacayo kitaabka iyo sunnaha kumana qorna wax la yiraahdo mawliid, Ibnu-Alqayim ayaa yiri:(Qof walba oo bidco samaynaya wuxuu wax u dhimayaa sharfka nabiga N.n.d.h.a. isagu haba is moodee inuu waynaynayo, ama ha la ahaatee inay sunnaha ka wanaagsantahay, ama sunneba ha moodee asagoo dheeganaya shuyuukhdiisii oo ah (muqalid), haddiise uu isagoo og sunnada ka leexdo waa qof dhinac maray Alle & rasuulkiis N.n.d.h.a.). Iqhaathatu Al-lahfaan 1/102.

4. waxaa kale oo ay yiraahdaan Isniinta ayaa nabigu soomay asagoo sheegay in maalintuu dhashay ay tahay, taasina waa sax oo layskuma khilaafsana inay sunne wanaagsan tahay in la soomo Isniinta iyo khamiistaba, laakiin waxaa laga hadlayaa 12ka bisha 3aad ee hijriyada oo sanad walba ay dadka qayb ka mid ahi qabtaan xaflad loogu magac daray Mawliid yaa keenay yaa laga dheegtay, diinse ma lagu sheegi karaa taasina waa mid u baahan in loo dhug yeesho oo aan dadku marin habaabin ee ay kala gartaan waxa laga doodayo iyo waxa aan doodi ka taagnayn, sidaa darteed soon la soomo isniin iyo khamiis muran kama taagna ee waxaa la rabaa inuu qofku xaqdoon noqdo ee aanu noqon qof leh (Qumba caddahaygaan ligligga haystaa) waxaa dhibtu ka dhacday waa maalinta sannad walba loo rayraynayo ee lagu magacaabo maalinta mawliidka haddana aan loo hayn qur’aan ama sunne sheegaya in lagu cibaadaysn karo, waxaana culimada Ahlu-sunnuhu isku waafaqsanyhiin in Cibaadadu ay tahay mid ku jaan go’an kitaabka iyo sunnaha oo aan cidina wax ku dari karin kana dhimi karin.

Ugu danbayn waxaan ilaah ka baryayaa inaan kulligeen noqono xaq raadis ee aynaan isu abla ablayn kooxo iyo qabiilooyin, runtuna waa in qofku uu ka shaqeeyo inuu aakhirada badbaaado, mana aha ceeb inaad xaqa garawsatid ee waa sharaf, tan kale waxaa xusid mudan in bidcooyinka mawliidku ka midka yahay ee dad badan oo muslin ahi ay u haystaan khayr ay u baahantahay oo kaliya in lala jeexjeexo oo loo caddeeyo xujooyinka, mana aha arrin mudan in laga dhigo wax haddii laga tago ama la sameeyo la rogmanayo ee waa in mar walba xaqa la boorqaado oo ummadda farta loogu fiiqo toobyaha saxda ah, ilamana aha in ay sax tahay car samee iyo waan samaynayaa ee car iyo wir.

Tan kale waxaa xusid mudan in ay arrintaan gacanta kula jiraan hay’ado iyo dawlado raba in ummadda laysku mashaqeeyo taasina maaha ugub ee waa soo yaal ku guntan taariikhda haddaanse dacal ka soo faydo waxaan xusi karnaa.

• Wuxuu sheegay taariikhyahanka Al-jabarti:(In ninkii la oran jiray Napoleon Bonaparte ee faransiiska ahaa uu ku bixiyay Mawliidka adduun dhan 300 oo riyaalka faransiiska ahaa taariikhdu markay ahayd 1213kii hijriga, wuxuuna adduunkaas u dhiibay Al-sheykh Al-bakri oo ahaa wakiilka ashaarfta masar) Cajaa’ib Al-aathaar 47. waxaadna halkaas ka garan kartaa in isticmaarku uu mar walba doonayay inuu dhiirri galiyo bidcada si uu ummadda u marin habaabiyo una kala qaybiyo.

• Waxaa xusid mudan in hay’adaha Un-ka eek u sugan Somaaliya ay ku dhawaaqeen in maalinta Mawliidku ay tahay maalin qaran, taas oo ay ku dhawaaqeen bishaan gudehdeeda waana markii ugu horraysay ee ay ku dhawaaqaan arrintaas, waa yaabe ma jacaylka nabigay u jeedaan ayaguna mise baroortu orgiga ka wayn Allow ummadda xaqa tus anagana na hanuuni oo na hagaaji.

إذا لم يكن بد من الصبــر، فاصطبر *** على الحق، ذاك الصبر تحمد عقباه

Tixdaan ayaa macneheedu yahy markaan ku cabbiro tix soomaali ah.

Maarmi waa haddii aad tahoo samir ad meelayso Mahad lagama helo meel kalee xaqa dul mawriirso

Waa in qof walba uu cabddadiisa maareeyo, waa in uu xaqu meeshuu jiro uu ubbada u dhaansado, waa in uu ka fogaado gadaal ka gaarka ama bidcada aan sal iyo raad toona ku lahayn xididdada islaamka, saw ma ogid in kitaabka iyo sunnuhu inaku filanyihiin, saw ma ogid in dad badan looga cayrin doono darka nabiga N.n.d.h.a. bidco ay sameeyeen darteed, haddaba walaalayaal aynu xisaabtanno yaan nafta iyo shaydaanku inaga adkaan, yaanay kula tagin rag iska dhici, ogow adiga kaligaa ayaa qabriga galaya kooxdaada iyo adiga iilku idinma wada qaado. Waxaan uga gol leeyahay qormadaan inaan wax uun ka bidhaansho bulaanka iyo qaylada ka taagan xuska loo yaqaan mawliidka, uguma hiillinayo naftayda iyo koox toonna waxaanse uga gol leeyahay inaan aqoontay tilmaamo meesha uu ka soo jeedo mawliidku iyo goorta iyo cidda bilowday, waxaan rabaa inaan kulligeen xaqa isugu nimaadno oo aynaan yeelan qab, abtirsi iyo abla-ablayn kooxeed oo aynu markaas shallayno mar aan shallaytadu wax ina tarayn, Allahayoow xaqa na tus.

Fu’aad Max’ud X.Nuur.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Ogeysiisyada Cusub
More »»
Muxaadaro Maqal ah
NO MAGACA DARSIGA DHAGEYSO
01 quran Dhageyso
More »»